26/03/2025
Isla-xisaabtabka nidaamka dawliga ah waa mid ku salaysan qiimeeyn qorshe la dhigtay oo salka ku haya awood ama tabar miisaaniyadeed, ee maaha mid cabbir looga dhigo baahiyo jira.
Baahiya shacabka Deegaanka haystaa way badan yihiin, marnana dawladu kuma doodin inay ka jawaabi karto dhamaan baahiyaha horumarka ee shacabku qabaan. Waxay ka jawaabaysaa kuwa ay u aragtay in lagu wajihi karo tabarta la hayo.
Waxaa si joogta ah goloyaasha awooda iyo masuuliyadda u leh qiimeeynta waxqabadka xukuumadda lala wadaagaa qorshaha xukuumadda, wixii fulay, waxaan fulin, caqabadaha lala kulmay, goldoloolooyinka jira iyo talaabooyinkii la qaaday si looga gudbo caqabadaha.
Waxaa dhawaanahan muuqda kooxo sawaxankii horaantii Isbadalka ina hadheeyay wax u eg miciin biday oo raba inay baahiyo jira iyo dhacdooyin maalin la’ ku cabbiraan waxqabadka Xukuumadda Isbadalka.
Sawaxankaas waxaa barbar socda isku day in la aamusiiyo cidii soo bandhigta xog ka duwan ta dhaliil-sheega ku salaysan ee qorshe, tabar iyo duruufaha dalka iyo dunida ee guud midna aan tixgalinayn. Waxaad moodaa ujeeddadu inay tahay aan hadalno ee yaan nalaga garab hadlin ama shacabka loo soo bandhigin wax ka duwan waxa aan rabno inaan u sheegno.
Waxay muujinaysaa dulqaad yarida iyo macangagnimadda kooxaha ku mashquulsan dhaliil-sheega oo sida muuqata hadii ay iyagu xilka hayn lahaayeen laga yaabo in ayna ogolaadeen cid ka aragti duwan inay hadashaba!
Xukuumaddu way sii xoojin la wadaaga shacabka qorshayaasheeda, waxqabadkeeda, iyo caqabadaha ay wajahdo. Wayna dhagaysan falcelinta shacabka iyo dhaliisha ku qotonta sixidda.
W/q madaxwaynaha dds