01/05/2025
Sodon (30) Odhaahood ee ugu Saameynta Badan Caalim Dr. Yaasir Al-Khuzaymi
🧠 Xagga Garashada iyo Qiimaynta Nafta:
1. "Qofka naftiisa aan ku kalsoonayn wuxuu si dhakhso ah ugu gaajoodaa xagga dareenka; maxaa yeelay quudkiisa gudaha kuma filna inuu ka dhargiyo baahidiisa."
2. "Habka ugu wanaagsan ee aad naftaada ula dhaqmi karto waa in waxa aad tahay aanu ka fogaan waxa aad dadka u muujiso."
3. "Kalsoonida nafta ma aha isla-weyni, waa inaad ogaato qiimahaaga adigoo aan u baahnayn in aad cid kale u caddayso."
4. "Guusha dhabta ah waxay ka bilaabataa gudahaaga, marka aad naftaada rumaysato ka hor inta dadka kale ay ku rumayaan."
5. "Qiimaynta Nafta micnaheedu maaha in aad kaamil noqoto, balse waa in aad naftaada aqbasho xitaa iyada oo ay jiraan ceebo."
🤝 Xagga Xidhiidhada Bani'aadamka:
6. "Dadka waxa ay u kala socdaan 'Amiir (Hogaamiye), Asiir (La hayste) , iyo Nadiir( qof kula siman); kii aad wanaajiso adaa amiir (hogaamiye) u ah, kii ku wanaajiya adigaa asiir (La hayste) u ah, kii aan kuu baahnaynna adiga ayuu kula siman yahay."
7. "Xidhiidhada guuleysta waxa lagu dhisaa daacadnimo iyo is-ixtiraam, ee maaha marin-habaabin iyo been muuqata."
8. "Haku qasbin naftaada inaad sii joogto xidhiidh ku daaliya; saaxiibtinimada runta ahi ma daaliso naf."
9. "Kalsooni iyo kalgacal uma baaba'aan khilaafka aragtida, balse wuu kobciyaa xidhiidhka oo wuu hodminayaa."
10. "Raalli gelintu ma dhinto qiimahaaga; ee waxay kuu kordhisaa jacaylka qalbiyada dadka."
💬 Xagga Isgaadhsiinta iyo Hadalka:
11. "Si aad hadal yaqaan u noqoto: noqo mid aqoon qoto dheer leh, hadalkana u sahla dadka, si xiiso lehna u soo bandhiga, Ilaahayna weyddiista gargaar."
12. "Ereyada wanaagsan waa sadaqo; ereyadaada u xulo sidii aad u dooran lahayd hadiyadaha ugu quruxda badan."
13. "Dhegeysiga waa farshaxan; dhegeysi dhab ahna waxa uu furayaa qalbiyada dadka ka hor maskaxdooda."
14. "Isgaadhsiinta wax-ku-oolka ah waxay ka bilaabataa niyad daacad ah oo faham doonaysa, ee ma aha mid jawaab deg