03/11/2025
XOGO CUSUB
Xisbiga Barwaaqo ayaa maalmo kahor sheegay in ay isla xisaabtan dhaba ku sameyn doonan hoggaaminta heerarkoda kala duwan. Waxaa socday tababar la siinnayo hoggaaminta sare. Tababarkan hoggaamin badan oo soo habsaantay ayaa sidaas ku amba-baxay. Maalintii wacyi-galinta ayay daahen hoggamin Deeganno kala duwan ah, waxayna keentay in kaarkii lagu galayay tababarka ay waayan. Siddaas ayayna kaga hadheen tababarka. Hoggaamin kasta oo tababarkan socda aan ka qayb-galina waa kuwo la eryi doono marka tababaradu dhamaadan. Tababarka waxaa kaloo qaadan doona hoggaminta dhexe. Tirada rasmiga ah ee hoggaminta tababarka habsanka uga hadhay ayaanan wali xaqiijin. Laakin, waa xog rasmi ah.
Dhanka kale, waxaa dhawaan gobalada Deeganka kormeer ugu baxday hoggaaminta sarree Deeganka. Xiligaas waxaa dhacday in goobahii shaqo laga waayay hoggaamin aan cudur-daar lahayn, hoggamintii noocas ahayd tababarada bilawday ma gali doonan. Waxaana warqadooda la qori doona marka tababarada la soo Afmeero.
Xiligii Mudane Aadan Faarax, Deeganka Madaxwayne kuxigenka ka ahaa hal maalin ayaa hoggaamin habsaantay la eryay. Xoggo hordhac ah ayaana tibaaxaya in Xisbiga Barwaaqo awood dheerad siin doono xarruumaha dhexe, iyadoo dabagal iyo isla-xisaabtan maamulo badan ku amba-bixi doonan.