30/11/2020
Faaiidooyinka Quraanka oo la akhriyo laga helo in kastoo ay badan yihiin hadana maanta shan faaiido ayaan soo qaadanayaa Quraan Akhrinta laga helo
5 Faaiido Ayaad Quraan Akhrinta Ka Helaysaa
1. Waxaa xasilaya oo dagaya qalbigaaga. Allah ayaa
quraankiisa noogu sheegay
ﺍﻻ ﺑﺬﻛﺮ ﺍﻟﻠﻪ ﺗﻄﻤﻯﻦ ﺍﻟﻘﻠﻮﺏ
Allah ayaana ugu dhawaanaysaa
2. Halkii xaraf waxaad ku helaysaa 10 ajar, tisaale ﺍﻟﻢ ama
ﻋﺴﻖ waa 30 ajar ﻉ ﺱ ﻕ، ﺍ ﻝ ﻡ xaraf kasta waxaa ku
helaysaa 10 ajar qofka aqriya juz ka waran. Nabiga ﺻﻠﻲ
ﺍﻟﻠﻪ ﻋﻠﻴﻪ ﻭﺳﻠﻢ ayaana noo sheegay
ﻣَﻦ ﻗﺮﺃ ﺣﺮﻓًﺎ ﻣﻦ ﻛﺘﺎﺏ ﺍﻟﻠﻪ ﻓﻠﻪ ﺑﻪ ﺣﺴﻨﺔ، ﻭﺍﻟﺤﺴﻨﺔ ﺑﻌﺸﺮ ﺃﻣﺜﺎﻟﻬﺎ، ﻻ ﺃﻗﻮﻝ :
ﺃﻟﻒ ﻻﻡ ﻣﻴﻢ ﺣﺮﻑ، ﺃﻟﻒٌ ﺣﺮﻑٌ، ﻭﻻﻡٌ ﺣﺮﻑٌ، ﻭﻣﻴﻢٌ ﺣﺮﻑٌ
3. Quraanku wuxuu u shafeeca qaadi doonaa maalinta Qiyaamaha kuwa Akhrin jiray oo kaliya sida Axaadiith
badan kusoi arooortay
ﺇﻗﺮﺅﺍ ﺍﻟﻘﺮﺁﻥ ﻓﺈﻧﻪ ﻳﺄﺗﻲ ﻳﻮﻡ ﺍﻟﻘﻴﺎﻣﺔ ﺷﻔﻴﻌﺎً ﻷﺻﺤﺎﺑﻪ
4. Dadka quraanka akhriya waxay janada ka galaan
darajoooyinka sarsare, waxaana dadka la dhihi doonaa
akhriya quraanka sidaa u akhrin jirteen markaa aduunka joogteen.
Qof walba meesha uu uga istaago quraanka ayuu
booskiisa janada noqon doonaa, sidaa darteed ku dadaala
xifdinta quraanka iyo tartiib inaad u aqrisaan sida Rasuulku
ﺻﻠﻲ ﺍﻟﻠﻪ ﻋﻠﻴﻪ ﻭﺳﻠﻢ noo sheegay
ﻳﻘﺎﻝ ﻟﻘﺎﺭﺉ ﺍﻟﻘﺮﺁﻥ : ﺍﻗﺮﺃ ﻭﺭﺗﻞ ﻭﺍﺭﺗﻖ ﻛﻤﺎ ﻛﻨﺖ ﺗﺮﺗﻞ ﻓﻲ ﺍﻟﺪﻧﻴﺎ ﻓﺈﻥ ﻣﻨﺰﻟﺘﻚ
ﻋﻨﺪ ﺁﺧﺮ ﺁﻳﺔ ﻛﻨﺖ ﺗﻘﺮﺅﻫﺎ
5. Quraanka qofka aan si fican u aqoon ee gaja'laynaya
ama kickicinaya marka uu akhrinaayo laba mar ayuu ka ajir badan yahay qofka si fiican u yaqaan ee xifdisan
ﺍﻟْﻤَﺎﻫِﺮُ ﺑِﺎﻟْﻘُﺮْﺁﻥِ ﻣَﻊَ ﺍﻟﺴَّﻔَﺮَﺓِ ﺍﻟْﻜِﺮَﺍﻡِ ﺍﻟْﺒَﺮَﺭَﺓِ، ﻭَﺍﻟَّﺬِﻱ ﻳَﻘْﺮَﺃُ ﺍﻟْﻘُﺮْﺁﻥَ ﻭَﻳَﺘَﺘَﻌْﺘَﻊُ ﻓِﻴﻪِ
ﻭَﻫُﻮَ ﻋَﻠَﻴْﻪِ ﺷَﺎﻕٌّ ﻟَﻪُ ﺃَﺟْﺮَﺍﻥِ
Walaalaha Kale In Aad Gaarsiiso Ajar Ayaaad Ku Helayaaaa
Insha Allah # Share . Mahadsanid