06/09/2024
TEAM TRAINING PROGRAM AND COMMUNITY ATTACHMENT PROGRAM FINALIZATION AT 2024
++++++++++++++++++++++++++++++++++
Waxaa Jaamacada Horn International University iyadoo ka Duulaysa Waxqabadyada Bulshada ay U Qabteen Ardayda Ku Jirta Sanadkii ugu Dambeeyey Ee Jaamacada Ayaa Ku Guda Jira Waxqabadkii Bulshada ee Programska ( Team Training Program and Community Attachment) oo Sanadkasta ay Fuliyaan Ardayda Jaamacada Horn International. Waxyaabaha Ay Fuliyeen sanadkan Waxaa Ka Mid ahaa
1:- Ogaashaha baahida Bulshooyinka Lagu Kala Qoray oo kala Ah Dilla,, Hayayaaabe iyo Xaafada Haddi/Waber
2:- Wax Ka Qabashada ;Baahiyaha la Xidhiidha Caafimaad ee Bulshooyinkaas Haysta
3:- Wacyigalin Caafimaad Sida Faraxalka, Sida Qashinka Laiskaga Hagaajo, Sida Looga Hortago Xanuunada Faafa
4:- Mashruuc Fulin(Mini Project) oo ay Ka Fuliyeen schoolada Magaalada Borama iyo Dugsiga sare ee Dilla(Sh Omar Good)
5:- Fulinta Caafimaadka Schoolka (School Health) oo Ay ka Fuliyaan 3 school oo ka Qabanayaan Hagaajin Kuraasta Burburtay, Abuuris ama Dayactir Maktabadaha, Buug siin, Waxyigalin Caafimaad, Tababaris Arday Iyo Macalimiin Gargaarka Degdega ah.
7;- iyo Adeegyo kale oo Badan
Waxayna Ku Jireen Hawshan Mudo ku Dhaw 2 Bilood.
Xaflad lagu soo xidhayay ayaa lagu qabtay hoolka jaamacada waxaana kasoo qaybgalay
1. Agaasimaha Commisionka tacliinta sare Pro Ilyaas Farah Hassan
2. Dr Mukhtaar Madaxa caafimaadka aasaasiga ah ee Gobolka Awdal(PHC coordinator)
3. Xildhibaan golaha deegaanka Borama Ahmed Khayre
Iyo maamulada kala duwan ee jaamacada.