C-risaaq xajji Hussein

C-risaaq xajji Hussein Noogu so bir sad nogala qayb qadaato ereyada anu halkan kuso gudbiimo

17/04/2021

Abwaan shube

02/04/2021
😁
11/02/2021

😁

Tuugo ayaa bangi weerartay. Mid ka mid ah tuugadii ayaa qayliyay isagoo dadka la hadlaaya wuxuuna yidhi:

"Hantida dowladaa ayaa iska leh, naftiinana idinkaa iska leh, isku daya naftiina inaad bad-baadsataan"

Dadkii oo dhan dhulka ayay wadaa seexdeen.

Taas waxaa la yidhaahdaa 'Baddalidda habka ay dadka u fikirayaan'

Qof haweeney ah ayaa si qaldan u jiifsatay oo lugaha kala taagytay, tuug ayaa meesha soo maray wuxuuna ku yidhi "Reer magaal iska dhig meeshan kufsi maaha ee bangi ayaa la dhacayaa u jiifso si wanaagsan"

Taasna waxaa la yidhaahdaa 'Diirad saarka Shaqada' si aadan uga mashquulin Shaqadaada.

Tuugadii markii lacagta ay qaateen ayaa tuug yar oo shaqada ku cusbaa wuxuu u yimid tuugii waynaa, wuxuuna yidhi "lacagta aan tirino"

Tuugii waynaa oo 15 sano shaqadan ka shaqaynayay wuxuu yidhi, "Ha is daalinin, Warbixinta oo dhan waxaan ka ogaan donnaa warka TV-ga laga sheegi doono"

Taasna waxaa la yidhaahdaa "KHIBRAD" iyadaana ka muhiimsan shahaadooyinka.

Maamulihii Baanka joogay wuxu wacay kii ka sareeyay, wuxuna yidhi, "BANGIGA waa la dhacay ee booliska ma u sheegnaa? Maamulihii waynaa wuxuu yidhi, Maya. "10 malyan noo qaad oo ku dar 70 malyan oo horay i noogu maqneyd, kadibna ku dar inta la xaday. Wadarta Guud oo ah 100 Malyan booliska u gudbi in bangiga laga dhacay"

Taasna waxaa la yidhaahdaa "Inaad la Dabaalan kartid Mowjad/hirka dhanka uu usocdo"

Maamuluhii hoose wuxuu yidhi, "waxaa fiicnaan lahayd bishii mar bangiga hadii la dhici lahaa"

Taasna waxaa la yiraahda, "Damac Kathiirnimo" Islamarkaana ay hantidaada gaarka ahna ay kaala wanaagsanaato shaqadaada.

Habeenkii markii la gaadhay, TV-ga waxaa laga sheegay 100 milyan in Bangiga laga dhacay.

Tuugadii waxay bilaabeen inay tiriyaan lacagtii ay soo dhaceen, Mise waaba 20 malyan oo kaliya.

Markaas ayay int ay xanaaqeen, ayay Camal-Guhaadeen, Waxayna yidhaahdeen, "Intaan tuugo noqon lahayn oo nafteena halis galin lahayn waxaa noo fiicneyd inaan wax baranno"

Sababto ah 80 milyan ayay qaateen Maamulayaashi bangigu iyagoo Shaadhkoodu uu u cad yahay.

Wax barashadu waa u muhiim nolosha aadmiga.

Yaxye Yeebaash
15/09/2020

Yaxye Yeebaash

Waa habeen habeenkii
Haddii aan aboorkiyo
Ayax haadka duuliyo
Ku hakado qudhaanjada
Hadal loo qushuuciyo
Cibro aan ka heli jiray.

Waa habeen habeenkii
Hirashadu geddeediyo
Hibashadu carteediyo
Gocashadu hirkeedii
Beri h**e wixii dhacay
Hinqo maan I odhan jiray.

Waa habeen habeenkii
Ummad aanan hayn iyo
Tarab tarab dad heellani
Sidii ay hortaydiyo
Fadhiyaan hareeraha
Aan u hawlanaan jiray.

Maansda Hilaado 2014

AYaan kaaba
14/09/2020

AYaan kaaba

Qof daacada baad ahayd
Dareenka naftaad ahayd
Dayrkii cadawgaad ahayd
Qof ii damqadaad ahay
Mid ii diran baad ahayd
Adaan dadka kuu jeclaa

Cidlooday dartaa walaal
Qof kale iga diid nabdigu
Agtaaduu doonayaa
Dawana wuu kaa rabaa

Nalkaad ii daartay baan
Haddeer ka dayaa iftiin
Walow big dam uu yidhaa!

Wakhtigu innamuu yar dayn
Duruuftuna may xishoon
Halkaad degtaybaa fogayd

Codkaad ii soo dirtaan
Macaan ku dayaa qalbiga
Markaasuu yara degaa

Ayaan Kaaba.

Ila dhugo!
26/07/2020

Ila dhugo!

Dadka dunidan horumarka ka gaadhay odhan waxa wajiyadoda ka muuqday laba shay waa Aamusnan iyo dhoolacadayn.

"Aamusnaanta waxay kuso dhafeen godad badan oo bahalo ku jiren, dholacadayntana waxay ku qarin jiren xanunka gudahooda ka jiray"

22/06/2020

Saxiibtimimadu waa wehel

19/04/2020

Qalbiiyada Haweenka

Address

Shahan Street
Erigabo

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when C-risaaq xajji Hussein posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The University

Send a message to C-risaaq xajji Hussein:

Share