Masterup Academy

Masterup Academy E-Education

🚛 TRUCK DISPATCH COURSE — SPECIAL OFFER! 🎓Baro xirfadda Truck Dispatching oo dhis mustaqbalkaaga shaqo online ah! 🌍💻🔥 Qi...
01/09/2026

🚛 TRUCK DISPATCH COURSE — SPECIAL OFFER! 🎓
Baro xirfadda Truck Dispatching oo dhis mustaqbalkaaga shaqo online ah! 🌍💻

🔥 Qiimaha H**e: $45
💚 Hadda Hadda: $30

🎯 Ku dhowaad 33% DISCOUNT!

📅 Offer-ku wuxuu soconayaa: 1 September – 11 September 2026

✅ 100% Online
✅ Certificate Upon Completion
✅ Practical Dispatch Skills
✅ Learn Anytime, Anywhere

🚨 Ha seegin fursaddan — ENROLL NOW!

🌐 https://www.masterup.io
📞 +254 727515 164

23/08/2026

Mararka qaar hal model oo cusub ayaa ku filan inuu gilgilo dunida AI-da, waana sida ay hadda u dhacday Ox Alpha. Model-kan oo si qarsoodi ah uga soo muuqday OpenRouter ayaa si degdeg ah u noqday mowduuca ugu hadal-heynta badan bulshada tiknoolajiyadda, iyadoo ilaa hadda aan la ogeyn cidda rasmiga ah ee dhistay.

Ox Alpha waxaa lagu soo bandhigay isagoo ah “Stealth Model”, wuxuuna leeyahay awood sare oo ay ka mid yihiin fahamka qoraalka, sawirrada iyo muuqaalada (video), iyo context window gaaraya 1 milyan oo token. Sidoo kale, isticmaalayaashu waxay hadda si bilaash ah ugu tijaabin karaan OpenRouter.

Waxyaabaha ugu badan ee laga hadal hayo waxaa ka mid ah awooddiisa coding-ka iyo kartidiisa software engineering-ka. Tijaabooyin ay sameeyeen developers kala duwan ayaa muujiyay natiijooyin xooggan, taasoo keentay in lagu daro doodaha ku saabsan models-ka ugu awoodda badan ee maanta jira.

Si kastaba ha ahaatee, su’aasha ugu weyn ayaa weli taagan: yaa dhisay Ox Alpha? Dad badan ayaa tuhunsan in uu xiriir la leeyahay Z.ai ama GLM, halka kuwo kalena ay farta ku fiiqayaan Microsoft. Qaabka tokenizer-ka iyo hab-dhaqanka model-ka ayaa sidoo kale dhalisay mala-awaallo sheegaya inuu xiriir la leeyahay GLM, balse weli ma jiro xaqiijin rasmi ah.

Soo bixitaanka model awood sare leh oo si qarsoodi ah loo soo bandhigay ayaa mar kale muujinaya sida uu u kulul yahay tartanka AI-da. Waxaa suuragal ah in maalmaha soo socda la ogaado cidda rasmiga ah ee ka dambeysa Ox Alpha.

Meet Z.ai, the AI assistant powered by GLM-5.2. Build websites, write code, handle long-horizon tasks, and get instant answers. Fast, smart, and reliable.

🎓 Qalin-jabintu Maaha Dhammaadka, Waa BilowgaArdayda sanadkan qalin-jabinaysa, hambalyo. 🎓Jaamacaddu waxay idin siisay a...
21/08/2026

🎓 Qalin-jabintu Maaha Dhammaadka, Waa Bilowga

Ardayda sanadkan qalin-jabinaysa, hambalyo. 🎓

Jaamacaddu waxay idin siisay aqoon iyo shahaado, laakiin maanta dunidu si weyn ayay isu beddeshay. Waagii h**e waxaa la aaminsanaa in shahaado = shaqo =mustaqbal ,Maanta arrintu sidaas ma aha.

Dalkeenna, shaqo la’aantu waa caqabad weyn oo dhalinyaro badan haysata. Qof ayaa jaamacad dhammaysta, shahaado qaata, haddana muddo dheer shaqo raadiya. Laakiin shaqo la’aantu ma aha dhammaadka noloshaada.

Dunida maanta waxaad abuuri kartaa ganacsi, mashruuc, digital product, online service ama shaqo aad internet-ka ka qabato, adigoo jooga meesha aad hadda joogto.

AI Tools-na waxay fureen fursado cusub. Waxaad AI u isticmaali kartaa waxbarasho, content creation, marketing, design, programming, research iyo ganacsi.

Sidaas darteed, ha is weydiin oo keliya:

“Xaggee shaqo ka heli karaa?”

Sidoo kale is weydii:

“Maxaan abuuri karaa?”

Ha sugin fursad oo keliya—fursad abuuro.
Ha ku tiirsanaan shahaadada oo keliya—xirfad dhiso.
Ha ka baqin AI—baro oo ka dhig qalab kuu shaqeeya.

Mustaqbalkaaga ha ku xirin hal shaqo; ku xiro aqoontaada, xirfaddaada iyo awoodda aad u leedahay inaad fursad abuurto.”

🎓 Class of 2026, shahaadadu waa bilowga safarkiinna—mustaqbalka idinka ayaa dhisanaya.

Waxaan si farxad iyo sharaf leh u hambalyeynaynaa arday ka mid ah ardayda Masterup Academy, kaas oo kadib markii uu dham...
18/08/2026

Waxaan si farxad iyo sharaf leh u hambalyeynaynaa arday ka mid ah ardayda Masterup Academy, kaas oo kadib markii uu dhammeystay Billing System Course, uu ku guuleystay inuu helo shaqo online/remote ah oo uu uga shaqeeyo shirkad ku taalla USA 🇺🇸.

Tani waa guul weyn oo aan ku faraxsanahay, gaar ahaan iyadoo ardayda dhammeystay koorsooyinkeenna ay tiradoodu ku dhowdahay 70 arday. Guushan waxay caddeyn u tahay in xirfadda saxda ah, dadaalka iyo ku celcelintu ay qofka u horseedi karaan fursado shaqo oo caalami ah. 🌍💻

Waxaan sidoo kale rabnaa inaan si daacadnimo leh u caddeyno in Masterup Academy aysan ballanqaadin in arday kasta uu shaqo heli doono kadib marka uu koorsada dhammeysto. Shaqo helistu waxay ku xiran tahay dadaalka ardayga, xirfaddiisa, CV-giisa, khibraddiisa iyo sida uu uga faa’iideysto fursadaha suuqa shaqada.

Laakiin waxa aan kuu ballanqaadi karno waa inaan ku barno xirfad aad si dhab ah ugu shaqaysan karto, kuna siino aqoon iyo tababar kaa caawinaya inaad u diyaar garowdo suuqa shaqada. 🚀

Masterup Academy — Xirfad baro, fursad abuuro, mustaqbal.💚🖥️

Hambalyo ardaygeenna guushan gaadhay! 👏🎓

14/08/2026

Claude waxay qoraallada ku dabacaysaa watermark-(calaamado aqoonsi) aan muuqan oo mashiinnadu kaliya akhrin karaan, sidoo kalena waxay faylasha ay soo saaraan ku dari doontaa (provenance metadata) oo si dijitaal ah loo saxeexay, gaar ahaan 2-da Agoosto 2026 iyo wixii ka dambeeya.

Anthropic waxay siyaasaddan caalamiga ah u hirgelisay si ay ugu hoggaansanto shuruudaha daahfurnaanta, sida kuwa ku jira EU AI Act.

🚀 GRAND OPENING – MASTERUP STORE!🎉Waxaan si rasmi ah u furnay Masterup Store  – halka aad ka heli karto qalabka casriga ...
06/08/2026

🚀 GRAND OPENING – MASTERUP STORE!🎉

Waxaan si rasmi ah u furnay Masterup Store – halka aad ka heli karto qalabka casriga ah ee technology-ga oo tayo sare leh.

💻 Laptops
📷 Professional Cameras
🎧 Headphones
⌚ Smart Watches
⌨️ Computer Accessories
🔋 Tech Equipment & More

Grand Opening Offers ayaa hadda socda!
✅ Special Discounts
✅ Premium Quality
✅ Warranty Available
✅ Friendly Customer Service

📞 Nala soo xiriir: +254 768 511 666

📍 Booqo maanta oo ka faa'iidayso dalabyada furitaanka.

MASTERUP STORE
Tech Starts Here.🚀

Truck Dispatch – Xirfad Fursado Badan LehTruck Dispatch waa xirfad casri ah oo lagu maareeyo safarada gaadiidka xamuulka...
17/07/2026

Truck Dispatch – Xirfad Fursado Badan Leh

Truck Dispatch waa xirfad casri ah oo lagu maareeyo safarada gaadiidka xamuulka, laguna xiro darawallada iyo shirkadaha xamuulka. Waa xirfad aad loogu baahan yahay, gaar ahaan dalalka sida Canada iyo USA.

✅Fursadaha ay kuu furayso:

Shaqo fog (Remote Work) oo aad gurigaaga ka qaban karto.
Fursad aad uga shaqayn karto shirkado caalami ah.
Dakhligaaga oo kordha markaad hesho khibrad.
Mustaqbalka waxaad bilaabi kartaa shirkaddaada Dispatch.

✅Ardayda cusub maxay ka faa'iidaystaan?

Waxay ka bilaabaan eber, khibrad h**ena looma baahna.
Waxay bartaan sida loo isticmaalo Dispatch Software-ka iyo nidaamyada shaqada.
Waxay helaan tababar gacanta lagu hayo iyo shahaado dhammaystirka koorsada.
Waxay diyaar u noqdaan inay si kalsooni leh u codsadaan shaqo ama bilaabaan ganacsigooda.

✅Free Webinar
https://youtu.be/U_RLrMt4ZBk?si=ySw9XgfyhIX8F5PY

✅Full Course
https://www.masterup.io/course/truck_dispatch

Contact Us Now
+254 727 515 164

17/07/2026

COMPUTER BASIC SKILLS COURSE
Start Your Digital Journey Today!

💻 Become Confident with Computers in Just 30 Days

Learn essential computer skills through live online classes taught by experienced instructors at Master Academy.

Course Duration
📅 30 Days

Mode of Learning
🌐 100% Live Online Classes

🔥 LIMITED-TIME OFFER
50% OFF
Enroll Now and Save!

Master Academy
🌐 Website: www.masterup.io

Master Academy
Learn Today. Lead Tomorrow.

13/07/2026

🎓🇮🇹 10 Deeqo Waxbarasho oo Hadda Ka Furan Dalka Talyaaniga (Italy)!

Haddii aad ku riyoonayso inaad wax ku barato Talyaaniga, tani waa fursadda aad sugaysay. Qormadan waxaan kuugu soo bandhigayaa 10 deeqo waxbarasho oo hadda codsigoodu furan yahay,
kuwaas oo loogu talagalay ardayda caalamiga ah.

Ha seegin fursaddan. La wadaag qof kasta oo doonaya inuu waxbarasho ka helo Talyaaniga. 🇮🇹✨

Lifaaqan Raac 👇🏽

Address

Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Masterup Academy posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The University

Send a message to Masterup Academy:

Shortcuts

Share