11/04/2026
**Gunaanadka iyo Xidhitaanka Dawrada Toosinta Nafta*
** Maalintii u Danbaysay dawrada/ siminaar aqooneedka loo qabtay ardayda dugsiyada sare ( Secondariyada) 22/11/1447 kuna beegan 10/4/2026 (Jimce)*
Alxamdulillaah, waxaa alle wayne noo suurtagashay in si qurxoon, jawi xasilooni leh oo ay ku dheehanyahay kala faa’iideysi weyn , innoogu soo dhammeeyay dawradii cilmiga ahayd ee maalmahan inoo socotay uuna soo Qabanqaabiyay Golaha alfurqaan, waaxdiisa arrimaha dacwada& waxbarashada
*
Galabnimadii Jimcaha, waxaa la soo jeediyay laba kalmadood oo miisaan culus leh:
* **Kalmadda 1aad:** Waxay ku saabsanayd **Qeexidda iyo Tirinta Dunuubta Waaweyn**, taas oo uu qoray *Sheekh Muuse Axmed Muuse Al-Xajjaawi*, waxaana si heer sare ah u soo jeediyay **Sheekh Cabdirashiid Maxamed Aw Faarax**.
* *Kalmadda 2aad:** Waxay ku saabsanayd sharaxaadda Xadiiskii Nabiga (CSW) ee ahaa **"Ilaali Alle, allena wuu ku ilaaline"**. Waxaa soo jeediyay **Sheekh Maxamed Aadan Weli**, isagoo sidoo kale ka jawaabay su’aalo muhiim ah oo ay ardaydu weydiiyeen.
**Tartanka iyo Abaalmarinnada**
Ugu danbayn, barnaamijka waxaa lagu soo xidhay tartan aqooneed laga diyaariyay casharradii ay ardaydu qaateen muddadii ay dawradu socotay. Waxaana halkaas lagu guddoonsiiyay **jawaasiis iyo hadiyado** ardaydii ku guulaysatay tartanka.
**Dareenka Ardayda**
Ardayda ka qaybqaadatay dawrada waxay muujiyeen dareen aad u sarreeya, iyagoo xusay:
* Inay barteen casharo noloshooda wax weyn ka beddelay oo aan lasoo koobi karin.
* In dawradani u furtay jihooyin cusub oo xaga aqoonta iyo naf-toosinta ah.
* Waxay codsi iyo rajoba ka muujiyeen in barnaamijyada noocan oo kale ah loo badiyo, lana soo celceliyo marar badan.
**Gunaanad:** Waxaan u mahadcelinaynaa cid kasta oo gacan ka gaysatay qabsoomidda dawradan. Cilmigii aynu barannay Alle ha nagu anfaco, ficilna ha noogu beddelo.
**Al-xamdu Lillaah.**