SIMAD Alumni

SIMAD Alumni SIMAD Alumni

Dhamaan Maamulka, macalimiinta iyo qalinjebiyaasha Jaamacadda SIMAD waxay tacsi tiiraanyo leh udirayaan qoyskii uu ka ge...
19/03/2026

Dhamaan Maamulka, macalimiinta iyo qalinjebiyaasha Jaamacadda SIMAD waxay tacsi tiiraanyo leh udirayaan qoyskii uu ka geeriyooday walaalkeen ๐— ๐—ผ๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐—”๐—ฏ๐—ฑ๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ๐—ต๐—บ๐—ฎ๐—ป ๐—”๐—ฏ๐—ฑ๐˜‚๐—น๐—น๐—ฒ .

Marxuumka waxaan Alle uga baryaynaa inuu janaddii firdowsa ka waraabiyo, eheladii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo. AAAMIN .

Mohamed wuxuu katirsanaa qalinjebiyaasha Jaamacadda SIMAD, Gaar Ahaan Kulliyadda xisaabaadka ( Class : ๐—•๐—”๐—–๐—–๐Ÿฎ๐Ÿฎ ).

Hoggaanka Fasalka ๐—•๐—œ๐—ง๐Ÿฎ๐Ÿณ ayaa si heer sare ah u soo qabanqaabiyay kulan sanadeed muhiim ah oo ay isugu yimaadeen xubnaha ...
17/03/2026

Hoggaanka Fasalka ๐—•๐—œ๐—ง๐Ÿฎ๐Ÿณ ayaa si heer sare ah u soo qabanqaabiyay kulan sanadeed muhiim ah oo ay isugu yimaadeen xubnaha qalinjabiyaaasha fasalka BIT27.

Kulankan waxaa kasoo qeybgalay Guddoomiyaha Naadiga Qalinjebiyaasha Jaamacadda SIMAD Mukhtar Adan Hassan iyo qaar kamid ah xubnaha firfircoon ee fasalka BIT27, kuwaas oo muujiyay midnimo iyo isku xirnaan la taaban karo.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd is-xogwareysi iyo xog-isdhaafsi, iyadoo si qoto dheer looga sheekeystay waayihii ardeynimada, xusuustii quruxda badnayd ee jaamacadda, iyo safarkii nololeed ee ka dambeeyay qalinjebinta.

Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray gurmadka abaaraha, iyadoo la isla qaatay in fasalka BIT27 ay door muuqda ka qaataan ka jawaabidda xaaladaha adag ee abaaraha dalka ka jira, iyagoo ka duulaya masโ€™uuliyad bulsho iyo damiir wadaninimo.

Ugu dambeyn, Gudomiyaha Naadiga Qalinjebiyaasha Jaamacadda SIMAD wuxuu si weyn u bogaadinayaa isku xirnaanta,wadajirka, iyo ka goโ€™naanta fasalka BIT27 ee ku aaddan is-garab istaagga bulshada, gaar ahaan ka qeyb qaadashada arrimaha abaaraha.


Hiiraan, Soomaaliya โ€“ Maarso 2026Guddoomiyaha Naadiga Qalinjabiyeyaasha Jaamacadda SIMAD, Mudane Mukhtar Adan Hassan, oo...
15/03/2026

Hiiraan, Soomaaliya โ€“ Maarso 2026

Guddoomiyaha Naadiga Qalinjabiyeyaasha Jaamacadda SIMAD, Mudane Mukhtar Adan Hassan, oo wakiil ka ah bahda Jaamacadda SIMAD, ayaa gargaar biyo-dhaamin ah gaarsiiyay deegaanka Xuduleey ee gobolka Hiiraan. Gurmadkan ayaa loogu talagalay qoysaska ay sida daran u saameeyeen abaaraha, gaar ahaan kuwa ka soo barakacay deegaanno kala duwan oo ka tirsan gobolka.

In ka badan 90 qoys ayaa ka faaโ€™iidaystay biyo-dhaamintan, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu taageerayo bulshada nugul ee la daalaa dhacaysa biyo-yarida iyo saameynta abaaraha. Tallaabadan ayaa sidoo kale muujinaysa doorka muhiimka ah ee ay qalinjabiyeyaasha Jaamacadda SIMAD ka qaadanayaan ka jawaabista baahiyaha degdegga ah ee bulshada.

Barnaamijkan biniโ€™aadantinimo wuxuu ka mid yahay dadaallada lagu xoojinayo gurmadka abaaraha, laguna yareynayo culaysyada nololeed ee saaran qoysaska ay saameeyeen xaaladaha adag ee deegaanka.

Ugu dambayn, bahda Jamacada SIMAD iyo Qalinjabiyasha waxay markasta ka goโ€™an inay garab istaagaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyada adag ee ay wajahaan abaaraha iyo biyo laโ€™aanta.



Hiiraan, Soomaaliya โ€“ 12 Maarso 2026Guddoomiyaha Naadiga Qalinjabiyayaasha Jaamacadda SIMAD, Mudane Mukhtar Adan Hassan,...
12/03/2026

Hiiraan, Soomaaliya โ€“ 12 Maarso 2026

Guddoomiyaha Naadiga Qalinjabiyayaasha Jaamacadda SIMAD, Mudane Mukhtar Adan Hassan, oo wakiil ka ah Jaamacadda SIMAD, ayaa gurmad biyo dhaamin ah ka fuliyay degmada Farlibaax iyo deegaannada hoos yimaada ee ka tirsan gobolka Hiiraan. Gurmadkan ayaa loogu talagalay in lagu caawiyo bulshada ay si daran u saameeyeen abaaraha iyo biyo laโ€™aanta baahsan ee ka jirta dalka.

Deeqdan biyaha ah ayaa gaartay ku dhowaad 180 qoys, kuwaas oo muddo la tacaalayay biyo yari iyo xaalado nololeed oo adag. Tallaabadan waxay muujinaysaa doorka muhiimka ah ee ay jaamacadaha iyo qalinjabiyayaashoodu ku leeyihiin u gurmashada bulshada iyo ka qayb qaadashada xal u helidda dhibaatooyinka saameeya dadka Soomaaliyeed.

Barnaamijkan gurmadka ah waa qayb ka mid ah dadaallada joogtada ah ee lagu yareynayo saamaynta abaaraha, isla markaana lagu garab istaagayo bulshada Soomaaliyeed ee u baahan taageerada iyo isku duubnida.




Dhamaan Maamulka, macalimiinta iyo qalinjebiyaasha Jaamacadda SIMAD waxay tacsi tiiraanyo leh udirayaan qoyskii ay ka ge...
02/03/2026

Dhamaan Maamulka, macalimiinta iyo qalinjebiyaasha Jaamacadda SIMAD waxay tacsi tiiraanyo leh udirayaan qoyskii ay ka geeriyootay walaasheen Falastin Abdullahi Abdi .

Marxuumadda waxaan Alle uga baryaynaa inuu janaddii firdowsa ka waraabiyo, eheladii iyo asxaabtii ay ka geeriyootayna samir iyo iimaan ka siiyo. AAAMIN .

Falastiin waxay katirsaneyd qalinjebiyaasha Jaamacadda SIMAD, Gaar Ahaan Kulliyadda Sharciga ( Class : BLAW10 ).

Hogaanka Fasalka ๐—•๐—•๐—”๐Ÿฌ๐Ÿฒ ayaa soo qabanqaabiyay  kulan sanadeedka fasalka .Kulanka  waxaa kasoo qeybgalay maamulka xafiisk...
28/02/2026

Hogaanka Fasalka ๐—•๐—•๐—”๐Ÿฌ๐Ÿฒ ayaa soo qabanqaabiyay kulan sanadeedka fasalka .

Kulanka waxaa kasoo qeybgalay maamulka xafiiska qalinjebiyaasha , maamulka kulliyada , Macalimiinta iyo xubnaha fasalka BBA06.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa is-xogwareysi iyo xog-isdhaafsi , waxaana laga sheekeeyay waayihii ardeynimada iyo hayaankii nolosha ee kadanbeeyay.
Sidoo kale , kulanka waxaa looga hadlay ๐—ด๐˜‚๐—ฟ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ iyo sidii ay fasalka BBA06 kaalin weyn ugu qaadan lahaayeen arintaas .

Ugu danbeyn, Xafiiska qalinjebiyaasha wuxuu bogaadinayaa isku xirnaanta iyo iska war qabka bahda BBA06 .


Sida aan wada ognahay dalkeennu waxa uu kujiraa xaalad adag oo abaaro iyo biya la'aan ah, taas oo bulshadeenna saamaysay...
28/02/2026

Sida aan wada ognahay dalkeennu waxa uu kujiraa xaalad adag oo abaaro iyo biya la'aan ah, taas oo bulshadeenna saamaysay naf iyo maalba.

Iyadoo aan sii guda galeyno billowga wajiga 3aad ee gurmadka abaaraha, waxa aan dhammaan ardayda, shaqaalaha, qalinjebiyayaasha iyo guud ahaan bahda SIMAD ku baraarujinaynaa in ay ka qayb qaataan gurmadka iyo kaalmada loo fidinayo walaalaheenna tabaalaysan.

Nagala qayb qaado gurmadka abaaraha.

Naadiga Qalinjabiyaasha Jaamacadda SIMAD waxa uu taageeraya, sidoo kalana bogaadinayaa goโ€™aankan masuuliyadda leh ee Jaa...
26/02/2026

Naadiga Qalinjabiyaasha Jaamacadda SIMAD waxa uu taageeraya, sidoo kalana bogaadinayaa goโ€™aankan masuuliyadda leh ee Jaamacaddu qaadatay.

Waxbarashadu kuma koobna fasallada oo keliya, balse waxay ka muuqataa damqashada, garab istaagga iyo u adeegidda bulshada soomaliyeed xilliyada adag. Waxaana garab taaganahay walaalaheenna ay saameeyeen abaaraha iyo biyo-laโ€™aanta.

Waxaan ku boorrinaynaa dhammaan qalinjabiyaasha in ay ka qayb qaataan gurmadkan baniโ€™aadannimo.

๐—™๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—ป ๐—ฟ๐—ฎ๐˜€๐—บ๐—ถ ๐—ฎ๐—ต: Sanadkan, annaga oo ka duulayna masuuliyadda naga saaran bulshadeenna iyo xaaladda adag ee uu dalkeennu kujiro, waxa aan goโ€™aansannay in Afur-wadareedkeennii sannadlaha ahaa u beddelno Gurmad Baniโ€™aadannimo oo kaalmo toos ah iyo biyo-dhaamin lagu gaarsiinayo dadka ay saameeyeen abaaraha iyo biyo-laโ€™aanta baahsan ee dalka.

SIMAD Alumni - Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD -XAJSi.

๐—ช๐—ฒ๐—ท๐—ถ๐—ด๐—ถ๐—ถ ๐Ÿฎ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ฏ๐—ถ๐˜†๐—ฎ ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ .Maanta  waxaa noo qabsoomay  ๐˜„๐—ฒ๐—ท๐—ถ๐—ด๐—ถ๐—ถ ๐Ÿฎ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ee barnaamijka ๐—•๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ , waxaana kafaai...
21/02/2026

๐—ช๐—ฒ๐—ท๐—ถ๐—ด๐—ถ๐—ถ ๐Ÿฎ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ฏ๐—ถ๐˜†๐—ฎ ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ .

Maanta waxaa noo qabsoomay ๐˜„๐—ฒ๐—ท๐—ถ๐—ด๐—ถ๐—ถ ๐Ÿฎ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ee barnaamijka ๐—•๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ , waxaana kafaaideestay qoysas danyar ah oo kunool tuulooyin hoos-taga gobolka ๐—•๐—ฎ๐—ฎ๐˜† .

Barnaamijkaan ayaa qeyb ka ah gurmadka loo fidinaayo walaalaheena soomaaliyeed oo ay abaarta kusaameysay gobolada dalka .



Maamulka Xafiiska Qalinjebiyaasha wuxuu hambalyo iyo bogaadin udirayaa Mr. Jamal Hashi Ture oo loo magacaabay  ๐— ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ...
19/02/2026

Maamulka Xafiiska Qalinjebiyaasha wuxuu hambalyo iyo bogaadin udirayaa Mr. Jamal Hashi Ture oo loo magacaabay ๐— ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐˜…๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ee Xiriirka kubadda cagta soomaaliyeed .

Mr. Jamal wuxuu katirsanyahay qalinjebiyaasha Jaamacadda SIMAD, Gaar Ahaan kulliyadda culuumta maamulka ( Class : ๐—•๐—•๐—”๐Ÿญ๐Ÿด ) .

Waxaan Alle kaaga baryaynaa in uu kula garabgalo shaqada culus iyo masuuliyadda laguu igmaday.


Ururka qalinjebiyaasha ee kulliyadda sharciga ayaa soo qabanqaabiyay ๐—ธ๐˜‚๐—น๐—ฎ๐—ป ๐—ฐ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ udhaxeeyay  qalinjebiyaasha kulliya...
18/02/2026

Ururka qalinjebiyaasha ee kulliyadda sharciga ayaa soo qabanqaabiyay ๐—ธ๐˜‚๐—น๐—ฎ๐—ป ๐—ฐ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ udhaxeeyay qalinjebiyaasha kulliyadda sharciga iyo ardayda hadda dhigata kulliyadda sharciga .

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay ๐Ÿฑ - ๐Ÿฐ, waxayna guusha raacday kooxdii kasocotay qalinjebiyaasha.

Ujeedka ciyaaarta ayaa ahayd isdhaxgal iyo sidii la isugu xiri lahaa qalinjebiyaashii kulliyadda iyo ardayda hadda dhigata kulliyadda.

๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐๐š๐š๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ฃ๐š๐›๐ข๐ฒ๐š๐ฌ๐ก๐š ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ฆ๐š๐ง๐ญ๐š ๐ฑ๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐๐š๐š๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ฃ๐š๐›๐ข๐ฒ๐š๐ฌ๐ก๐š ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ ๐ค๐ฎ ๐ช๐š๐›๐ข...
17/02/2026

๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐๐š๐š๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ฃ๐š๐›๐ข๐ฒ๐š๐ฌ๐ก๐š ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ฆ๐š๐ง๐ญ๐š ๐ฑ๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐๐š๐š๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ฃ๐š๐›๐ข๐ฒ๐š๐ฌ๐ก๐š ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ ๐ค๐ฎ ๐ช๐š๐›๐ข๐ฅ๐š๐ฒ ๐Œ๐š๐๐ž๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD -XAJSi. ๐ข๐ฒ๐จ ๐ช๐š๐š๐ซ ๐ค๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š๐ก ๐ ๐จ๐ฅ๐š๐ก๐ข๐ข๐ฌ๐š ๐ฑ๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐š.

Booqashadan rasmiga ah waxeey ku saleysan tahay xoojinta xiirika Naadiga qalinjabiyasha Jaamacadda SIMAD SIMAD Alumni iyo Xukuumadda XAJSi iyadoo diiradda la saaraya iskuxirnaanta Qalinjabiyasha iyo ardeyda dhigata Jaamacadda SIMAD, ka qeyb qadashada abaaraha kajiro dalka guud ahaan.

Ujeeddadu kulankan waa in la abuuro Nidaam joogto ah oo ardaydu uga faaโ€™iideystaan qibradda, hagista (mentorship) iyo shabakadaha xirfadeed ee qalinjabiyeyaasha, si loo tayeeyo ardeyda jaamacadda dhigta mustaqbalkooda waxbarasho iyo midkooda xirfadeed.

Ugu dambeyn, Guddoomiyuhu wuxuu adkeeyay in iskaashi dhab ah oo dhex mara Naadiga Qalinjabiyeyaasha iyo
Xukuumadda ardayda uu yahay tiirka lagu dhisi karo mustaqbal ifaya, isla markaana ardaydu ka heli karaan taageero joogto ah oo aqooneed iyo mid xirfadeed.

Address

3rd Floor, Town Campus, SIMAD University, Zoobe
Mogadishu

Opening Hours

Monday 08:00 - 16:00
Tuesday 08:00 - 16:00
Wednesday 08:00 - 16:00
Thursday 08:00 - 11:00
Saturday 08:00 - 16:00
Sunday 08:00 - 16:00

Telephone

+252615776809

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SIMAD Alumni posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The University

Send a message to SIMAD Alumni:

Share