Midowga Ardayda Jaamacadda Capital ee Marjac

Midowga Ardayda Jaamacadda Capital ee Marjac Kani waa Page-ka Rasmiga ah ee Midowga Ardayda Jaamacadda Capital ( MARJAC )

🎓 HAMBALYO IYO BOGAADIN 🌟Guddoomiyaha Ardayda Jaamacadda Capital ee MARJAC, Mahad Mohamed Mahdi, ayaa hambalyo iyo bogaa...
15/08/2026

🎓 HAMBALYO IYO BOGAADIN 🌟

Guddoomiyaha Ardayda Jaamacadda Capital ee MARJAC, Mahad Mohamed Mahdi, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diraya dhammaan ardayda Fasalka 4-aad ee sida guusha leh uga soo gudubtay marxaladdooda waxbarasho iyo imtixaanka qaranka. 🎓👏

Waxaan idinku hambalyeynayaa dadaalkii, juhdigii iyo waqtigii aad geliseen waxbarashadiinna, ilaa aad ka gaartaan guushan muhiimka ah. 💪📚

Waxaan idiin rajeynayaa mustaqbal ifaya, guul iyo horumar joogto ah. 🌟

Waxaa sidoo kale farxad noo ah inaan idinku soo dhoweyno hoyga aqoonta iyo xirfadda ee Jaamacadda Capital University, halkaas oo aad ku sii kobcin doontaan aqoontiinna, xirfadiinna iyo mustaqbalkiinna. 🏛️📖

🎉 HAMBALYO DHAMMAANTIIN!

Guul, horumar iyo mustaqbal wanaagsan! 🎓❤️
🤝 MARJAC — Midnimo, Aqoonta & Horumarka Ardayda

Capital University of Somalia

Muqdisho, Agoosto 09, 2026HAMBALYO IYO BOGAADINMidowga Ardayda Jaamacadda Capital (MARJAC) waxay hambalyo iyo bogaadin u...
10/08/2026

Muqdisho, Agoosto 09, 2026

HAMBALYO IYO BOGAADIN

Midowga Ardayda Jaamacadda Capital (MARJAC) waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Mudane Omar Abdullahi Abdi, oo loo doortay Guddoomiyaha Midowga Guddoomiyeyaasha Ardayda Jaamacadaha Gobolka Banaadir (MGAJGB), ahna Guddoomiyaha Ardayda Jaamacadda SIMAD (XAJSI).

(MARJAC) waxay Guddoomiyaha cusub ugu hambalyaynaysaa xilka muhiimka ah ee loo doortay, iyadoo Alle uga baryaysa inuu ku garab galo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday, una fududeeyo gudashada waajibaadkiisa hoggaamineed.

Waxaan u rajaynaynaa Guddoomiye Omar hoggaan hufan, guul iyo horumar, isaga oo si daacadnimo iyo karti leh ugu adeegi doona midowga iyo bahda waxbarashada Gobolka Banaadir.

Guul iyo hoggaan wanaagsan ayaan kuu rajaynaynaa.
Midowga Ardayda Jaamacadda Capital (MARJAC)



🇸🇴 Hambalyo 1-da Luulyo.Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda Capital, Mahad Mohamed Mahdi, ayaa ka qeyb galay munaasa...
02/07/2026

🇸🇴 Hambalyo 1-da Luulyo.

Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda Capital, Mahad Mohamed Mahdi, ayaa ka qeyb galay munaasabadda weyn ee xuska 1-da Luulyo, oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Midowga Guddoomiyeyaasha Ardayda Jaamacadaha Gobolka Banaadir.

Munaasabadda waxaa marti sharaf ka ahaa Guddoomiyaha Dhalinyarada Qaranka Soomaaliyeed, dhaqaatiir, aqoonyahanno iyo barayaal kala duwan, kuwaas oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xorriyadda, midnimada iyo qarannimada Soomaaliyeed, iyo doorka dhalinyarada ee horumarka dalka.

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda qiimaha badan ee 1-da Luulyo, annagoo Alle ka baryeyna in uu Soomaaliya siiyo nabad, midnimo iyo horumar waara.

Capital ee Marjac
Capital University of Somalia

HAMBALYO HANBALYO CIIDUL-ADXAAGuddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda Capital ee (Marjac), waxa uu  hambalyo iyo bogaadi...
27/05/2026

HAMBALYO HANBALYO CIIDUL-ADXAA

Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda Capital ee (Marjac), waxa uu hambalyo iyo bogaadin qalbi furan u dirayaa dhammaan ardayda, macallimiinta, maamulka jaamacadda, waalidiinta, iyo guud ahaan ummadda Muslimka ah munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxaa awgeed.

Ciidul-Adxaa waa maalin weyn oo qiimo gaar ah leh, kuna saleysan iimaan, samir iyo allabari. Waa fursad qaali ah oo diimeed iyo bulsho, laguna xoojinayo midnimada, naxariista iyo is garab istaagga bulshada,Sidoo kale waa waqti ay ku jirto kheyr badan, ducada la aqbalo iyo xasuusinta wanaagga.

Waxa uuna Alle uga baryayaa inuu naga aqbalo cibaadadeenna, kana dhigo Ciiddaan mid nabad, barwaaqo iyo farxad ku soo kordhisa dhammaanteen.

Ciid farxad leh dhammaan bahda Jaamacadda Capital iyo ummadda Muslimka ah guud ahaan.

Capital University of Somalia

Midowga Ardayda Jaamacadda Capital ee Marjac

23/05/2026
Ugu dambeyn, dooddeenii waxey ku soo idlaatay jawi wanaagsan, anagoo si buuxda isugu fahannay ciwaankii iyo xalalkii ku ...
22/05/2026

Ugu dambeyn, dooddeenii waxey ku soo idlaatay jawi wanaagsan, anagoo si buuxda isugu fahannay ciwaankii iyo xalalkii ku habboonaa ee laga soo jeediyay.

Waxay ahayd dood miro dhal ah oo ka tarjumeysa wada shaqeyn, is-qadarin iyo rabitaanka horumar.

Mahadsanidiin dhammaan ka soo qeybgalayaasha iyo cid kasta oo kaalin ka qaadatay guusha dooddan.
Midowga Ardayda Jaamacadda Capital ee Marjac
Capital University of Somalia

Waxaa si guul leh u qabsoontay dood cilmiyeedkii cinwaankiisu ahaa:Caqabadaha hortaagan shaqo helista ardayda soo qalinj...
22/05/2026

Waxaa si guul leh u qabsoontay dood cilmiyeedkii cinwaankiisu ahaa:
Caqabadaha hortaagan shaqo helista ardayda soo qalinjabisa iyo xalalkooda.

Dooddan oo ahayd mid aad u qiimo badan, waxaa ka soo qeyb galay arday, aqoonyahanno iyo marti sharaf kale oo si qoto dheer uga falanqeeyay caqabadaha jira sida:

Khibrad la’aanta ardayda marka ay qalinjabaan
Fursadaha shaqo ee xaddidan
Isku xirnaan la’aanta waxbarashada iyo suuqa shaqada.

Sidoo kale, waxaa la soo jeediyay xalal wax ku ool ah oo ay ka mid yihiin:
âś… In la xoojiyo xirfadaha shaqo (skills)
âś… In la abuuro fursado tababar (internships)
âś… In la dhiirrigeliyo hal-abuurka iyo ganacsiga (entrepreneurship)

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelineynaa:
Guddoomiyaha iyo qabanqaabiyeyaasha doodda
Panelists-kii aqoonta qaaliga ah nala wadaagay
Ka soo qeybgalayaashii fikradaha qiimaha leh ku biiriyay

Dooddan waxay ahayd tallaabo muhiim ah oo loo qaaday horumarinta mustaqbalka dhalinyarada.

Mahadsanidiin dhammaan ka soo qeybgalayaasha 🙏
Capital University of Somalia

DOOD CILMIYEED MUHIIM AHWaxaa soo agaasimay Xukuumadda 7aad ee MARJAC, oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Mahad Mohamed Mahdi...
19/05/2026

DOOD CILMIYEED MUHIIM AH

Waxaa soo agaasimay Xukuumadda 7aad ee MARJAC, oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Mahad Mohamed Mahdi iyo Aniso Salaad Maxamuud, waxaana si gaar ah loogu casuumayaa bahda Capital University ka qeybgalka dood cilmiyeed muhiim ah oo cinwaankeedu yahay:

🎓 “Caqabadaha hortaagan shaqo helista ardayda soo qalinjabisa iyo xalalkooda”

Dooddan waxaa si qoto dheer loogu falanqeyn doonaa dhibaatooyinka dhabta ah ee haysta dhalinyarada iyo fursadaha lagu horumarin karo mustaqbalkooda shaqo.

🎤 Waxaa hoggaaminaya khubaro aqoon sare leh:
• Prof: Abas Omar Hassan
• Eng: Mus’ab Abdirahman Ahmed
• Prof: Ahmed Abdulkadir Ahmed

Taariikh: 22 May 2026
⏰ Waqti: 03:30
Goobta: Xarunta weyn ee Capital University

Waa fursad qaali ah oo aan la seegin si aad uga faa’iideysato aqoon, uga qeyb qaadato dood wax dhiseysa, isla markaana aad uga mid noqoto xal u helidda caqabadaha shaqo la’aanta dhalinyarada.

Address

Wadnaha Road Near Sinai
Muqdishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Midowga Ardayda Jaamacadda Capital ee Marjac posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share