05/05/2026
Magaalada Jarrati ee gobolka Afdheer ayaa maanta si rasmi ah uga bilowday ol’olaha doorashada 7aad ee heer qaran, taas oo la filayo inay dhawaan ka qabsoonto dalka
Boqolaal taageerayaal ah oo ka tirsan xisbiga Barwaaqo, iyo qaybo kala duwan oo bulshada ah, ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada, halkaas oo ay si weyn ugu muujiyeen taageeradooda xisbiga