21/12/2025
Heshiis is-kaashi oo dhexmaray Ururradda ardayda Somaliyed ee: Midowga ardayda Scholarship-ka Somaliyed ee Jaamacadda Dire-Dawa iyo Midowga ardayda Somaliyed ee Jaamacadda Haramaya.
Axad, 21 December 2025 Guddoomiyaha ururka ardayda Somaliyed ee Jaamacadda Dire-Dawa Mr. ABDISHAKUR MOHAMED DAHIR iyo Guddoomiyaha Ururka ardayda Somaliyed ee Jaamacadda Haramaya Mr. ISMAIL AHMED ABDI ayaa kala saxeexday heshiis is-kaashi oo lagu xoojinayo wada-shaqaynta ardayda Soomaaliyeed ee labada jaamacadood.
is-kaashiga waxa diiradda lagu saarayaa fududeynta booqashooyin ardayda, barnaamijyo wadajir ah, iyo is-dhaafsi khibradeed oo kor u qaadaya horumarka iyo is-fahamka ardayda.
Ujeeddada ugu weyn ee heshiiskan waa in la abuuro iskaashi waara oo ay ardaydu si toos ah uga faa’iideystaan, lana xoojiyo doorka ururrada ardayda ee hoggaaminta, mideynta, iyo u adeegidda danaha guud ee ardayda Soomaaliyeed.
Heshiiska waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka USSD, Mr
Abdulahi Abdikarin, Xubnaha guddiga USSD iyo xubno Ka socday HUSSU, taas oo xoojinaysa hufnaanta iyo sharciyadda geeddi-socodka.
_________Dhammaad________