22/01/2025
🚨𝗦𝗜 𝗚𝗨𝗨𝗗: Si guud Xaalada Marcus Rashford oo aan weli meel u dhicin iyadoo lagu jiro labada todobaad ee ugu dambeysa suuqa January:
Rashford weli lama hubo inuu ka tagi doono United ama uu sii joogi doono taas oo ka dhigan in wax waliba kala cadaan doonaan maalinta ugu dambeysa suuqa ee 3-da February.
United weli si cad albaabada k**a xirin bixitaankiisa weli waxay diyaar u yihiin inay u ogolaadaan inuu baxo haddii dalab lagu qanci karo laga soo gudbiyo, haddii aysan taas dhicina wuxuu sii joogi karaa United.
Rashford dhankiisa wuxuu weli ku adkeysanayaa inuu taam yahay oo uu diyaar u yahay in Amorim ku soo daro xulashadiisa kooxda koobaad. [ Ornstein]