16/06/2023
Nin baa wuxui yiri; Waxaan isku dayay inaan dhiso xiriir iyo isbarasho ka baxsan Facebook iyo Baraha Bulshada, anigoo waliba adeegsanayo isla habka dadka ugu wada xiriiraan Baraha Bulshada. Sidaas owgeed waxaan soo aaday dhanka Laamiga, waxaana bilaabay inaan joojiyo dadka jidka maraayay, anigoona u sheegayo waxaan soo cunay waxyar kahor iyo waxaan dareemayo waqtigas iyo sidoo kale waxaan doonayo inaan qabto. Waxaan bilaabay inaan dadka siiyo sawiro beerta gurigayga, sawiro anigoo gaari wadaayo, sawiro anigoo maqaaxi cunto ka cunaayo iyo sidoo kale sawiro la xiriira nolol maalmeedkayga. Waxaan kaloo ag istaagay dadka jidka ku sugnaa ee sheekeysanayay si aan sheekadooda u dhageysto ugana helo wixii i cajabiyo. Intaa kadib waxaan ogaaday in habkaas laga adeegsado baraha bulshada markii aduunkaan waaqiciga la keenayo uu asigana saameyntiisa leeyahay. Ninkii wuxuu war kusoo koobay; ilaa iyo haatan waxaan habkaas ku helay 3 Follow oo kala ah Labo nin Booliis ah iyo Hal nin oo Dhakhtarka dhimirka ah.
Page kana noo follow garee mahadsanid👍
Haye media