13/02/2022
Riyadii Doqonka
Qaybtii 1aad
Anigu waxaan ahay nin laga maadsado. Haatan waxay igu sheegaan in aan ahay nin waalan. Tabtaas bay iigu daraan inay iga maadsadaan. Maanta kaddib se uma cadhoon doono oo ma diidi doono haddi ay nin waalan igu sheegaan. Aadaby iigu naxariisanayaan kolka aniga sida aan qabo loo eego. Sidey doonaanba ha iigu tiiqtiiqsadaane, xittaa marka ay igu qoslayaan naxariis bay aniga ii muujinayaan oo iney i xumaynayaan uma arko,
Haddiise aan ahay qofkan murugsan waan la qosli lahaa, aniga oo naftaydan darayaysan ku qoslayn ayaan la bulshayn lahaa iyaga. Aad baan ugu xumaa inaysan ogeyn sida aan ahay iyo xaqiiqada aan ku sugunahay, taas oo aan anigu ogohay. Alla dhib badanaa arrin aad adiga oo keli ah xogogaal u tahay! Waa arrin aysan garan karin oo aysan ogaan dooninba
W/Q Fyodor Dostoevsky
W/T. Ismaaciil jaamac
Lasoco Qaybta 2aad