02/11/2019
Chemistry ( Somali )
Koorsadaan Kimisteriga waxa ay ka kooban tahay cutub walba oo aad uga baahato General Kimisteriga. Hadaadan kimisteriga aqoon h**e u laheyn iyo hadaad in yar ka taqaanaba, koorsadaan waxa ay kaaga bilaabeysaa bilow ilaa iyo qeybaha sare ee lagu barto jaamacadaha iyo macadyada sare.
Koorsadaan kimisteriga waxaa loogu talagalay ardeyda dooneysa iney meel sare ka gaaraan cilmiga sayniska sida ardeyda dooneysa iney bartaan maadooyinka : Science, Chemical Engineering, Material Engineering, Medical Universities, Nursing, Biochemistry, Pharmaceutical and Pharmacy colleges, Biological Sciences.
Koorsadaan kimisteriga waxaa kale oo loogu talagalay inay kaa caawiso sidii aad ula qabsan laheyd cutub walba oo kimisteri ah oo laga dhigo jaamacadaha, macadyada sare iyo dugsiyada sare si aad kor ugu qaado buundooyinkaa imtixaanada.
Koorsadan waxa ay ka kooban tahay 300 video oo si fiican oo faahfaahsan loogu sharxay luqada af Soomaaliga, waxayna isugu xigxigaan hab wanaagsan oo midba midka kale ku xiran.
Adiga oo isticmaalaya Tusmada (Contents) waxaad si fudud uga dooran kartaa cutub kasta iyo video kasta oo aad u baahan tahay iyo waliba meeshaad is leedahay waa ay kugu adag tahay.
Koorsadan waxa kale oo aad ka heleysaa tusaalooyin badan oo si talaabo talaabo ah kuugu sharxaaya habka ugu fudud ee loo xaliyo su’aalaha kala duwan ee kimisteriga.
Inshaa allaah kadib marka aad dhameysato koorsadan waxaa kaa hari doona fahan la’aantii iyo welwelkii aad ka qabtay kimisteriga.
Hadaba maxaad sugeysaa? Is diiwaangeli hada. Noqona qof macalin ku ah maadada kimisteriga.
Nala soo xiriir oo noo soo gudbi sida aad u aragto koorsadan iyo waliba wixii kale ee aan ku dari laheyn ama aan kaa caawin laheyn.
Mahadsanid.
Diyaariye: Mahad Salad