04/08/2020
Mid reer Muqdisho ah oo ciyaal xaafad ah, ayaa beri tabliiq raacay. Muddo markii uu la socday ayaa maalinkii danbe lagu qoray, in uu dadka Masaajidka ka wacdiyo salaadda kadib.
Xariifkan aqoontiisa xagga diintu ma badneyn, waase la qasbay, markuu soo istaagey ayuu wacdigii ku bilaabey sidaan:
"Akhyaarey diinteenu inaba caadi maaha, Illaahey naxariistiisana maba dhamaanayso, Idinkaaba yaabeysiin, laakiin waa idin tuugaa danbiga aan gab ka dhahno, ajirkana sideey tahay ugu yaacno. Xarfaaney waa ina aad adkeysatiin, oo xaliimo raadiska ka dhacdiin, aakhiro waxa idinkaga horeeyo bajaqyaal hollac ah, laakiin haddaad marrax ku noqotiin diinta, ogaada in Illaaheyna idinku daadinaayo, oo cadaab roobka idin kaaga dhigayo, ee waa idin baryaayaa aynu caadi iska dhigno".
Markii uu dhammeeyey wacdigii ayey, dadkii baa hal mar qosol kaga wadheen.
By: Ahmed Hanad
Weligaa Tabliiq ma baxday?