14/09/2015
CAYNAB MA ISAGAA IS AJALAY MISE MIYIR?
Q18AAD
Caynab waxaa ku tumatay Maytiir oo markaas curatay oo uu ilmo u siday. Waxay burburisay madaxa oo haddii nolosha maanta la joogo ay ahaan lahayd la toli lahaa toban qodob. Caynaanshe Guure oo lagu ogaa meel labo caana-maal loo sii socdo ayaa la raadiyey si uu u lafa-guro. Nasiib wanaag wuu ku guulaystay oo waa lafa-gurey. Caynab markii la kabay kaddib waxaa loo dargeeyey geed dheer oo uusan isaguna ka degi karin sidoo kalena aan loo soo fuuli karin. Cad iyo caano wixii uu u baahdo wuxuu soo laadlaadsan jirey xarig kaas oo inta loogu xiro uu sidii wadaantii u shuban jirey.
Caynab waxaa loo dhitayn jirey caano idaad oo looga soo liso sabeeno ugub oo shilisa, laguna lisay weelal lagu culay, mareer, bilcil, kaddibna lagu uumiyey jillab, oo iyaga oo qiiqaya dushana xoori ka saarantahay loogu keeni jirey dargadiisa. Nasiinada ka sokow wuu baansaday jirkiisana waxaa ku rooray dux badan. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa caanihii waxaa u keentay miyir oo habeenkaas ilmo hooyadood ahayd. Markii ay caanihii geedka la soo hoos istaagtay oo ay bariidisay ayuu ku yiri Miyirey xalay il iyo baal isuma gayn, dhinacayguna dhulka marna ma qaban. Iyaday?
Wuxuu yiri maya, falliiqbaa feertaas iiga taagan, anna madaxa ma dhaqaajin karo oo iskama bixin karo! Miyir oo Alleeheed Alle yahay ayaa tiri: maxaan sameeyaa ani?
Caynab oo arkay inay u naxday ayaa yiri: kaalay qoriga iga saar. Miyir: ayaa tiri oo see baan kaaga saarin. Wuxuu lasoo booday xarigga soo qabso oo kaalay geedka aan ka gam’I waayay iga bixi. Miyir oo khabar mooge ah ayaa xariggii qabsatay, isna hal mar ayuu kor u soo shubaaliyey. Markii uu sidaas dargada u keenay oo ay islahayd aad falliiqa ku taagan ka siibtid, waxay ku warheshay iyadii oo uu qalmaroojiyey oo dusha kaga dhacay.
Daqiiqado kaddib, Caynab Kaarshe waxaa ka soo rogmaday xoon, balse waxaa igay bangeeriyaad, Miyirna waxay aragtay Caynab oo dhuunyeeriyay iyo yaasiin seegay. Dhaqan uma ay lahayn inay qayliso balse markaan dan baa keentay. Wixii ugu darraa ee markaas Miyir haystay waxay ahaayeen sidii ay dhulka ku tagi lahayd. Ciddii ugu horreysay ee yolo’a Miyir maqasha waxay ahayd geel-jire ku shaxayay toon aan saas uga durugsanayn meesha shilku ka dhacay. Haseyeeshee markii ay geedka soo hoos istaageen waxay garanwaayeen meel ay wax ka qabtaan. Geedka lama kori karo! Iyada ma soo dejin karaan! Maydkii dhushuu saaranyahay! Mid ka mid aha ayaa keenay fikir lagu soo dejiyo Miyir iyo maydkaba. Wuxuu yiri aan geedka ludiisa ka dhinac dhisno tiirar sida jaranjarada u samaysan oo dargada kaari kara markaasna aan maydka iyo Miyir ba sidaas u soo dejino.