Afgoye International University

Afgoye International University Afgoye International University is the sole and pioneering university established in Afgoye District, Lower Shabelle, by the local community in 2019.

The pens are down, the tabs are closed, and the group chats can finally go quiet and rest.Now itโ€™s time to breathe, get ...
28/04/2026

The pens are down, the tabs are closed, and the group chats can finally go quiet and rest.

Now itโ€™s time to breathe, get some proper sleep, celebrate your hard work, and enjoy the well-deserved break.

Congratulations to all AIU students on completing your midterm exams, your effort truly paid off!

Jaamacadda Afgooye waxay hambalyo iyo bogaadin u direysaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamka munaasa...
07/04/2026

Jaamacadda Afgooye waxay hambalyo iyo bogaadin u direysaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamka munaasabadda Maalinta Caafimaadka Adduunka.

Maalintan oo la xuso sanad kasta 7-da Abriil, waxay xasuusin u tahay muhiimadda ay leedahay ilaalinta caafimaadka, kor u qaadidda wacyiga bulshada, iyo in la helo adeegyo caafimaad oo tayo leh oo loo siman yahay.

Jaamacadda Afgooye waxaa ka goโ€™an: Kobcinta aqoonta caafimaadka, Tababarka xirfadlayaal caafimaad oo tayo leh, Ka qeyb qaadashada horumarinta adeegyada caafimaadka bulshada.

๐Ÿฉบ Caafimaadku waa nolol, Aan wada ilaalinno!

Dhammaan ummadda Muslimiinta ah, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed, waxaan idinkugu hambalyeynaynaa munaasabadda barakeys...
19/03/2026

Dhammaan ummadda Muslimiinta ah, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed, waxaan idinkugu hambalyeynaynaa munaasabadda barakeysan ee Ciidul Fidriga.

Ciid wanaagsan, ciid mubaarak!
ูƒู„ ุนุงู… ูˆุฃู†ุชู… ุจุฎูŠุฑุŒ ุชู‚ุจู„ ุงู„ู„ู‡ ู…ู†ุง ูˆู…ู†ูƒู… ุตุงู„ุญ ุงู„ุฃุนู…ุงู„.

Dhamaan ardayda Jaamacadda Afgooye waxaa lagu wargelinayaa in 10-ka dambe ee bisha Ramadaan iyo maalmaha Ciidda ay Jaama...
12/03/2026

Dhamaan ardayda Jaamacadda Afgooye waxaa lagu wargelinayaa in 10-ka dambe ee bisha Ramadaan iyo maalmaha Ciidda ay Jaamacaddu fasax tahay. Fasaxu wuxuu socon doonaa 12 Maarso ilaa 26 Maarso 2026.

Waxaan idin rajaynaynaa inaad ka faaโ€™iideysataan fadliga 10-ka dambe ee Ramadaan, isla markaana aad ku dadaashaan cibaado iyo Alle bari. Alle ha idinka aqbalo ducadiinna iyo camalkiinna.

Ramadan Mubaarak ๐ŸŒ™โœจBahda Jaamacadda Afgooye waxay dhammaan Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan ummadda Soom...
17/02/2026

Ramadan Mubaarak ๐ŸŒ™โœจ

Bahda Jaamacadda Afgooye waxay dhammaan Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed, u dirayaan hambalyo ku aaddan bilashada bisha barakaysan ee Ramadan.

Waxaan Alle uga baryaynaa inuu naga aqbalo cibaadadeenna, soonkeena iyo camalkeenna suubban, isla markaana uu naga yeelo kuwo ka faaโ€™iidaysta kheyrka, naxariista iyo dambidhaafka bishan barakaysan.

Ramadan Mubaarak โ€“ Alle ha inaga dhigo kuwo ku gaara kheyr iyo barako. ๐Ÿคฒ

Khamiis, 12/02/2026, waxaa si rasmi ah xilalka ula kala wareegay Xukuumaddii 4-aad iyo Xukuumadda 5-aad ee Midowga Arday...
12/02/2026

Khamiis, 12/02/2026, waxaa si rasmi ah xilalka ula kala wareegay Xukuumaddii 4-aad iyo Xukuumadda 5-aad ee Midowga Ardayda Jaamacadda Afgooye {MAJA}.

Guddoomiyihii Xukuumaddii 4-aad, Mudane Akram Mohamed Abdulahi, oo xaalad caafimaad darted u maqnaa, ayaa waxaa ku matalayay Mudane Abdullahi Mohamed Khadar, kaas oo xilka ku wareejiyay Guddoomiyaha cusub ee Xukuumadda 5-aad, Mudane Ayman Omar Mohamed, oo dhowaan ay ardayda Jaamacadda Afgooye ku doorteen cod aqlabiyad ah.

Xafladda xil wareejinta waxaa goob joog ka ahaa Engr. Abdiaziz Adow, oo si rasmi ah u kala wareejiyay xilalka labada xukuumadood, isla markaana kula dardaarmay maamulka cusub xil-gudasho hufan, daacadnimo iyo u adeegid ardayda jaamacadda.

Maamulka cusub ee uu hoggaaminayo Guddoomiye Ayman Omar Mohamed waxaan leenahay soo dhoweyn iyo hambalyo, waxaana rajaynaynaa inay si hufan ugu adeegaan ardayda Jaamacadda Afgooye.

Sidoo kale, maamulka xilka wareejiyay ee uu hoggaaminayay Guddoomiye Akram Abdullahi Mohamed waxaan leenahay waad mahadsantihiin, maadaama aad soo qabateen shaqooyin la taaban karo oo aad si sharaf leh ugu matasheen ardayda jaamacadda.

Xafiiska Midowga Ardayda Jaamacadda Afgooye waxaa illaa maanta soo hoggaamiyay afar guddoomiye, waxaana shanaad noqday Guddoomiyaha maanta xilka la wareegay.

Waa xafiis ay ardaydu ka helaan fursad ay ku horumariyaan kuna soo bandhigaan xirfadaha hoggaamineed ee muhiimka u ah mustaqbalkooda.

FURSAD MUHIIM AH: Jaamacadda Afgooye waxay ogeysiineysaa bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan waalidiinta iyo ardayda aan f...
04/02/2026

FURSAD MUHIIM AH: Jaamacadda Afgooye waxay ogeysiineysaa bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan waalidiinta iyo ardayda aan fursad u helin inay ku biiraan jaamacad intii lagu jiray semester-kii h**e, in hadda ay heli karaan fursad ay ugu biiraan February 2026 Intake.


๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐€๐Ÿ๐ ๐จ๐จ๐ฒ๐ž ayaa qeyb ka ahayd munaasabadda xarigga looga jaray ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐๐ž๐ž๐ซ๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐‚๐š๐ฌ๐ซ๐ข๐ ๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐‹๐š-๐ช๐š๐›๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐ˆ๐ฌ๐›๐ž๐๐๐ž...
03/02/2026

๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐€๐Ÿ๐ ๐จ๐จ๐ฒ๐ž ayaa qeyb ka ahayd munaasabadda xarigga looga jaray ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐๐ž๐ž๐ซ๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐‚๐š๐ฌ๐ซ๐ข๐ ๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐‹๐š-๐ช๐š๐›๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐ˆ๐ฌ๐›๐ž๐๐๐ž๐ฅ๐ค๐š ๐‚๐ข๐ฆ๐ข๐ฅ๐š๐๐š ๐ž๐ž ๐ƒ๐ž๐ ๐ฆ๐š๐๐š ๐€๐Ÿ๐ ๐จ๐จ๐ฒ๐ž.

Xaruntan ayaa bulshada Afgooye u fureysa fursad muhiim ah oo ay ku baranayaan ๐ฐ๐š๐ฑ-๐ฌ๐จ๐จ-๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ค๐š ๐ช๐ฎ๐๐š๐š๐ซ๐ญ๐š ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ง, iyada oo aan saameyn ku yeelan isbeddellada cimilada.

๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐€๐Ÿ๐ ๐จ๐จ๐ฒ๐ž, oo ka shaneyso xaruntan, ayaa ardayda siin doonta tababaro ku saabsan ๐›๐ž๐ž๐ซ๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐œ๐š๐ฌ๐ซ๐ข๐ ๐š ๐š๐ก ๐ข๐ฒ๐จ ๐œ๐ข๐ฅ๐ฆ๐ข-๐›๐š๐š๐ซ๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐ฅ๐š ๐ฑ๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ญ๐š ๐ฅ๐š-๐ช๐š๐›๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฌ๐›๐ž๐๐๐ž๐ฅ๐ค๐š ๐œ๐ข๐ฆ๐ข๐ฅ๐š๐๐š, isla markaana kor u qaadeysa aqoonta iyo xirfadaha dhalinyarada iyo bulshada deegaanka.

Maanta waxaa si guul leh ku soo dhammaaday Imtixaankii k**a dambaysta ahaa (Final Exam) ee semester-ka 1aad sanad-waxbar...
30/01/2026

Maanta waxaa si guul leh ku soo dhammaaday Imtixaankii k**a dambaysta ahaa (Final Exam) ee semester-ka 1aad sanad-waxbarasheedka 2025/2026.

Dhammaan ardayda maanta u soo gabagaboobay imtixaanka, waxaan u rajaynaynaa guul iyo natiijooyin wanaagsan, Insha Allah.


29/01/2026

Final_Exam_Week!

We are in final exam week!Push yourself, because no one else is going to do it for you. Late nights, early mornings, and...
28/01/2026

We are in final exam week!

Push yourself, because no one else is going to do it for you. Late nights, early mornings, and full focus this is where effort turns into success. Stay strong, stay disciplined, and finish proud.

Youโ€™ve got this. Good luck to everyone!

Address

Masjid Kuweeyd
Afgoye

Telephone

+252614409111

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Afgoye International University posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The University

Send a message to Afgoye International University:

Share