Business and public Administration for Amoud University

Business and public Administration for Amoud University Kuusoo dhawoow Faculty Business and public administration Ee Jamacada Camuud

Waxaa maanta Soo Xirmay Imtixaankii Finalka Ee Kuliyadda ,Dhaman Ardayda waxaan U rajaynaynaa Barwaaqo iyo Natiijo Wanag...
26/01/2022

Waxaa maanta Soo Xirmay Imtixaankii Finalka Ee Kuliyadda ,Dhaman Ardayda waxaan U rajaynaynaa Barwaaqo iyo Natiijo Wanagsan

waxaa si habsami leh uga socda imtixaanka Simisterka-ka Koowaad kaasi oo ay u fadhiisanayaan guud ahaan Ardayda Jaamacad...
19/01/2022

waxaa si habsami leh uga socda imtixaanka Simisterka-ka Koowaad kaasi oo ay u fadhiisanayaan guud ahaan Ardayda Jaamacadda Camuud.

Waxaa Lagu soo dhaweeyey Jaamacadda Camuud,Arday kasocota Jamacada Hargaysa Gaar ahaan Qaybta Maamulka iyo maaraynta kuw...
09/01/2022

Waxaa Lagu soo dhaweeyey Jaamacadda Camuud,Arday kasocota Jamacada Hargaysa Gaar ahaan Qaybta Maamulka iyo maaraynta kuwaas oo ay Martiqaad u fidiyeen Dhigooda Qaybta Mamulka iyo maaraynta Ee Jaamacadda Camuud.

Soo dhawayn ka dib waxay Dood iyo Falanqayn ka Yeesheen Hormarinta Cilmiga ay bartaan iyo Hormarinta Bulshada,Waxayna iskula dardaar-meen in Cilmiga ay barteen ay Ugu shaqeeyaan umaddooda.

Madaxweynaha Jaamacadda Camuud Wuxuu halkan hambalyo uga dirayaa dhacabka, Maamulka, Macalimiinta iyo Ardayda Jaamacadda...
01/01/2022

Madaxweynaha Jaamacadda Camuud Wuxuu halkan hambalyo uga dirayaa dhacabka, Maamulka, Macalimiinta iyo Ardayda Jaamacadda Camuud Curashadda Sanadka Cusub Ee Miilaadiga 2022.

Ilahay waxaan ka baryayaa in uu sanadka sanadkiisa bash bash iyo Barwaaqo inagu gaadhsiiyo.

Jaamacadaha Camuud & Haramaya/Ethiopia Oo Si Rasmi Ah U Shaaciyay Bixinta Waxbarasho PhD AhTaariikhda tacliinta sare ee ...
25/12/2021

Jaamacadaha Camuud & Haramaya/Ethiopia Oo Si Rasmi Ah U Shaaciyay Bixinta Waxbarasho PhD Ah

Taariikhda tacliinta sare ee gayiga Soomaaliliyeed markii ugu horaysay ayay Jaamacadaha Camuud & Haramaya ee dalkaasi Itaabiya ay maanta oo ay taariikhdu tahay 25kii bisha December Sanadka 2021 si rasmi ah udaahfureen, u shaaciyeen bulshadana ugu bishaareeyeen in ay bilaabayaan barnaamijka waxbarasho ee Phd-da oo ay ku lamaan yihiin takhasusaadyo kale oo Master dhinaca caafimaadka ah oo aan dalka h**e uga jirin.

Daahfurkan tacliinta sare oo ka dhacay hoolka jaamacada camuud goobjoog ahaa madax iyo masuuliyiin ka kala socotay labada Jaamacadood, arday, Masuuliyiin ka socotay Komishaka Tacliinta Sare ee Somaliland iyo daneeyayaal kale oo waxbarasho oo goobjoog u ahaa madashaas taariikha ah iyo markii sida rasmiga ah qalinka loogu duugay iskaashigaasi dhexmaray labada Jaamacadood.

Prof. Saleebaan Axmed Guuleed Gudoomiyaha Jaamacada Camuud oo ahmiyada madashaas ayaa ku tilmaamay in ay tahay maalin taariikhda gashay oo ay Jaamacada Camuud 24 sano kadib hirgalisay waxbarasho PhD-ah, waxana uu tilmaamay in uu kalsooni wayn ku qabo xidhiidhka iyo heshiiska iskaashi ee ay la sameeyeen Jaamacada Haramaya ee dalka Itoobiya.

Prof. Jaylaani oo ah gudoomiye ku xigeenka maamulka & arimaha ardayda ee Jaamacada Haramaya ayaa isaguna qiray in iskaashigani uu tayada iyo fursadaha Tacliinta sare ee Somaliyeed wax wayn ku soo kordhin doono, waxana uu qiray in Jaamacada Camuud ay u diyaarsan tahay, bixina karto wacbarashadaas sare, ka Jaamacad ahaana ay si wayn ugu qanceen kartida Jaamacada Camuud.

Dr. Maxamed Muuse Jibriil Gudoomiye ku xigeenka arimaha waxbarashada ee jaamacada Camuud ayaa isaguna bahda cilmi-daalibka ah u faahfaahiyay takhasusaadyada waxbarashadan sare ee ay bixinayaan oo dhan 8 takhasusaad, waxana isaga oo afka Ingiriisiga ku akhtriyaya uu yidhi

“Dhinaca PhD-da, Xarunta Jaamacada Camuud ee Boorama waxa ka baxaya oo ilaa hada ay ardaydii gali lahayd shuruudahoogii buuxiyeen takhasusaadyada kala ah: Public Health, Climate Change and Disuster Risk Management, Educational Leadership and Policy Study iyo Business Administartion”. Sidoo kale Takhasusaadka Master-ta waxa baxaya barnaamijyada kala ah: Gyno-opstiatrics, General Surgery, pediatrics, Pediatric Nurse iyo Medical Microbiology.

“Hargaysa dhinaca PhD-da waxa ka furmi doona barnaamijka ah Educational Leadership and Policy Study. Dhinaca Takhasusaadka Master-tana waxa ka furmi doona Gyno-opstiatrics, General Surgery, Pediatrics, iyo Medical Microbiology.

Mudane Mubaarik oo isaguna ka socday komishanka Tacliinta Sare ee Somaliland ayaa soo dhaweeyay heshiiska labada Jaamacadood iyo bilawga Waxbarashada PhD-da, waxana uu xusay inuu ku faraxsan yahay guulaha ay Jaamacada Camuud ka soo hoysay dhinaca waxbarashada.

Wixii intaasi ka dambeeyay ayaa masuuliyiin ka socday labada jaamacadood ay soo dhaweeyeen iskaashiga labada jaamacadood iyo fursadan waxbarasho, waxana ay bahda cilmiga u ooman ku booriyeen inay is diiwaangaliyaan oo ay ka faaiidaystaan fusadan dahabiga ah ee dhinaca waxbarashada tacliinta sare.

Saadaali ciyaarta Final ka Ee Amoud University
25/12/2021

Saadaali ciyaarta Final ka Ee Amoud University

Maamulka Jaamacadda Camuud waxay tacsi u dirayaan Allaha u naxariistee   oo ka mid ahayd ardayda Fresh-ta Jaamacadda Cam...
22/12/2021

Maamulka Jaamacadda Camuud waxay tacsi u dirayaan Allaha u naxariistee oo ka mid ahayd ardayda Fresh-ta Jaamacadda Camuud gaar ahaa Class K oo xalay Borama ku geeriyootay.

Allaha u naxariisto waa geeri xanuun badan qoyska,qaraabada iyo ardaydaba samir iyo iimaan Allaha ka siiyo aamiin aamiin.

Maamulka iyo  Macalimiinta Kuliyada { Business} Jaamacada Ayaa Casho sharaf iyo Dhiiri-galin Kooxda  ku ciyaarta magac k...
21/12/2021

Maamulka iyo Macalimiinta Kuliyada { Business} Jaamacada Ayaa Casho sharaf iyo Dhiiri-galin Kooxda ku ciyaarta magac kuliyada Oo Guul Muhiim Ka Gaadhay horyaalka kubada cagta ee Jaamacadda Camuud

Waxa Garoonka Kubada Cagta ee Xaaji Daahir Stadium Ciyaari ku dhexmartay kuliyadda { Business} iyo Fresh N Jaamacada Cam...
19/12/2021

Waxa Garoonka Kubada Cagta ee Xaaji Daahir Stadium Ciyaari ku dhexmartay kuliyadda { Business} iyo Fresh N Jaamacada Camuud Halkaas oo ay Guushu ku raacday kuliyadda { Business}

Hambalyo Teamka matalaya Business Oo Dhagaha ku dhuftay dhigooda Fresh N

Jaamacadaha Camuud & Haramayo Oo Guul Ku Dhameeyay Iskaashigii Bilawga Waxbarasho PhD-Ah.Mudo 3 Sano ah oo ay ku hawlana...
18/12/2021

Jaamacadaha Camuud & Haramayo Oo Guul Ku Dhameeyay Iskaashigii Bilawga Waxbarasho PhD-Ah.

Mudo 3 Sano ah oo ay ku hawlanaayeen Jaamacadaha Camuud & Haramayo-Ethiopia dhidibo u adkaynta Iskaashi lagu bilaabayo Waxbarasho PhD & Takhasusaad Mastar ah oo aan dalka ka jirin ayaa heshiisyadaas is-afgarad la soo gaba-gabeeyay.

Safar ay maalintii Shalay ahayd ku yimaadeen Jaamacada Camuud madax ka socotay Jaamacada Haramayo ayaa gunaanadka hilinkaas dheer iskaashigaas waxbarashada heerka 3aad ah lagu soo afmeeray. Waxana Prof. Axmed Cabilaahi Boqore, Gudoomiye ku xigeenka Jaamacada camuud ee dhinaca mamaulka, maaraynta iyo maaliyada oo warbaahinta u sharaxay ujeeda safarkan Madaxda Jaamacada Haramayo uu yidhi

“Waxa aan qaabilnay madax ka socotay Jaamacada Haramayo, waxa ay u yimaadeen in heshiiskii Iskaashi ee aan ku bilaabaynay Waxbarashada heerka 3aad ee PhD-da iyo takhasusaadyada masterta aan soo gaba-gabayno, hada waxa way kormeer ku samayndoonaan goobahii qaybta ka ahaa in wararashadaas ay bilaabato, waxana aan ku faraxsanahay in labada Jaamacadooba ay u hanwayn yihiin inay bilaabaan Waxbarashadan heerka 3aad oo si wayn loogu baahnaa”

Wafdigan ka socday Haramaya University ayaa oo ay weheliyaan madaxda jaamacada camuud ayaa waxa ay soo kormeereen Maktabada Jaamacada Camuud, Qaybaha kala duwan ee Xarunta dooxada Camuud, Cisbitaalka Kuliayadaha Caafimaadka ee Jaamacada Camuud, Qaybaha Kala duwan ee Cisbitaalka Alxayaat ee ay ardayda kuliyada Caafimaadka ee Jaamacada Camuud wax ku bartaan iyo goobo kale oo dhawr ah oo ka qayb qaadan doona bilawga waxbarashadaas heerka sedexaad ah.

Dr. Moti Tolera oo u hadlay masuuliyiintan ka socodtay Jaamacaa Haramaya ee Dalkaasi Ethiopia ay isaguna saxaafada u sheegay in uu ku kalsoonyahay in iskaashigan ay la sameeyeen Jaamacada Camuud ee dhianaca tacliinta sare eeSomaliland wax wayn ku soo kordhin doono, isla markaana la gaadhay waqtigii ku haboonaa ee bahda jecel korodhsiga aqoonto ay isku diiwaan galin lahaayeen waxbarashada iskugu jirta Takhasusaadyada mastarta ee aan dalka laga alaga helin iyo Waxbarashada PHD-da ah ee noqonaysta tii ugu horaysay ee gayiga Somaliland laga bilaabo.

Is diiwaangalinta Waxbarashadan heerka 3aad ee PhD-da ayaa ka socota xarumaha Jaamacada Camuud ee Boorama iyo Hargaysa.

Wareega 2aad Horyaalka Kubada Cagta ee Jaamacadda Camuud Kooxda matalaysa Kuliyadda Business And public Administration G...
18/12/2021

Wareega 2aad Horyaalka Kubada Cagta ee Jaamacadda Camuud

Kooxda matalaysa Kuliyadda Business And public Administration Guul Ayaan u rajaynaynaa

Jaamacadda Cammuud Oo Ardayda Freshman-ka Sandkan 2021 U Qabatay Kulan Wacyigooda Kor Loogu Qaadayo Jaamacada Camuud aya...
16/12/2021

Jaamacadda Cammuud Oo Ardayda Freshman-ka Sandkan 2021 U Qabatay Kulan Wacyigooda Kor Loogu Qaadayo

Jaamacada Camuud ayaa maanta la kulantay kumanaan arday ah oo ka socday Qaybta Freshmanka ee Jaamacada Camuud, kuwaas oo sanadwalba waqtigan oo kale loo qabto kulan kor loogu qaadayo wacyiga guud ee ardayda ee dhinacyada Shuruucda, Qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Jaamacada iyo kala-doorashada Takhasusaadka, baraarujinta ardayga ee anshaxa wanaagsan iyo dhiiri-galin ku aadan ka midho dhalinta hiigsiga ardayga ee dhinaca Waxbarashada.

Kulankan oo ayaa sidoo kale waxa ka soo qayb galay Gudoomiyaha Jaamacada Camuud, Gudoomiye Ku Xigeenka Dhinaca Xidhiidhka Bulshada ee Jaamacada Camuu, madaxda xafiisyada udub dhaxaadka ah ee Jaamacada, maamula iyo macalimiinta qaybta Freshmanka ee Jaamacafa iyo haldoor kale oo ah daneeyayaasha Waxbarashada.

Gudoomiyaha Jaamacada Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo madashaasi ka hadlay ayaa arday uga war bixiyay Sooyaalkii Taakiikheed Jaamacada Camuud iyo sida ay aqoonta iyo cilmigu u yihiin kuwo loo baahan yahay inay ardayga wax ka badalaan. Sidoo kale Prof. Saleebaan ayaa ardayda uga marag kacay inay ka mid yihiin bahda Jaamacada Camuud, loogana baahan yahay inay ka qayb qaataan dhidibo u adkaynta sumacada balaadhan ee Jaamacadu ay ku leedahay gayiga Soomaaliyeed.

Gudoomiye Ku Xigeenka Dhinaca Xidhiidhka Bulshada Prof. Maxamed Maxamuud Jaamac Diiriye oo isaguna ardayda la hadlayay ayaa hooska xariiqay sida ay samirka iyo adkaysigu uga midho dhaliyaan guul ka gaadhida hilinka dheer ee Waxbarashada, waxana uu ardayda ku guubaabiyay inay la yimaadaan adkaysi ku dhisan akhlaaq wanaag iyo samir isku ladhan. Sidoo kale Prof. Diiriye waxa uu ardayda kula dardaarmay in marka ay dooranayaan takhasusaadka mustaqbalkooda ay ku saleeyaan waxa ay ku wanaagsan yihiin iyo sida ay aqoontaas uga dhigi lahaayeen mid naftooda iyo bulshadaba u adeegta.

Intii ay madashan socotay ayaa Madaxda Xafiisyada Diiwaan-hayaga Guud, Arimaha ardayda, Haweenka, Imtixaanaadka, Diinta iyo dhaqanka Suuban iyo Masuuliyiinta kale ee Jaamacaduba ay ardayda macluumaad dheeri ah ka siiyiin, Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacada ee bixiya takhasusaadyada dhawr iyo tobonka ah ee Jaamacada, Shuruucda guud ee dhinacyada Imtixaanada, dhibcaha kala duwan ee waxbarashada, xeerarka habdhaqanka ardayga ee loo yaqaan “Student Code of Condact”, Habdhaqanka suubaan ee gabadha Jaamacada dhigata looga baahan yahay. Asluubta guud ee dhinacyada labiska, timaha iyo habdhaqanka islaamku amaanay ee looga baahan yahay ardayga iyo talooyin kale oo guud ahaan ardayda si wayn u anfacaya inta ay Jaamacada ku jiraan.

Address

Borama

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Business and public Administration for Amoud University posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share