Alpha University Borama

Alpha University Borama Kuso Dhawoow Jaamacadda Alpha Faraceeda Borama

Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay Magaalada Boorama tababar muhiim ah oo ku saabsan Xuquuqaha Haweenka ee uu dammaanad...
25/05/2026

Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay Magaalada Boorama tababar muhiim ah oo ku saabsan Xuquuqaha Haweenka ee uu dammaanad qaaday Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, kaasi oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐—๐ข๐๐ก๐ข๐ข๐๐ก๐ค๐š ๐†๐จ๐ฅ๐ž๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐‰๐’๐‹ ๐ข๐ฒ๐จ ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐๐ฅ๐š๐ง ๐ˆ๐ง๐ญ๐ž๐ซ๐ง๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง๐š๐ฅ.

Tababarkan ayaa Waxaa Jamaacada Ku Matalayay Ardayda Kala Duwan oo ka socday Kulliyadaha Sharciga, Social Work iyo Cafiimadka Waxa ujeeddadiisu ahayd kor u qaadista wacyiga bulshada, gaar ahaan fahamka xuquuqaha haweenka ee ku cad Dastuurka JSL, iyada oo la xoojinayo doorka haweenka ee ka qaybgalka arrimaha bulshada, siyaasadda iyo horumarka dalka.










Gudoomiyaha Guddida Tacliinta Sare JSL Ayaa Magaalada Boorama ka daahfurtay tababarka Jaamacadaha ee Barnaamijka โ€œSomali...
25/05/2026

Gudoomiyaha Guddida Tacliinta Sare JSL Ayaa Magaalada Boorama ka daahfurtay tababarka Jaamacadaha ee Barnaamijka โ€œSomaliland Higher Education Management Information System (SLHEMIS) Jaamacadda Alpha University Borama oo Qayb Ka Ahayd Tobobarka Ayaa Waxa ku Matalayay Madaxa Xafiiska Academic-ka iyo Madaxa Xafiiska Registrar-ka jaamacadda. Tabobarkan ayaa diiradda lagu saaray horumarinta maamulka xogta waxbarashada iyo tayeynta adeegyada jaamacadaha.

Jaamacadda Alpha waxaa mar walba ka goโ€™an kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaheeda si loo xoojiyo hufnaanta iyo tayada adeegyada waxbarasho.















18/05/2026

Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Waxbarashada ee Jaamacadda Alpha University โ€“ Borama Mohamed Ahmed Ismail ( Maxamed Shabeelle) waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan shacabka reer Somaliland munaasibadda qaran ee 18-ka May, oo ah maalintii dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Munaasibaddan qiimaha badan ee 18-ka May waxay astaan u tahay geesinimada, midnimada, iyo adkaysiga shacabka Somaliland ee ku dhisan nabad, dimuqraadiyad, iyo horumar.

Sidoo kale, Guddoomiye Ku-xigeenku waxa uu ogeysiinayaa dhammaan ardayda, macallimiinta, iyo shaqaalaha Jaamacadda Alpha University โ€“ Borama in jaamacaddu fasax rasmi ah geli doonto maalmaha 18-ka iyo 19-ka May 2026, iyadoo dib loo bilaabi doono hawlaha waxbarashada iyo shaqada 20-ka May 2026, Insha Allah.

Happy 18-ka May.
Aqoonsi iyo Adkaysi.

๐ŸŽ‰ Hambalyo 18-ka May โ€“ Maalinta Qarannimada Jamuuriyada Somaliland.Jaamacadda Alpha University โ€“ Borama waxay hambalyo i...
18/05/2026

๐ŸŽ‰ Hambalyo 18-ka May โ€“ Maalinta Qarannimada Jamuuriyada Somaliland.

Jaamacadda Alpha University โ€“ Borama waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan shacabka Somaliland munaasibadda qiimaha badan ee 18-ka May, maalintii dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland.

18-ka May waa maalin astaan u ah Aqoonsi iyo Adkaysi, kuna suntan halgan, midnimo, iyo dadaalkii shacabka Somaliland ay ku gaadheen nabad, dimuqraadiyad, iyo horumar.

Waxaan Alle uga baryaynaa in uu Somaliland ku asturo nabad, barwaaqo, iyo horumar waara.

Guul Somaliland!
18 May Mubaarak! โœจ

๐Ÿ“ข Waxa Si Guul Leh Kusoo DhammaadayTababarkii OTP & SC ee Alpha University BoramaMuddo labo maalmood ah waxaa si heer sa...
17/05/2026

๐Ÿ“ข Waxa Si Guul Leh Kusoo Dhammaaday
Tababarkii OTP & SC ee Alpha University Borama
Muddo labo maalmood ah waxaa si heer sare ah uga socday Jaamacada Alpha tababar ku saabsan OTP (Outpatient Therapeutic Program) iyo SC (Stabilization Center), kaas oo diiradda lagu saaray Case Management in Clinical Nutrition iyo maaraynta carruurta qaba nafaqo-xumada daran.

๐Ÿ‘จโ€โš•๏ธ Tababarka waxaa bixinayay:Dr. Abdikadir S. Tukale

๐Ÿ“š Intii uu socday tababarku waxaa lagu bartay:
โœ… Hababka saxda ah ee loo maareeyo Severe Acute Malnutrition (SAM)
โœ… OTP protocols iyo adeegyada outpatient-ka
โœ… SC protocols iyo daryeelka xaaladaha daran
โœ… Qiimaynta xaaladda bukaanka iyo nutrition assessment
โœ… Case management iyo diyaarinta treatment plans
โœ… Isticmaalka dawooyinka iyo nafaqada loogu talagalay carruurta nafaqo-xumadu hayso
โœ… Practical sessions iyo falanqayn kiisaska dhabta ah

๐Ÿ“šFaaโ€™iidooyinka ay ka heleen ka qaybgalayaashu:

๐Ÿ“šKorodhka aqoonta caafimaadka iyo nafaqada
๐Ÿ“šXirfado practical ah oo shaqada lagu isticmaali karo
๐Ÿ“šFaham qoto dheer oo ku saabsan maamulka OTP & SC
๐Ÿ“šKhibrad ku saabsan la tacaalidda xaaladaha nafaqo-xumada carruurta
๐Ÿ“šIsdhaafsi aqoon iyo waayo-aragnimo caafimaad

๐Ÿ‘ Waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan ka qaybgalayaashii iyo maamulka Alpha University ee suurageliyay tababarkan muhiimka ah.







13/05/2026

Hambalyo 18-ka May โ€“ Maalinta Qarannimada Somaliland

Jaamacadda ALPHA University waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan shacabka Somaliland munaasabadda qiimaha weyn leh ee 18-ka May, maalintii dib loo soo celiyay madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

18-ka May waa maalin xambaarsan geesinimo, midnimo, iyo adkaysi qaran. Waa maalin lagu xusuusto halgankii dheeraa ee ay shacabka Somaliland u galeen dib u hanashada qarannimadooda iyo dhismaha nabadda, dimuqraadiyadda, iyo horumarka.

Jaamacadda Alpha waxay mar kale u hambalyaynaysaa shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan.

Happy 18 May!
Aqoonsi iyo Adkaysi

๐ŸŽ“  Alpha University Borama waxay qabanaysaa๐Ÿ“š Comprehensive Training on OTP & SC Case Management in Clinical Nutrition๐Ÿ”น M...
12/05/2026

๐ŸŽ“ Alpha University Borama
waxay qabanaysaa
๐Ÿ“š Comprehensive Training on OTP & SC Case Management in Clinical Nutrition

๐Ÿ”น Maalinta 1aad:
โœ… OTP โ€“ Outpatient Therapeutic Program
๐Ÿฉบ Management of Severe Acute Malnutrition

๐Ÿ”น Maalinta 2aad:
โœ… SC โ€“ Stabilization Center Protocols

๐Ÿ‘จโ€๐Ÿซ Tababarka waxaa bixin doona:
Dr. Abdikadir S. Tukale, MBBS, MOTMID.

๐Ÿ“… Taariikhda: 14โ€“15 May 2026
โฐ Waqtiga: 4:00 PM โ€“ 8:30 PM
๐Ÿ“ Goobta: Alpha University Borama, agagaarka MASJID HUDA/SAAWEER
๐Ÿซ Habka Tababarka: Fool-ka-fool (Offline)

๐ŸŽฏ Tababarkani waxa uu muhiim u yahay: โ€ข Ardayda Caafimaadka
โ€ข Kalkaaliyayaasha
โ€ข Nutritionists
โ€ข Dhaqaatiirta
โ€ข Shaqaalaha caafimaadka iyo hayโ€™adaha samafalka

๐Ÿ“ž Wixii faahfaahin iyo isdiiwaangelin ah kala xidhiidh:
โ˜Ž๏ธ 0638880847





Phase Two: Gudida Ardayda qaar ka mid ah Dugsiyada Sare ee Borama ayaa si guul leh uga qayb galay wajiga labaad (Phase T...
09/05/2026

Phase Two: Gudida Ardayda qaar ka mid ah Dugsiyada Sare ee Borama ayaa si guul leh uga qayb galay wajiga labaad (Phase Two) ee tababarrada ay qabanayso Alpha University Borama.

Tababarkan oo si heer sare ah loo diyaariyey ayaa diiradda lagu saaray horumarinta xirfadaha hoggaaminta, wada shaqaynta kooxeed, maamulka waqtiga, iyo diyaar garowga imtixaannada, iyadoo ardayda la siiyey hagitaan iyo dhiirrigelin wax ku ool ah.

Ka qaybgalayaashu waxay muujiyeen firfircooni, faham wanaagsan iyo dadaal muuqda intii uu socday tababarku, iyagoo ka faaโ€™iidaystay aqoon iyo waayo-aragnimo muhiim u ah mustaqbalkooda waxbarasho iyo hoggaamineed.

Alpha University Borama waxay sii waddaa dadaalladeeda ku aaddan horumarinta dhalinyarada iyo kobcinta tayada waxbarashada bulshada.

๏ผก๏ฝŒ๏ฝ๏ฝˆ๏ฝ ๏ผต๏ฝŽ๏ฝ‰๏ฝ–๏ฝ…๏ฝ’๏ฝ“๏ฝ‰๏ฝ”๏ฝ™
"๐™ธ๐š—๐šœ๐š™๐š’๐š›๐š’๐š—๐š ๐šƒ๐š˜๐š–๐š˜๐š›๐š›๐š˜๐š `๐šœ ๐™ฟ๐š›๐š˜๐š๐šŽ๐šœ๐šœ๐š’๐š˜๐š—๐šŠ๐š•๐šœ"












Sawiro:- Waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay tababarkii โ€œCyber Security Bootcampโ€ ee ay si wadajir ah u qabteen Jaama...
06/05/2026

Sawiro:- Waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay tababarkii โ€œCyber Security Bootcampโ€ ee ay si wadajir ah u qabteen Jaamacadda Alpha University Borama iyo Raadsan Consulting Firm, kaas oo ka socday hoolka jaamacadda muddo laba maalmood ah.

Tababarkan oo ahaa mid bilaash ah ayaa waxa ka qayb qatay ardayda jaamacadaha iyo dhammaan dadka daneeya barashada amniga internetka (cybersecurity). Intii uu socday, ka qaybgalayaashu waxay heleen aqoon muhiim ah iyo xirfado wax ku ool ah oo ku saabsan sida ay naftooda iyo xogtooda uga ilaalin karaan khataraha dijitaalka ah.

Tababarka waxaa bixinayay Mr. Warsame Abokor Sh Abdi oo ah khabiir ku takhasusay IT-ga iyo amniga, lehna waayo-aragnimo ka badan 10 sano.

Ugu dambayn, maamulka Jaamacadda Alpha University Borama iyo Raadsan Consulting Firm ayaa uga mahadceliyay dhammaan ka qaybgalayaasha iyo cid kasta oo ka shaqeysay hirgelinta tababarkan, iyagoo xusay in ay sii wadi doonaan qabanqaabinta barnaamijyo noocan oo kale ah oo kor u qaadaya aqoonta iyo xirfadaha dhalinyarada.














๐Ÿ’™ Hambalyo Maalinta Umulisooyinka Adduunka โ€“ 5 May ๐Ÿ’™Maanta waa maalin aan ku maamuusayno halyeeyada aamusan ee badbaadiy...
05/05/2026

๐Ÿ’™ Hambalyo Maalinta Umulisooyinka Adduunka โ€“ 5 May ๐Ÿ’™

Maanta waa maalin aan ku maamuusayno halyeeyada aamusan ee badbaadiya nolosha hooyooyinka iyo dhallaanka โ€” umulisooyinka.

๐Ÿ‘ฉโ€โš•๏ธ Iyagu waa gacanta ugu horreysa ee soo dhawaysa nolosha cusub.
๐Ÿคฑ Iyagu waa taageerada ugu dhow ee hooyada marka ay u baahan tahay.
๐ŸŒฑ Iyagu waa tiirka caafimaadka bulshada.
Dalkeenna Soomaaliya, umulisooyinku waxay ka shaqeeyaan xaalado adag, haddana waxay muujiyaan dulqaad, xirfad, iyo naxariis aan la qiyaasi karin.

๐Ÿ™ Maanta aynu nidhaahno:
Mahadsanidiin dadaalkiinna, naf-hurnimadiinna, iyo jacaylka aad bulshada u haysaan.

โœจ Caafimaadka wanaagsan wuxuu ka bilaabmaa hooyo badbaado leh iyo ilmo caafimaad qaba โ€” taasna umulisooyinku waa laf-dhabar.




๐Ÿ’™

Sawiro:- Gudida Ardayda Qaar ka mid ah Dugsiyada Sare ee Borama ayaa ka qayb galay tababar muhiim ah oo loo qabtay . Tab...
04/05/2026

Sawiro:- Gudida Ardayda Qaar ka mid ah Dugsiyada Sare ee Borama ayaa ka qayb galay tababar muhiim ah oo loo qabtay . Tababarka oo si habsami leh loo agaasimay ayaa diiradda saaray hoggaaminta, wada shaqaynta iyo iskaashiga, maaraynta waqtiga, iyo diyaarinta imtixaanka.

Ardaydu waxay heleen casharro iyo wacyigelin ku saabsan masuuliyadda hoggaanka iyo xalinta caqabadaha dugsiyada, iyagoo muujiyay xiise iyo ka goโ€™naan sare.

Jaamacadda Alpha University Borama ayaa wada tababaro kor loogu qadayo dadaalladeeda horumarinta dhalinyarada. Ka qaybgalayaashuna waxay muujiyeen farxad iyo mahadnaq ay u hayaan fursaddan qiimaha leh.

๏ผก๏ฝŒ๏ฝ๏ฝˆ๏ฝ ๏ผต๏ฝŽ๏ฝ‰๏ฝ–๏ฝ…๏ฝ’๏ฝ“๏ฝ‰๏ฝ”๏ฝ™
"๐™ธ๐š—๐šœ๐š™๐š’๐š›๐š’๐š—๐š ๐šƒ๐š˜๐š–๐š˜๐š›๐š›๐š˜๐š `๐šœ ๐™ฟ๐š›๐š˜๐š๐šŽ๐šœ๐šœ๐š’๐š˜๐š—๐šŠ๐š•๐šœ"

Address

Halane, Masjid Huda
Borama

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Alpha University Borama posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share