faculty of Medicine & Health Science- East Africa University Bosaso

  • Home
  • Somalia
  • Bosaso
  • faculty of Medicine & Health Science- East Africa University Bosaso

faculty of Medicine & Health Science- East Africa University Bosaso Health

Ardayda Kulliyadda Medicine and Health Science gaar ahaan Nutrition – Semesterka 8aad ayaa booqasho waxbarasho ku tagay ...
04/03/2026

Ardayda Kulliyadda Medicine and Health Science gaar ahaan Nutrition – Semesterka 8aad ayaa booqasho waxbarasho ku tagay MCH Fardows ee magaalada Boosaaso.
Intii ay booqashada ku jireen, ardaydu waxay hooyooyinka ku xiran xarunta u qabteen wacyigelin ku saabsan quudinta saxda ah, gaar ahaan:
• Muhiimadda naas-nuujinta
• Cunto dheellitiran oo carruurta ku habboon
• Ka hortagga nafaqo-darrada.
Booqashadan waxay qayb ka tahay tababarka ardayda si ay aqoontooda ugu dabaqaan bulshada dhexdeeda, una xoojiyaan doorkooda ku aaddan horumarinta caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.
👏 Waxaan u mahadcelinaynaa maamulka iyo shaqaalaha MCH Fardows sida diirran ee ay u soo dhaweeyeen ardayda.

Ardayda Semesterka 2aad ee Kulliyadda Midwifery iyo Nursing ayaa si firfircoon u qaadanaya tababar gacmeed ku saabsan 𝙄𝙑...
04/03/2026

Ardayda Semesterka 2aad ee Kulliyadda Midwifery iyo Nursing ayaa si firfircoon u qaadanaya tababar gacmeed ku saabsan 𝙄𝙑 𝙄𝙣𝙟𝙚𝙘𝙩𝙞𝙤𝙣 (Duritaanka Xididka), taas oo ka mid ah xirfadaha aasaasiga ah ee lagama maarmaanka u ah shaqada kalkaalinta iyo umulisooyinka.

Tababarkan wuxuu ardayda siinayaa:
🔹 Faham qoto dheer oo ku saabsan farsamada saxda ah ee duritaanka xididka
🔹 Sida loo ilaaliyo nadaafadda iyo ka hortagga caabuqa (Infection Prevention)
🔹 Kor u qaadidda kalsoonida iyo xirfadda shaqo ee goobaha caafimaadka

Ujeeddada layligan waa in la isku xiro aqoonta aragtida ah iyo khibradda dhabta ah, si ardaydu ugu diyaar garoobaan bixinta adeeg caafimaad oo tayo leh, badbaado leh, isla markaana waafaqsan heerarka xirfadeed.

👏 Waxaan ku bogaadinaynaa ardayda dadaalkooda joogtada ah, iyo macallimiinta hagaya ee ka shaqeynaya dhisidda jiil xirfadlayaal caafimaad oo karti iyo masuuliyad leh.





🩺🐄 𝗕𝗢𝗢𝗤𝗔𝗦𝗛𝗢 𝗔𝗤𝗢𝗢𝗡-𝗞𝗢𝗥𝗢𝗥𝗦𝗜Ardayda Kulliyadda Medicine and Surgery – Sanadka 3aad ayaa booqasho aqoon-kororsi ah ku tagay ...
27/12/2025

🩺🐄 𝗕𝗢𝗢𝗤𝗔𝗦𝗛𝗢 𝗔𝗤𝗢𝗢𝗡-𝗞𝗢𝗥𝗢𝗥𝗦𝗜
Ardayda Kulliyadda Medicine and Surgery – Sanadka 3aad ayaa booqasho aqoon-kororsi ah ku tagay Maxjar-ka ugu weyn Geeska Afrika ee Sucuudi Imaaraat Magaalada Boosaaso, iyagoo kusoo arkay Geela. Lo’da iyo Ariga sida looga baaro 𝙕𝙤𝙤𝙣𝙤𝙩𝙞𝙘 𝘿𝙞𝙨𝙚𝙖𝙨𝙚, kuwaas oo ah cudurrada ka gudba xoolaha una gudba bini’aadamka.

Sidoo kale ardaydo waxay booqasho ku mareen sheybaarka weyn ee laga helo dhammaan qalabka lagu baadho xanuunada xoolaha nool ku dhaca.

Booqashadu waxay ardayda siisay faham dhab ah oo ku saabsan doorka maxjaradu ka ciyaaraan ka hortagga cudurrada faafa, ilaalinta caafimaadka bulshada, iyo xiriirka ka dhexeeya xoolaha iyo caafimaadka aadanaha.

📚✨ 𝙒𝙖𝙭𝙗𝙖𝙧𝙖𝙨𝙝𝙤 + 𝙆𝙝𝙞𝙗𝙧𝙖𝙙 𝙏𝙤𝙤𝙨 𝙖𝙝




Ardayda Kulliyadda Nutrition and Food Science Semesterka 6aad ee Jaamacadda Bariga Afrika ayaa qabtay munaasabad wacyige...
27/04/2025

Ardayda Kulliyadda Nutrition and Food Science Semesterka 6aad ee Jaamacadda Bariga Afrika ayaa qabtay munaasabad wacyigelin ah, taas oo bulshada looga wacyigelinayo Cudurada Gaaska ( H.pylori), Macaanka (Diabetes) iyo Kaankarada( Cancer), oo aad uga soo batay Dadkeena, waxayna aad uga hadleen Sida lagu qaado iyo Sida looga hortago.


East Africa University

Ardayda Clinical Nurse, Nutrition iyo Midwifery Semester 4aad oo kaashanaya macalimiintooda ayaa dadka danyarta ah MCHka...
25/04/2025

Ardayda Clinical Nurse, Nutrition iyo Midwifery Semester 4aad oo kaashanaya macalimiintooda ayaa dadka danyarta ah MCHka Isniino ugu sameeyey Wacyigelin, baadhitaano, Saaridda Kumbuyuutarka iyo Daaweyn bilaash ah.


Ardayda Kulliyadda Medicine iyo Kulliyadda Dentistry Semester 2aad ee JBA oo imtixaan ku galaya maadada Basic Practical ...
20/04/2025

Ardayda Kulliyadda Medicine iyo Kulliyadda Dentistry Semester 2aad ee JBA oo imtixaan ku galaya maadada Basic Practical skills and First Aid.


East Africa University

Ardayda Kulliyadda Medicine and Surgery Semesterka 6aad iyo macalimiintooda  ee ayaa Baadhitaano Uur ku jirta ah iyo Daa...
21/03/2025

Ardayda Kulliyadda Medicine and Surgery Semesterka 6aad iyo macalimiintooda ee ayaa Baadhitaano Uur ku jirta ah iyo Daaweyn Bilaash ah u sameeyay Dadka dan yarta ah ee ku nool Xaafada Buuraha magaalada Boosaaso


East Africa University

Qeybo kamida ardayda  dhigata Medical laboratory( Shaybaarka)Jamacadda Bariga Afrika iyo qaar ka mid ah  barayaasha   ku...
13/03/2025

Qeybo kamida ardayda dhigata Medical laboratory( Shaybaarka)Jamacadda Bariga Afrika iyo qaar ka mid ah barayaasha kulliyadda oo shaqo caawin ah kawada Kaamamka barakacayaasha ee magaalada Bosaaso.

Shaqadaan oo si isxilqaan ah ardayda iyo macaliimiinta kulliyaddu u fulinayaan ayaa si bilaash ah looga qaaday ciyaalka ka yar 10 Sano Saamiyo Stool Examination ah( Saxaro), si looga baadho Gooryaanka caloosha ku dhaca, looguna Sameeyo daawayn bilaash ah.

Ardayda iyo barayaasha ayaa baadhitaanada ku Sameeyey Shaybaarka Jaamacadda.


East Africa University

Ardayda Dhigata Kulliyaddaha Medical laboratory ( Shaybaadhka) iyo Medicine oo qaadanaya Xiisad layli Gacan ka qabasho a...
04/03/2025

Ardayda Dhigata Kulliyaddaha Medical laboratory ( Shaybaadhka) iyo Medicine oo qaadanaya Xiisad layli Gacan ka qabasho ah(Practical).

Shaybaarka Jaamacadda ayaa ardaydu si maalinle ah ugu qaataan Practical.
main Campus

Kareem.

Ardayda Dhigata Kulliyadda Culuumta Caafimaadka Gaar ahaan Qaybta Midwifery Semesterka 4aad oo qaadanaya Xiisad gacan ka...
03/03/2025

Ardayda Dhigata Kulliyadda Culuumta Caafimaadka Gaar ahaan Qaybta Midwifery Semesterka 4aad oo qaadanaya Xiisad gacan ka qabasho ah (practical) oo ku saabsan Daryeelka loo sameeyo hooyada uurka leh (Antenatal Care).


Ardayda Dhigata shaybaadhka ( laboratory darparment ) semesterka 6aad oo qaadanaysa casharo gacan ka qabasho ah oo ku sa...
26/02/2025

Ardayda Dhigata shaybaadhka ( laboratory darparment ) semesterka 6aad oo qaadanaysa casharo gacan ka qabasho ah oo ku saabsan maadada Clinical Chemistry .

JBA
Aqoonta Iyo Hal abuurka.

Address

Bosaso

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when faculty of Medicine & Health Science- East Africa University Bosaso posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share