18/05/2026
Lecturer MacMillan Atuti oo ka tirsan Sanaag University ayaa munaasabadda 18-ka May ku hambalyeeyey shacabka Somaliland, isaga oo sheegay inuu markhaati ka yahay nabadda iyo xasilloonida dalka muddadii uu ka shaqaynayey Jaamacadda Sanaag. Sidoo kale, wuxuu madaxda dalka uga mahadceliyey fursadda la siiyey, wuxuuna macallimiinta kale ugu baaqay inay Somaliland yimaadaan. Hadalkiisu wuxuu muujinayaa kalsoonida laga qabo nabadda Somaliland, gaar ahaan gobolka Sanaag.
Sanaag University 2026.