Dr:mohamoud abdi dalal

Dr:mohamoud abdi dalal Dhamaan umada somaliyeed asxaabta ehelka iyo wixii muqayga yaqaam kuso dhawoow page kan si aad u he

Madaama tartanka koobka qaramada qaarada africa bilaamayo 21 bishan, waxaa ciyaaryahano badani seegi donaan oo aanay wak...
12/12/2025

Madaama tartanka koobka qaramada qaarada africa bilaamayo 21 bishan, waxaa ciyaaryahano badani seegi donaan oo aanay wakhti u eheli doonin iney wadamadooda u ciyaraan , madaama ay xili jadwaka ciyaaraha qaramada yurub mashquulsanyahay oo xidiga badani koxahaas kusaganyihiin

Hadaba sidee ayey usamayneysaa wadamada ciyaaryahanadaasi k**aqanaan donaan.?

Intee inleeg ayey dalalkaasi udaremayaa caqabadaha soo food saartey ee kusaabsan iney xidigahoodi ay ku xisaabtamayeen aaney kulamadaas qaramada afrika kasoo muqan donin ee bilaamaya bishan sanadkan aynu ku jirno oo socondoona dhamaadka ilaa bisha janaayo ee 2026

17/09/2023
23/10/2022

ka ogoow tariikhda islaamka....... .... ..... ... ..... ... ... ... ...
Madaama aynu nahey dad islaama Waxa muhiim ah in ay barano tariikhda islaamka ee faca weyn.

1:Masjidka Al-Ghamama

Waxa uu ku yaallaa meel u dhow Masjidka Nabiga, waxaana dhisay Cumar bin Cabdul Casiis, waxaana salaad ciidda iyo mid roob doon ku tukaday Nebi Muxamed(NNKH). Sidoo kale goobtaas waxaa sida Nebiga si lamid ah u isticmaalay Cuthmaan bin Caffaan.

2:Masjidka Abuu Bakar Al-Siddiiq

Waxaa loo dhisay qaab cajiib ah, waana goobtii labaad ee uu Nebi Muxamed ku tukaday salaadda Ciidda intii uu noolaa.

Abu Bakar Al-Siddiiq ayaa isna halkan ku tukaday salaadda ciida, sidaas ayuuna magaca misaajidka loogu magac daray. Waxaa masjidkan dhisay Cumar bin Cabdul Casiis.

3:Masjidka Cumar bin Al-Khattaab

Wuxuu ku yaalaa Al-Musallah, masaajidkan waxaa loogu magac daray Cumar bin Al-Khattab, saxaabigii labaad ee Khulaafaa Rashiduun.

4:Masjidka Al-Saqiya

Magaca masjidkan wuxuu ku baxay sabab la xiriirta inuu ku yaallay meel u dhow ceelka Saqiya.

5:Masjidka Banu Anif

Waxaa markii h**e laga dhisay dhagax laga helay folkaano ka qaraxday koonfur galbeed masjidka Al Quba. Laba mitir oo darbiyadiisa ah ayaa ka haray masjidkan ka hor inta aan la dayac tirin.

6:Ceelka Ghars

Ceelkan waxaa biyo ka dhaansan jiray Nebi Muxamad NNKH. Wuxuu dalbaday in marka uu dhinto in meydkiisa lagu dhaqo biyo laga so dhaamiyay ceelkan ka hor inta aan la xabaalin.

7:Masjidka Al-Rayan

Waxaa dhisay mid ka mid ah asxaabta Cumar bin Cabdul Casiis, wuxuuna ka dhisay goob uu ku tukaday Nebiga mar uu kormeerayay dhufeys ay Muslimiinta qodanayeen si ay isu difaacaan.

Dhamaanteen ilahey haynagu anfaco
............. Lasoco qaybaha danbe........

16/07/2022

Biden: Falastiin waxay u qalantaa inay noqoto dal jira oo xor ah

Ciyaaryahanka Mo Farah ayaa Ingiriiska lagu keenay qaab sharci darro ah isagoo canug yar ah, waxaana lagu qasbay in uu g...
12/07/2022

Ciyaaryahanka Mo Farah ayaa Ingiriiska lagu keenay qaab sharci darro ah isagoo canug yar ah, waxaana lagu qasbay in uu guri shaqaalo ka noqdo. Sida uu shaaciyey. Xidig gaan ka ee ciyaara Olympic kada ayaa BBC da u sheegay in loo bixiyey magaca Mohamed Farah oo ay u bixiyeen dadkii kasoo kaxeeyey dalkaasi Djibouti. Magaciisa dhabta ahna uu yahay Hussein Abdi Kahin. Waxaa wadan ku yaala bariga africa kasoo kaxeeyey isagoo 9 jir ah haweenay uusan waligii la kulmin, kadibna waxaa ay haweenaydaasi shaqaalo oga dhigtay caruurkale sida uu sheegayo Mo Farah

"Afar sano waa la'iga hortaagnaa oo banaan ka Ayaan ka joogay," kooxda orodada ee Britain ayaa sheegaysa.

Orodyahanka orda masaafada dheer ayaa horaan sheegay in uu ka yimid Somalia oo waalidiintiisu ay yihiin qaxooti. Laakiin filim dokumentari ah oo ay diyaariyeen BBC-da iyo Red Bull Studios, oo ay BBC-du aragtay, lana sii daayey Arbacadii, ayuu ku sheegay in waalidkii aanay waligood tagin UK – hooyadiis iyo labo walaalihiis ah ay ku noolyihiin beerta qoyskooda oo ku taal jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida Somaliland. Mo Farah Aabihiis Abdi, waxaa lagu dilay is rasaasayn xilligii dagaalkii sokeeye ee Somalia xilligaas oo Mo Farah ahaa afar sano jir. Somaliland ayaa ku dhawaaday in ay dal badax banaan tahay sanadii 1991 balse caalamku wali uma aqoosan dal ahaan. Mo Farah ayaa sheegay in uu sagaal jir ahaa markii laga soo kaxeeyey qoyskii uu la noolaa ee dalka Djibouti. Kadib waxa uu u soo safray dalka Ingirriska oo ay soo kaxeysay haweeney uusan waligiis arkin islamarkaana aysan ehel ahayn. Waxaa ay u sheegtay haweeneeyda in yurub loo geynayo in uu eheladiisa hakaasi kula noolaado. Taas oo ahayd wax farxad galiyey sida uu sheegayo. Waligay diyaarad ma raacin, ayuu yiri. Haweeneyda ayaa ku war galisay in uu yiraahdo magacaygu waa Maxamed. Waxaa uu sheegaya in ay heysatay documentiyada socdaalka oo been abuur ah oo muujinaya sawirkiisa oo ku dhinac dhagan magaca Mohamed Farah.

Markii ay yimaadeen Ingiiska, haweenaydii ayaa u kaxeeysay hoygeeda ku yaalay Hounslow, ee west London, islamarkaana ka qaaday warqad yar oo uu ugu qornaa macluumaadka eheladiisa. "Hortayda ayay ku jeex jeexday oo ay qashinka ku dartay. Markaas Ayaan ogaaday in aan dhibaato ku jiro," ayuu yiri Sir Mo ayaa sheegaya in uu ku qasbanaa in uu qabto shaqada guriga iyo in uu haayo caruurta. Waxaa uu sheegay in haweenayda ay u sheegtay "hadii uu doonayo in uu arko qoyskiisa uu aamuso oo uu cidna la hadlin."

"Badana waxaan isku soo xiraa suuliyada si aan u ooyo," ayuu yiri Sanadihii ugu horreeyey qoyskiisa ma aysan u ogolaanin in uu wax barasho aado, hasayeeshee markii uu ahaa 12 sano jir waxaa uu iska qoray fasalka todobaad ee machadka Feltham Community College. Maamulka machadka ayaa loo sheegay in Mo uu yahay qaxooti ka yimid Soomaaliya. Macalinkiisii h**e Sarah Rennie ayaa BBC da u sheegtay in marka uu iskuulka yimaado uu ahaa qof aan daryeel heysan, oo uu ku hadli jiray Ingiriis aad u yar islamarkaana uu ahaa canug ay wax badan ka maqanyihiin.

Waxaa ay sheegaysa in dadkii sheegtay in ay yihiin waalidiintiisa aysan marnaba soo xaadiri jirin munaasabadaha iskuulka. Maclinkii Mo ee ciyaaraha PE-ga loo yaqaano, Alan Watkinson, ayaa dareenmay in uu isbadel ku yimid wiilkan yar markii uu cagta saaray wadada ciyaaraha orodada.

"Luuqadda kaliya ee uu u muuqday in uu fahmayo waxay ahayd mida ciyaaraha," sida uu sheegay. Mo ayaa sheegay ciyaaraha in ay caawinayeen "waxa kaliya ee aan sameyn karay si aan oga baxo noloshaas waxay ahayd in aan baxo oo aan ordo". Mr Watkinson Waxaa uu hubay ayaa ahayd arinta ku saabsan dalashadiisa saxda ah iyo halka uu kasoo jeedo iyo qoyska lagu qasbay in uu u shaqeeyo. Macalin ka ciyaaraha iskuulka ayaa la xiriiray shaqaalaha rayidka waxayna ka caawisay in Mo loo wareejiyo qoys kale oo Somali ah. "Wali waxaan u xiisaa qoyskaygi aan ka dhashay, balse wixii xiligaasi ka danbeeyey wax walba ay wanaagsanaadeen," ayuu yiri "Waxaan dareemay in uu culays badan iga dagay." Xiligaasi waa markii uu soo shaac baxay Mo-ga dhabta ah. " Maxamed ayaa bilaabay in uu magac ka sameeyo oradada markii uu gaaray da’da 14 sano waxaa lagu casuumay in uu barto luuqada markii uu tartan oradada ah uu u tagay Latvia- laakiin ma uusan heysan waraaqaha socdaalka ah. Mr Watkinson ayaa ka caawiyey in uu u xareyso dhalashada Ingiriiska isagoo isticmaalaya magaca Mohamed Farah, kaas dhab noqday July 2000. Sharci yaqaan Alan Briddock ayaa Mo u sheegay in dhalashadiisa saxda ah uu mad madow". Sharci ahaan, dowladda waxaa ay kala noqon kartaa qofka dhalashadiisa lagu helo khiyaano.

Sikastaba ha ahaate, Mr Briddock ayaa sharaxaad ka bixinaya in dhibaatada ka imaan karta kiiska Mo ay yartahay. "Xilligii kiiskaaga, aad ayaad u yareeyd in aad masuul ka noqoto caruur kale ama aad noqoto shaqaalo guri ka shaqeeya. Kadibna waxaad saraakiisha u sheegtay in magacaaga uusan ahayn Maxamed’. Intaasoo dhan marka la isku daro waa ay yaraynaysaa suurtagalnimada ah in lagaala laabto dhalashada. " Mo ayaa sheegay in uu doonayo in uu dadka la wadaago qisadiisa oo uu soo bandhigo si uu ula dagaalamo fikradda ka ganacsiga tahriibinta iyo adoonsiga. "waxba k**a aanan ogayn in ay jiraan dad aad u badan oo soo maray isla wixii aan aniga soo maray, waxaa kaliya ay muujinaysaa in aan Nasiib badnaa, " ayuu yiri Mo

"Waxa aan ku bad baaday, ee dadka kale aan oga duwanaaday ayaa ah in aan ordi karay. " Haweeneydii keentay London Mo ayay BBC du isku dayday in ay la xiriiraan balse ma aysan ka jawaabin.

Mo Faarax oo daaha ka qaaday in UK loo tahriibyey asagoo ilma yar ah.................................Ciyaaryahanka Mo Fa...
12/07/2022

Mo Faarax oo daaha ka qaaday in UK loo tahriibyey asagoo ilma yar ah.................................

Ruushka oo afka furtay sheegayna in dagaalkii Saddexaad ee adduunka uu dhacayo.................................Wasiirka ...
28/04/2022

Ruushka oo afka furtay sheegayna in dagaalkii Saddexaad ee adduunka uu dhacayo.................................
Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov ayaa aaminsan in ay jirto "khatar halis ah" oo dhalin karta dagaalkii 3-aad ee adduunka kadib duulaankii Ruushka ee Ukraine.

Lavrov oo wareysi uu telefishanka ruushka siiyay wuxuu ku eedeeyay wadamada isbahaysiga militariga NATO inay sare u sii qaadaan dagaalka Ukraine iyagoo bixinaya hub iyo agab dagaal. Sida laga soo xigtay wasiirka "Tallaabadan waxay sii hurinaysa xaaladda walaacsan" - wuxuuna ku adkaysanayaa in wax walba la sameeyo si looga fogaado inuu dhaco dagaalkii saddexaad ee aduunka.

Mr Lavrov ayaa wax laga weydiiyay hadal ka soo yeeray madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo ahaa in laga fogaado colaada nukliyeerka.

"Khatarta dagaalka saddexaad ee adduunka waa mid aad u sareysa ." Lavrov ayaa yiri, sida laga soo xigtay qoraal ku qoran bogga Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka. "Khatartaasi waa halis, waa dhab, waana in aan la dhayalsan."
Lavrov waxa uu sheegay in Moscow iyo Washington ay tahay inay dib u cusboonaysiiyaan ballanqaadkii ay sameeyeen hoggaamiyayaashii h**e ee Ruushka iyo Maraykanka Mikhail Gorbachev iyo Ronald Reagan ee ahaa "in aanay jiri karin cid ku guulaysata dagaal nukliyeer ah".

Dhanka kale Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa xaqiijiyay in iska horimaad toos ah oo dhexmara gaashaanbuurta NATO iyo Ruushka uu ka dhalan doono dagaalkii saddexaad ee adduunka.

"Waxaan rabaa in aan caddeeyo: Waxaan ilaalin doonaa gobol kasta oo NATO ah in uu lahaado leh awood buuxda oo isku dhafan oo la xoojiyay" ayuu yiri Biden.

"Laakiin ma qaadi doono dagaal ka dhan ah Ruushka oo duulaan ku qaaday Ukraine, iska horimaad kasta oo toos ah oo dhexmara NATO iyo Ruushka wuxuu noqon karaa dagaalkii 3-aad ee aduunka"

Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan ciidamada qalabka sida ayaa u arka in hadalka wasiirka Ruushku uu yahay mid "borobogaandha kaliya ah" .

"Hadalka Mr. Lavrov, oo in ka badan 15 sano ah wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka, uma maleynayo inay jirto khatar soo socota oo sii kicinaysa xaaladda ", ayuu ku nuuxnuuxsaday James Heappey.

Mr Heappey oo wax laga weydiiyay suurtagalnimada in Ruushka uu isticmaalo hubka Nukliyeerka ah ee taatikada ah, waxa uu sheegay in uu rumeysan yahay in ay "yartahay" suurtagalnimada. Mr Heappey ayaa sheegay in iyadoo NATO ay xoojineyso garab istaageeda Ukarine , haddana aysan bixinayn gargaar milateri.

Inkastoo Maraykanka, Jarmalka, Australia iyo Netherland waxay ku dhawaaqeen inay qorshaynayaan inay hub u dirayaan Ukraine si ay uga qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah duulaanka Ruushka.

Gaashaanbuurta Nato waxay billowday inay ciidammo u dirto Bariga Yurub si ay si deg deg ah jawaab uga bixiyaan halis kasta.

Askari u dhashay oo sita hub xilli uu ka howgal ka sameynayay gobolka Kharkiv ee bariga Ukraine
Askari u dhashay oo sita hub xilli uu ka howgal ka sameynayay gobolka Kharkiv ee bariga Ukraine

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ballan qaaday in ay usoo direyso Ukraine hub qiimihiisu dhan yahay $350 malyan oo doolar, oo ay ku jiraan gantaallada Javelin, gantaalada lidka diyaaradaha iyo jaakadaha aan xabadu karin.

Dowladda Britain ayaa sheegtay in aysan sax ahayn in dagaalka Ukraine lagu tilmaamo mid NATO ay kula jirto Ruushka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine Dmytro Kulebo ayaa sheegay in hadalka Lavrov uu yahay isku day uu Ruushka ku doonayo in uu "calaamka uga baqo si aanu taageerin Ukraine".

Waxa uu ku sharaxay Twitter-ka in "ka hadalka khatarta 'dhabta ah' ee dagaalkii saddexaad ee aduunka ay la macno tahay in Moscow ay u maleyneyso in lagu jabin doono Ukraine."

Inaalilaahi wa inaalilaahi raajucuun Waxaan tacsi u dirayaa qoyskii qarabadii iyo dhamaan umada somaliyeed geridii kutim...
12/02/2021

Inaalilaahi wa inaalilaahi raajucuun Waxaan tacsi u dirayaa qoyskii qarabadii iyo dhamaan umada somaliyeed geridii kutimid $suldaan cabdul qaadir oo hada ku geeriyooday magalada hargiesa
Waxaan ilahay uga baryayaa in qowlka saabidka kusugo janatul fardawsa hakawarabiyo Amiiin amiiin

    Agaasime shabeele iyo xaaskisa isku  waara oo noqda kuwii ubad khayr qaba kala helaAmiiin amiiin Amiiin amiiin Amiii...
12/12/2020

Agaasime shabeele iyo xaaskisa isku waara oo noqda kuwii ubad khayr qaba kala hela
Amiiin amiiin Amiiin amiiin Amiiin amiiin Amiiin

Alxmdlilah Alxmdlialh Alxmdlialh Waxaan ilahay kabaryayaa in ragii dhibaatada ku hayey dalka somaliya iyo umadaba uu ila...
02/12/2020

Alxmdlilah
Alxmdlialh
Alxmdlialh
Waxaan ilahay kabaryayaa in ragii dhibaatada ku hayey dalka somaliya iyo umadaba uu ilahay kaqabtay xaqiina uu yimid taas oo aanay somalida qudheeda dadka kale oo laqabeem oo dalka dibadiisaba xukunkaas oo ahaa xukunkii fircoon uu umada islaamka ah kuxukumaayey sharcigaas oo ahaa (devidal rule) sidaad aad ka ogaankarto sidii dawladii malez ula heshiiyeu maamulada somaliya isagoo kolba mid u yeedhi jiray mid midna ula shirijiray ugu danbayna labada qof ee somaliga ah qoriga isugu dhiibi jiray asagoo ahmiyada saari jiray inaanay waligeed dawlad somaliyeed caga heeda isugutaagin oo aanay dawladi kadhalan.
Ugu danbayntii waxaa rajaynayaa in ilahay qalbigeena kalgacayl iskugikeen rido oo wixii dhacayna la ilaabo
Waxaan marlabaad ilahay kabaryayaa in ducadaa inaga aqbalo

Yaa garanaaya halyeeygan udhashay qaradan eshiya?Fadlan su'aasha waalaydinka sugaya?
30/11/2020

Yaa garanaaya halyeeygan udhashay qaradan eshiya?
Fadlan su'aasha waalaydinka sugaya?

Address

Hargeisa

Opening Hours

09:00 - 17:00

Telephone

+252634408667

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr:mohamoud abdi dalal posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The University

Send a message to Dr:mohamoud abdi dalal:

Share