01/06/2026
๐๐ฟ๐ฑ๐ฎ๐๐ฑ๐ฎ ๐๐ฎ๐ฏ๐น๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ฒ๐ฒ ๐๐ฎ๐๐ฎ๐น๐ธ๐ฎ ๐ฐ๐ฎ๐ฎ๐ฑ ๐ฒ๐ฒ ๐ค๐ฎ๐๐ฏ๐๐ฎ ๐๐ฒ๐ฒ๐ฟ๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ผ๐ผ ๐ซ๐ฎ๐ณ๐น๐ฎ๐ฑ ๐ฆ๐ฎ๐ด๐ผ๐ผ๐๐ถ๐ป ๐ฎ๐ต ๐ ๐ค๐ฎ๐ฏ๐๐ฎ๐ ๐ ๐ฎ๐ฐ๐ฎ๐น๐ถ๐บ๐ถ๐ถ๐ป๐๐ฎ ๐ธ๐๐น๐ถ๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐๐ฒ๐ฒ๐ฟ๐ฎ๐ต๐ฎ
Maanta waxaa Machadka Farsamada Gacanta ee Hargeysa ka qabsoontay xaflad sagootin ah oo ay soo agaasimeen hablaha ardayda fasalka 4aad ee ka qalinjabinaya sanadkan Kuliyada Beeraha.
Xafladdan ayaa ahayd mid ay ardaydu ku muujinayeen mahadnaq iyo sagootin ay u sameynayeen Machadka iyo Macallimiintoodii mudada dheer soo garab istaagay waxbarashadooda. Intii ay xafladdu socotay, waxaa loo jeedaiyay hadallo iyo dardaaranno ku wajahan ardayda ka baxaysa Machadka.
Waxaa halkaas dardaaran iyo talooyin qiimo leh ka jeediyay Madaxa Kuliyadda Beeraha, Abdiqasim Xaashi Wacays, kaas oo ardayda kula dardaarmay inay ka faaโiidaystaan aqoonta ay heleen, isla markaana ay door muuqda ka qaataan horumarinta beeraha iyo bulshada.
Sidoo kale, xubno ka tirsan maamulka Machadka ayaa hadallo dhiirrigelin iyo hambalyo isugu jira u jeediyay ardayda, iyagoo u rajeeyay mustaqbal wanaagsan iyo guulo waxbarasho iyo shaqo.
Machadka Farsamada Gacanta ee Hargeysa wuxuu hambalyo iyo duco u dirayaa dhammaan ardayda sanadkan ka qalinjabinaysa, wuxuuna u rajaynayaa guul iyo horumar mustaqbalka ah.