University of Las’anod

University of Las’anod Established On June 30th, 2010.

Las’anod University evolved to become one of the very few prominent Higher Education Institutions In Sool Region in Terms of Conducting Research & Teaching Methods.

22/08/2022

**********Mihiimadda Siyaasadda******

Siyaasaddu waa aasaaska nolosha. Markasta & meelkasta oo ay nololi ka jirto waa ay ka jirtaa. Bini-aadmigu waa noole bulshaawi ah. Ma noolaan karo qofku keligiis haddii aanu bulsho ku dhex jirin. Waxa lama huraan ah in nolosha bulshadu ay noqoto nolol deganaansho dhaqaale, ammaan, farxad & kala dambayn leh. Bilowga nolosha siyaasiga ah waa siyaasadda dhaqanka. Siyaasadda dhaqanku iyada ayaa ugu fac-weyn uguna wanaagsan maadaama oo ay tahay mid aad ugu dhow nolosha bulshada. Waa sababta ay waddamada galbeedku qayb ahaan ugu sii dheggan yihiin siyaasadda dhaqanka. Waxa tusaale inoogu filan dalka ingiriiska oo kuraaska aqalka odayada (house of lords) ay xubnaha qaarkood dhaxal ku soo galaan. Waa arrin mihiima in bulsho kastaa yeelato dhaqan siyaasadeed oo iyada u gaar dhaqankaas siyaasiga ah oo ay iskaga soocdo bulshooyinka kale ee ay deriska yihiin. Dadkeenu waxa ay dhaqan siyaasadeed u leeyihiin xeer hoosaadyo ku qottoma dhaqan asal adag oo gaamurey dadkana ugu adeegi kara sida ugu fudud uguna macquulsan ee ay noloshoodu la qabsan karto. Markasta oo bulshadu ay ka jeesato arrimaha siyaasadda waxa meesha ka baxa nolosha mihiimadeeda. Waxa bulshooyinka siyaasadda dayacaa ay noqdaan dad aan dhaqaale lahayn, dhul lahayn sida oo kalena ka dambeeya dadka kale ee siyaasadda leh dhankasta oo arimaha bulshada ah. Bulshooyinka dunida koowaad ee awooda badan waxa ay aad ugu dedaalaan/een sidii siyaasadoodu u saldhigan lahayd, waxa ay tijaabiyeen qaabab kala duwan oo maamul & fikrado aan markii h**e u muuqan in ay suuragal yihiin. Waa mihiim in bulshadu ay ku dhiirrato in ay siyaasaddeeda jihhayso. Waa daruuri in ay bulshadu fahanto in markasta oo meesha go’aanka siyaasadda lagu goynayaa ay ka fogtahay deegaankooda in ay adag tahay in uu horumar ka soo gaadho dhulkooda. Waa lama huraan in ay bulshadu fahamto in dhamaan arrimaha bulshada ay lagama maarmaan u tahay siyaasad fadhida oo ka turjumeysa rabbitaanka dadka deegaankaas ku nool.

La soco qaybaha dambe.

26/07/2022

Faa’iidada Dhaqaalaynta Deegaanka:-

Deegaanku waxa uu hoy u yahay nafteena & tan qoysaskeena aynu jecelnahay. Waxaa marmarka qaar aynu si aan xeel dheeri ahayn uga hadalnaa arimaha khuseeya deegaanka ee ay ahayd in mihiimad dheeraad la siiyo. Marka la dayaco deegaanka waxa adkaada nolosha bulshada deegaankaas ku nool. Waxa gabaabsi noqda ama la waayaa daruuriyaadkii nolosha sida cuntadii iyo marmarka qaar biyihii. Deegaanka oo la dhaqaaleeyaa waxa ay bulshada u suurtagelisaa in ay noqdaan dad caafimaad qaba oo hela dhamaan cuntooyinkii jidhkooda & maskaxdooduba ay u baahnaayeen. Marka la jaro dhirta waxa ay dabaysha & biyuhu qaadaan ciidii wax lagu beeran lahaa, waxa na ay taasi sababtaa in dhulkaasi uu noqon waayo dhul wax lagu beeran karo. Marka ay ciida nafaqaysan dabayshu qaado; waxa yaraada wax soo saarka roobka ee dhulkaas; waxa markiiba la waayaa biyihii roobka oo dhulka gala iyaga oo aan wax dhir ah soo saarayn. Dhulka noocaas ah waxa lagu khasbanaadaa in laga guuro sababta oo ah ma aha dhul lagu sii noolaan karo. Si aynu uga taxaderno in dhulkeenu uu noqdo dhul lama degaan ah oo aan lagu noolaan karin, waa in aynu markasta xooga saarnaa sidii aynu u beeri lahayn dhir badan sidoo kalena aynu yaraynaa isticmaalka dhuxusha oo ah sababta ugu badan ee bulshadeenu ay dhirta u gooyaan.!

FG: Ilaalinta deegaankeenu waa mas’uuliyad qofeed & mid bini-aadminimo.

09/07/2022

************* Ciid Mubaarak************
Jaamacadda Laascaanood waxa ay farxadda ciidka adxada ugu hambalyaynaysaa dhamaan muslimiinta gaar ahaan na ummada S.S.C.

Hawl wadayaasha jaamacaddu waxa ay alle idiin weydiinayaan in ciidkan & ciidad kale oo badan alle idinku gaadhsiiyo barwaaqo & nabad qab.

Faa’iidada Dhaqaalaynta Deegaanka:-Deegaan muxuu yahay?!Deegaan waa dhulka uu qof, geed ama noole kale ku noolaan karo. ...
29/05/2022

Faa’iidada Dhaqaalaynta Deegaanka:-

Deegaan muxuu yahay?!

Deegaan waa dhulka uu qof, geed ama noole kale ku noolaan karo.

Deegaanka waxaa noloshiisa wanaajin kara ama saamayn ku yeelan kara dadka ku nool & qaabka ay u fekeraan.

Hadii ay deegaanka ku nool yihiin dad aan fekerin oo aan daryeelin waxa uu noqdaa deegaan burbursan oo ay aakhirka dadka & noolaha kaleba ka dal doorsadaan marka ay ku noolaan kari waayaan.

Hadii se ay daryeelaan waxa uu soo jiitaa nolosha dadka & xayawaanka kale waxaa na uu noqdaa deegaan camiran oo noloshu ay ku macaan tahay.

Jarista dhirta & dilitaanka xayawaanka duur-joogta ah waa labada dhibaato ee ugu badan ee ay dadkeenu ku dhaawacaan/een deegaanka.

Deegaan aan lahayn xayawaan duur-joog ma aha deegaan noloshiisu ay dhamaystiran tahay, sidaas si la mid ah, deegaanka aan dhirta lahayni ma aha deegaan lagu noolaan karo.

Jarista dhirta waxa ay natiijadeedu noqotaa carro guur & isbedel cimilo oo aan laga soo waaqsan.

Marka geedka la jaro waxa ay biyaha iyo dabayshuba si fudud u qaadaan carradii/ciiddii nafaqada lahayd ee wax laga beeran kari lahaa, waxaa na ay taasi sabab u noqotaa in khudaarta iyo wixii kale ee la damco in la beeraa ay noqdaan wax soo saar aan tayyo fiican lahayn ama aanay bixin ee ay dhintaan.

Si deegaanku u badbaado waa lama huraan in ganacsatadu ay qayb ka noqdaan ololaha isla markaana ay hoos u dhigaan sicirka gaaska si bulshadu ay uga maaranto isticmaalka dhuxusha taas oo baaq nabadeed u ah dhirta iyo deegaanka guud ahaan.

Xayawaanka duur-joogta ah waxaa sidaas oo kale inaga saaran xil dheeraad ah, waa qurux deegaan, duunyo, iyo astaan nololeed oo muujinaysa caqliga dadka deegaanka ku nool heerka uu gaadhsiisan yahay.

Markasta aan xil iska saarno sidii aynu u badbaadin lahayn deegaankeena, aynuna saaxiib joogto ah la ahaano deegaankeena si nolosheenu ay u noqoto nolol farxad iyo deganaansho leh.

FG:- sawirka hoose waa labo sawir laga qaaday deegaan ku yaalla wadanka Norway. Wakhtiga la qaaday waxa u dhexeeya 125 sano. U fiirso sida deegaankaas loo bedelley ee ay tahay in aynu uga tilmaan qaadano.

.

01/05/2022

CIID MUBAARAK.

jaamacadda laascaanood waxa ay hambalyada ciidka bisha barakaysan ee “soon-fur” ugu hambalyaynaysaa bulshada soomaaliyeed gaar ahaan na bulshada S.S.C. Waxa aan alle idiinka baryaynaa in munaasibadan teeda kale uu inagu wada gaadhsiiyo nabad iyo caafimaad.

17/01/2022

Kaalinta xarumaha waxbarashada sare ee cilmi baadhista:-

Cilmi baadhistu waxa ay tiir dhexaad u tahay h**emarka bulshada & wadannada.
Bulshooyinka h**e u maray waxa ay aad ugu hawl galaan sidii ay u falanqayn lahaayeen dhibaatooyinka soo waajiha ka diba ay u xallin lahaayeen.
Jaamacadda laascaanood, waxa ujeedkeeda koowaad uu yahay in la xoojiyo cilmi baadhista arrimaha bulshada & sayniskaba, la dardargeliyo kaalinta toosan ee ay xarumaha waxbarashada sare ku leeyihiin h**emarka bulshada & in ay markasta rajjo u noqoto dhalinyarada iyo bulshada soomaalida guud ahaan, gaar ahaanna gobolka “Sool”.

.

KAALINTA XARUMAHA WAXBARASHADA SARE EE XALLINTA KHILAAFYADA KA DHEX DHACA QABAA’ILKA.(1): Waa maxay khilaafku?!Khilaafku...
06/01/2022

KAALINTA XARUMAHA WAXBARASHADA SARE EE XALLINTA KHILAAFYADA KA DHEX DHACA QABAA’ILKA.

(1): Waa maxay khilaafku?!

Khilaafku waa isfahamwaa wejjiyo badan ka na bilaabma marka ay laba dhinac (labo qof iyo ka badan) isla fahmi waayaan danno u gaar ah oo uu dhinac kastaa doonayo in ay dantiisu mudan tahay in laga h**emariyo danta dhinaca kale.

Khilaafka qabaa’ilka ee ugu badan waxaa sababeeya qodobbo dhawr ah:-

1- kala sheegasho/isku qabsi deegaan.
2- isdiidanaan dhaqan
3- kala duwanaasho dhalasho (dhalasho dhow ama mid fog).

Waxaa ay jaamacaddu dhowaan soo daabici doontaa cilmi baadhis balaadhan oo ay ku odorayso dhibaatadan bulsheed.

22/12/2021

Waxbarashadu marnaba ma noqon karto il ganacsi. Waa in ujeedka koowaad ee waxbarashadu uu noqdaa in la dheeri-geliyo hal abuurka, sidoo kale na ay dhalinyaradu barato cilmi ay bulshada deegaankooda wax kaga beddelaan; dunidana wax cusub ugu soo kordhiyaan.

Maxaa ay kula tahay in waxbarashada lagu jaangooyo, ganacsi mise hal abuur?!

Doorka Xarumaha waxbarashada sare ee horumarka:-Waxbarashadu waa jaranjaro, mana dhamaato. Hase ahaatee, waxaa lagama ma...
07/12/2021

Doorka Xarumaha waxbarashada sare ee horumarka:-

Waxbarashadu waa jaranjaro, mana dhamaato. Hase ahaatee, waxaa lagama maarmaan ah in ay noqoto mid koritaanka caqliga kaalin weyn ka geysanaysa.

Waxbarashadu ma aha il-dhaqaale, il sharafeed & mid magac toona.

Waxbarashadu waa in ay markasta ka dhalataa baahi-bulsheed oo dadka caadiga ahi ay soo bandhigaan, waana in ay dhiirigelisaa dadka idil ahaan si ay wax uga bedesho baahidii ay bulshadu qabtey.

Jaamacadaha & dhamaan xarumaha waxbarashada sare waa in aasaaskooda lagu jaangooyaa h**e-umarinta caqliga, dhaxal reebista & kor u qaadista awoodda bulsheed ee deegaanka xaruntaas laga hirgeliyey.

Jaamacadda laascaanood; oo ah jaamacad bulsheed, waxa ay markasta diyaar u tahay in ay dhiirigeliso bulshada gobolka sool guud ahaan iyo bulshada laascaanood gaar ahaan.

Jaamacadda laascaanood waxa ay u jirtaa si ay fursad ugu abuurto dhalinyarada doonaya in ay caqligooda ku koriyaan cilmi; si ay dadkooda & naftoodaba ugu anfacaan mustaqbalka dhow & ka fogba.

28/11/2021

University of las’anod

“ proud, brilliant, bright”.

08/11/2021

Jaamacadda Laascaanood waa jaamacad bulsheed. Waxaa hirgelinteedu ay ku timi baahi bulsheed; waxaana ay u samaysantahay kor u qaadista soo-jeedista caqli ee bulshada, h**e-umarinta aqoonta sare & cilmi baadhista, iyo ku jiheynta facca cusub sidii ay u noqon lahaayeen dad ku nool deegaankooda maskax ahaan iyo jidh ahaanba.

Welcome to las’anod University
!THE PEOPLE’S UNIVERSITY!

Address

Street 3
Laascaanood
N/A

Telephone

+252634161765

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when University of Las’anod posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The University

Send a message to University of Las’anod:

Share