Awballe School

Awballe School Awballe Primary School wuxuu ku yaalla Gobolka Shabeelaha hoose, degmada Marka, xaafadda Hawl-wadaag.

πŸŒΏπŸ•Œ JIMCO WANAAGSAN πŸ•ŒπŸŒΏAlxamdulillaah, waxaan gaarnay maalin kale oo Jimco ah, maalinta ugu fadliga badan toddobaadka.Aan ...
05/06/2026

πŸŒΏπŸ•Œ JIMCO WANAAGSAN πŸ•ŒπŸŒΏ

Alxamdulillaah, waxaan gaarnay maalin kale oo Jimco ah, maalinta ugu fadliga badan toddobaadka.

Aan ku dadaalno ducada, akhriska Qur’aanka Kariimka ah, iyo saliga Nabigeenna suuban Muxamed ο·Ί.

"Ψ₯ΩΩ†Ω‘ΩŽ Ψ§Ω„Ω„Ω‘ΩŽΩ‡ΩŽ ΩˆΩŽΩ…ΩŽΩ„ΩŽΨ§Ψ¦ΩΩƒΩŽΨͺΩŽΩ‡Ω ΩŠΩΨ΅ΩŽΩ„Ω‘ΩΩˆΩ†ΩŽ ΨΉΩŽΩ„ΩŽΩ‰ Ψ§Ω„Ω†Ω‘ΩŽΨ¨ΩΩŠΩ‘Ω ۚ يَا Ψ£ΩŽΩŠΩ‘ΩΩ‡ΩŽΨ§ Ψ§Ω„Ω‘ΩŽΨ°ΩΩŠΩ†ΩŽ Ψ’Ω…ΩŽΩ†ΩΩˆΨ§ Ψ΅ΩŽΩ„Ω‘ΩΩˆΨ§ ΨΉΩŽΩ„ΩŽΩŠΩ’Ω‡Ω ΩˆΩŽΨ³ΩŽΩ„Ω‘ΩΩ…ΩΩˆΨ§ ΨͺΩŽΨ³Ω’Ω„ΩΩŠΩ…Ω‹Ψ§"
Ψ§Ω„Ω„Ω‡Ω… Ψ΅Ω„ ΩˆΨ³Ω„Ω… ΩˆΨ¨Ψ§Ψ±Ωƒ ΨΉΩ„Ω‰ Ω†Ψ¨ΩŠΩ†Ψ§ Ω…Ψ­Ω…Ψ― ο·Ί πŸ“Ώβ€οΈ

Awballe Primary & Secondary School wuxuu dhammaan bulshada Soomaaliyeed u rajaynaa Jimco wanaagsan iyo maalin kheyr badan. 🀲✨

Ψ₯ΩΩ†ΩŽΩ‘Ψ§ Ω„ΩΩ„ΩŽΩ‘Ω°Ω‡Ω وَΨ₯ΩΩ†ΩŽΩ‘Ω€Ψ§ Ψ₯ΩΩ„ΩŽΩŠΩ’Ω‡Ω Ψ±ΩŽΨ§Ψ¬ΩΨΉΩΩˆΩ†ΩŽMaamulka, Macallimiinta iyo Ardayda Dugsiga Awballe  waxay tacsi murugo leh...
29/05/2026

Ψ₯ΩΩ†ΩŽΩ‘Ψ§ Ω„ΩΩ„ΩŽΩ‘Ω°Ω‡Ω وَΨ₯ΩΩ†ΩŽΩ‘Ω€Ψ§ Ψ₯ΩΩ„ΩŽΩŠΩ’Ω‡Ω Ψ±ΩŽΨ§Ψ¬ΩΨΉΩΩˆΩ†ΩŽ

Maamulka, Macallimiinta iyo Ardayda Dugsiga Awballe waxay tacsi murugo leh u dirayaan ehelkii, qaraabadii iyo dhammaan bulshada uu ka baxay Marxuum Ustaad Cabdullaahi Sheekh Xasan.

Marxuumku wuxuu ka mid ahaa macallimiintii dadaalka iyo akhlaaqda wanaagsan ku suntanaa, door weynna ku lahaa waxbaridda iyo tarbiyeynta arday badan.

Waxaan Alle uga baryeynaa inuu Janatul Firdowsa ka waraabiyo, dambigiisana dhaafo, samir iyo iimaanna ka siiyo ehelkii, asxaabtii iyo bahda waxbarashada ee uu ka baxay.

Aamiin.

πŸ•ŒπŸŒΏ JIMCO WANAAGSAN πŸŒΏπŸ•ŒJimco wanaagsan dhammaan ardayda, waalidiinta iyo bulshada Soomaaliyeed. πŸŒΈπŸ€πŸ•Œ Nabi Maxamed ο·Ί wuxuu y...
29/05/2026

πŸ•ŒπŸŒΏ JIMCO WANAAGSAN πŸŒΏπŸ•Œ

Jimco wanaagsan dhammaan ardayda, waalidiinta iyo bulshada Soomaaliyeed. 🌸🀍

πŸ•Œ Nabi Maxamed ο·Ί wuxuu yiri:
β€œMaalintiinna ugu fadliga badan waa maalinta Jimcaha.”
Ψ§Ω„Ω„Ω‡Ω… Ψ΅Ω„ ΩˆΨ³Ω„Ω… ΨΉΩ„Ω‰ Ω†Ψ¨ΩŠΩ†Ψ§ Ω…Ψ­Ω…Ψ― ❀️

Maalintan qiimaha badan aynu ku badino:
πŸ“– Akhrinta Suuratul Kahf
🀲 Ducada iyo istighfaarka
πŸ•‹ Badinta Saliga Nabiga ο·Ί

πŸŒ™βœ¨ Ciidul Adxaa Mubaarak βœ¨πŸŒ™Maamulka iyo Macallimiinta Awballe Primary and Secondary School waxay hambalyo u dirayaan dha...
26/05/2026

πŸŒ™βœ¨ Ciidul Adxaa Mubaarak βœ¨πŸŒ™

Maamulka iyo Macallimiinta Awballe Primary and Secondary School waxay hambalyo u dirayaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadda Muslimiinta ah munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaa.

Ciid wanaagsan, bash bash iyo barwaaqo. 🀍

πŸ† Hambalyo Kooxda Bright Stars ee Fasalka 8aad oo ku guuleysatay Final-ka Tartan Aqooneedka Hanashada Aqoonta ee dhexmar...
25/05/2026

πŸ† Hambalyo Kooxda Bright Stars ee Fasalka 8aad oo ku guuleysatay Final-ka Tartan Aqooneedka Hanashada Aqoonta ee dhexmaray Awballe School iyo Alrahman School. πŸ‘πŸ“š

Sidoo kale waxaan bogaadin u direynaa kooxda Stars ee Alrahman oo soo bandhigtay tartan qurux badan. 🀝

Maanta ayaa si rasmi ah loo soo afmeeray tartanka.
πŸŽ‰ Hambalyo Awballe School! πŸŽ‰



πŸ†βš½ Hambalyo Kooxda FC Awballe oo ku guuleysatay Tartanka Kubadda Cagta ee Isdhexgalka Ardayda ee u dhexeeyay Awballe Sch...
25/05/2026

πŸ†βš½ Hambalyo Kooxda FC Awballe oo ku guuleysatay Tartanka Kubadda Cagta ee Isdhexgalka Ardayda ee u dhexeeyay Awballe School iyo Alrahman School. πŸ‘πŸ’™

Maanta waxaa si rasmi ah loo gudoonsiiyay koobka iyo abaalmarinnada kooxda guuleysatay. πŸ†πŸŽ‰
Sidoo kale, Tababaraha kooxda Ustaad Abdihakiim Cusmaan Siyaad ayaa ku guuleystay abaalmarinta Tababaraha ugu Fiican ee tartanka. πŸ‘πŸ₯‡

Waxaan bogaadinaynaa dhammaan ciyaartoydii iyo iskuulladii soo bandhigay ciyaar qurux badan iyo isdhexgal wanaagsan. 🀝⚽

🎊 Hambalyo FC Awballe & Ustaad Abdihakiim! 🎊





βš½πŸ†

πŸ†πŸ“š FINAL-KA TARTANKA AQOONEEDKA HANASHADA AQOONTA πŸ“šπŸ†Maanta subaxdii h**e saacadda 9:00 AM waxaa si rasmi ah u soo geba-g...
24/05/2026

πŸ†πŸ“š FINAL-KA TARTANKA AQOONEEDKA HANASHADA AQOONTA πŸ“šπŸ†

Maanta subaxdii h**e saacadda 9:00 AM waxaa si rasmi ah u soo geba-gaboobaya Tartanka Aqooneedka Hanashada Aqoonta ee u dhexeeyay ardayda Dugsiyada Awballe iyo Alrahman ee Fasalka 8aad. πŸ”₯

Waxaa Final-ka iskaga hor imaan doona labada kooxood ee:
⭐ Bright Stars – Awballe School
⭐ Stars – Alrahman School

Labadan kooxood ayaa soo bandhigay dadaal, karti iyo aqoon heer sare ah intii uu tartanku socday, waxaana maanta la sugayaa kooxda ku guuleysan doonta koobka Hanashada Aqoonta. πŸ†βœ¨

πŸ—“οΈ Maanta
⏰ 9:00 AM
πŸ“ Awballe School

Yaa noqon doona Horyaalka Hanashada Aqoonta? πŸ”₯πŸ‘







πŸ†πŸ“š TARTANKA AQOONEEDKA HANASHADA AQOONTA πŸ“šπŸ†Waxaa maanta si rasmi ah u soo dhammaaday Tartankii Aqooneedka Hanashada Aqoo...
24/05/2026

πŸ†πŸ“š TARTANKA AQOONEEDKA HANASHADA AQOONTA πŸ“šπŸ†

Waxaa maanta si rasmi ah u soo dhammaaday Tartankii Aqooneedka Hanashada Aqoonta ee loo qabtay ardayda Fasalka Form Four ee Dugsiga Awballe Primary and Secondary School.

Galabtan waxaa foodda is daray labada kooxood ee: Aqoonyahanada Awballe
πŸ†šοΈ
Himilada Awballe

Kadib tartan xiiso iyo xamaasad badan lahaa, waxaa guusha qaaday kooxda πŸ₯‡ Himilada Awballe. Hambalyo hambalyo guul qiimo badan oo aad soo hoyseen dadaal iyo karti awgeed. πŸ‘πŸŽ‰

Sidoo kale waxaan bogaadin iyo dhiirrigelin u diraynaa kooxda Aqoonyahanada Awballe oo muujisay dadaal, tartan wanaag iyo aqoon heer sare ah. Guusha dhabta ahi waa ka qaybgalka, isku dayga iyo kororsiga aqoonta. 🌟

Waxaan u mahadcelinaynaa maamulka, macallimiinta iyo dhammaan ardaydii ka qayb qaadatay qabsoomidda tartankan quruxda badan ee kor u qaadaya aqoonta iyo hibada ardayda. ❀️






πŸ“šβš‘ YAA NOQON DOONA HORYAALKA HANASHADA AQOONTA? βš‘πŸ“šWaxaa maanta si rasmi ah u dhacaya Final-ka Tartanka Hanashada Aqoonta...
24/05/2026

πŸ“šβš‘ YAA NOQON DOONA HORYAALKA HANASHADA AQOONTA? βš‘πŸ“š

Waxaa maanta si rasmi ah u dhacaya Final-ka Tartanka Hanashada Aqoonta ee Dugsiga Awballe Primary and Secondary School πŸ“šπŸ–Š

Waxaa foodda is dari doona labada kooxood ee aadka loo wada sugayo:
⚑ Aqoonyahannada Awballe
πŸ†š
🌟 Himilada Awballe

πŸ“ Goobta: Dugsiga Awballe
πŸ•“ Waqtiga: 4:00 PM
πŸ“… Taariikhda: 24/05/2026

Waxaan dhammaan ardayda ku dhiirigelinaynaa inay ka soo qeyb galaan final-kan xiisaha badan, isla markaana ay fahmaan in aqoontu tahay furaha guusha nolosha. πŸ“–πŸ’‘

πŸŽ“ Akhrisku waa iftiin, tartankuna waa dhiirigelin!
Kaalay oo taageer kooxdaada! πŸ‘πŸ”₯

πŸ†πŸ”₯ FULL TIME πŸ”₯πŸ†Waxaa si rasmi ah u soo dhammaaday kulankii Final-ka Kubadda Cagta ee Kulan Isdhexgalka Iskuulada ⚽πŸ₯‡ FC A...
22/05/2026

πŸ†πŸ”₯ FULL TIME πŸ”₯πŸ†

Waxaa si rasmi ah u soo dhammaaday kulankii Final-ka Kubadda Cagta ee Kulan Isdhexgalka Iskuulada ⚽

πŸ₯‡ FC Awballe 2️⃣ β€” 1️⃣ Alrahman

Ciyaar aad u xiiso badnayd kadib, kooxda FC Awballe ayaa ku guuleysatay koobka final-ka πŸ†πŸ‘

⚽ Goolal qurux badan
πŸ”₯ Tartan adag
πŸ‘ Isdhexgal & ciyaar wanaag

Hambalyo dhammaan ciyaartoyda, macallimiinta iyo taageerayaasha labada dhinac oo soo bandhigay ciyaar heer sare ah πŸ’™πŸ’›

πŸŽ‰ Guusha waxaa leh FC Awballe!


πŸ†



⚽

Address

Awballe Building, Rowda Street
Merka

Opening Hours

Monday 06:00 - 16:00
Tuesday 06:00 - 16:00
Wednesday 06:00 - 16:00
Saturday 06:00 - 16:00
Sunday 06:00 - 16:00

Telephone

+252613857171

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Awballe School posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The University

Send a message to Awballe School:

Share