Midowga Ardayda Qaranka Soomaaliyeed-National Union Of Somali Students

Midowga Ardayda Qaranka Soomaaliyeed-National Union Of Somali Students Waa bogga rasmiga ee Midowga Ardayda Qaranka Soomaaliyeed( MAQSO). The official Page of National Uni

Guddoomiye Ku Xigeenka Midowga Ardayda Qaranka Soomaaliyeed Dr. C/laahi Xasan Caddaawe Ayaa ka mid ah Madaxda ka qaybgal...
07/12/2024

Guddoomiye Ku Xigeenka Midowga Ardayda Qaranka Soomaaliyeed Dr. C/laahi Xasan Caddaawe Ayaa ka mid ah Madaxda ka qaybgalaysa Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya oo ay soo agaasinstay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dalka Japan , oo ka mid ah dalalka ugu horreeya caalamka waxbarashada iyo horumarinta Bani’aadamka ayaa fursad waxbarash...
06/04/2024

Dalka Japan , oo ka mid ah dalalka ugu horreeya caalamka waxbarashada iyo horumarinta Bani’aadamka ayaa fursad waxbarasho oo muhiim ah siinaya muwaadiniinta Soomaaliyeed. Lifaaqa hoose ka fiiri oo la wadaag saaxibbadaada danaynaya.👇🏾

https://www.ke.emb-japan.go.jp/jointad/so/itpr_en/scholarships.html?fbclid=IwAR0ea7fnZp2ppEipWs4YkN3J4-P0wFCLMb-AYF1krGLIyY3ppgBHv6StZrU_aem_AUDVQ8NNTUipk0ADgytnAxqvCjPH8JWqW88d24s4_hUfflfqU-aw-pFqV_oC9h_QQgk

本ホームページは「JavaScript」が使われております。「JavaScript」をONにしてご利用ください。

Guddoomiyaha Midowga Ardayda Qaranka Soomaaliyeed Garyaqaan Nasro C/laahi C/raxmaan ayaa Mudane Abdullahi Hassan Adawe u...
06/01/2024

Guddoomiyaha Midowga Ardayda Qaranka Soomaaliyeed Garyaqaan Nasro C/laahi C/raxmaan ayaa Mudane Abdullahi Hassan Adawe u magacowday in uu noqday Ku xigeenka Guoomiyaha MAQSO ee Maamulka.

Mudane Adawe ayaa ka mid ah muddo fog xubnaha ugu firfircoon ee Midowga Ardayda Qaranka Soomaaliyeed, wuxuuna qayb lexaad leh kasoo qaatay howlaha u qabsoomay MAQSO.

Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta Magaalada Muqdisho ayaa Dibad bax ku muujiyay dareenkooda ku aaddan ka dhiidhinta d...
03/01/2024

Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta Magaalada Muqdisho ayaa Dibad bax ku muujiyay dareenkooda ku aaddan ka dhiidhinta damac gurracan ee Itoobiya ee badda Soomaaliya iyo Heshiis ku sheegga is-afgaradka Maamulka Soomaliland iyo Itoobiya.

Soomaaliya Soomaali baa leh

Guddoomiyaha Midowga Ardayda Qaranka Soomaaliyeed Garyqaan Nasro C/laahi C/raxmaan ayaa ka qaybgashay Bandhigga Buugga S...
10/11/2023

Guddoomiyaha Midowga Ardayda Qaranka Soomaaliyeed Garyqaan Nasro C/laahi C/raxmaan ayaa ka qaybgashay Bandhigga Buugga Sahayda Garyaqaanka ee uu qoray Mudane Yuusuf C/laahi Xasan(Nuuxi).

Guddoomiye Nasro oo madasha ka hadashay ayaa bogaadisay qorista iyo akhriska, waxay sidoo kale hoosta ka xarriiqday ahmiyadda leedahay in bulshada faham fiican laga siiyo arrimaha garsoorka, sida buugga Sahayda Garyaqaanka oo kale.

Ka Bah Waxbarasho ahaan, waxaan muujinnay dareenkeenna ku aaddan sida ay noo taabatay Ardayda Lagu laayay Qarax Sobe2 iy...
29/10/2023

Ka Bah Waxbarasho ahaan, waxaan muujinnay dareenkeenna ku aaddan sida ay noo taabatay Ardayda Lagu laayay Qarax Sobe2 iyo Qaxaraxyadii kasii horreeyay sida Shaamow, Hargaha iyo Saamaha iyo Soobe 1.

Allaha Unaxariisto Ardayda, Macallimiinta iyo Ardayda sida arxanka daran loo laakaayay.

Guddoomiyaha Midowga Ardayda Qaranka Soomaaliyeed Garyaqaan Nasro C/laahi C/raxmaan ayaa ka qaybgashay Shirwaynaha Qaran...
23/10/2023

Guddoomiyaha Midowga Ardayda Qaranka Soomaaliyeed Garyaqaan Nasro C/laahi C/raxmaan ayaa ka qaybgashay Shirwaynaha Qaran ee Xoojinta Iskaashiga Ururrada Bulshada Raydka ah iyo Hay’adaha Dowladda oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta

Shirkaan oo ay kasoo qaybgaleen Ururrada Bulshada Raydka ee ka kala yimid Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Gobolka Banaadir ayaa u jeedkiisu yahay in la abuuro Shuraako tayo leh, taasoo u dhaxaysa Hay’adaha Dowladda iyo Bulshada Raydka ah iyo in la yagleelo Madal Joogta ah oo ay isugu yimaadaan Hay’adaha Dowladda iyo Ururrada Bulshada Raydka ah.

Dhammaad
----------------------
Wixii Faahfaahin ah kala xiriir,
Xafiiska Xiriirka iyo Warfaafinta MAQSO
Email; [email protected]
Website www.maqso.so
Instigram: Instigram.com/maqsonuss
Twitter: Twitter.com/maqso4

22/10/2023

Instagram.com/maqsonuss

Guddiga Sare ee Midowga Ardayda Qaranka Soomaaliyeed ayaa cod  Aqlabiyad ah ku meelmariyay in Marwo Nasra C/laahi C/raxm...
18/10/2023

Guddiga Sare ee Midowga Ardayda Qaranka Soomaaliyeed ayaa cod Aqlabiyad ah ku meelmariyay in Marwo Nasra C/laahi C/raxmaan ay noqotay Guddoomiyaha MAQSO.

Nasra ayaa muddo 6 sano ah Xubin ka ahayd MAQSO, waxayna kasoo shaqaysay qaybaha kala duwan ee Midowga.

Nasra waxay shahaadada Heerka 1-aad ka diyaarisay kulliyadda Sharciga ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

GUDDOONKA MAQSO OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA KU TIMID ABDIRAHMAN SHUURIYE.Muqdisho, April- 13, 2023; Guddoonka Midowga Arda...
13/04/2023

GUDDOONKA MAQSO OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA KU TIMID ABDIRAHMAN SHUURIYE.

Muqdisho, April- 13, 2023; Guddoonka Midowga Ardayda Qaranka Soomaaliyeed ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray, qoyska, ehallada, Bahda Waxbarashada iyo Guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed oo uu ka baxay Alle ha u naxariistee Abdirahman Shuuriye oo ah walaalka Abdullaahi Shuuriye G/K MAQSO oo lagu dilay Muqdisho.

Ugu dambayn, Guddoonka MAQSO ayaa Alla uga baryay in Abdirahman Shuuriye uu Jannadii Fardowso ka waraabiyo, samir iyo iimaanna uu Alle ka siiyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Halkan ka akhriso War murtiyeed kasoo baxay Shirweynaha Waxbarashada Qaranka oo socday Shantii Maalmood ee lasoo dhaafay...
17/03/2023

Halkan ka akhriso War murtiyeed kasoo baxay Shirweynaha Waxbarashada Qaranka oo socday Shantii Maalmood ee lasoo dhaafay.


Guddoomiyaha Midowga Ardayda Qaranka Soomaaliyeed ayaa Marwo Ikraan Cumar Cabdi u magacaabay in ay noqoto Madaxa Horumar...
23/02/2023

Guddoomiyaha Midowga Ardayda Qaranka Soomaaliyeed ayaa Marwo Ikraan Cumar Cabdi u magacaabay in ay noqoto Madaxa Horumarinta Waxbarashada Gabdhaha ee MAQSO.

Ikraan ayaa ah Guddoomiye ku xigeenka Guud ee Ururka Ardayda Jaamacadda Muqdisho.

Address

Mogadisho

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Midowga Ardayda Qaranka Soomaaliyeed-National Union Of Somali Students posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The University

Send a message to Midowga Ardayda Qaranka Soomaaliyeed-National Union Of Somali Students:

Share