17/06/2026
Tartanka Ciyaaraha MAJSO CUP 2026 ayaa maanta dhex maray Kulliyadaha Management and economics iyo medicine and surgery, kulan ay hareeyeen xamaasad, tartan adag iyo ciyaar qurux badan.
Labada kooxood ayaa soo bandhigay karti, dadaal iyo wadajir ardayeed oo heer sare ah, iyadoo ciyaartu ku dhammaatay 5–2 oo ay guushu ku raacday kulliyada management and economics kadib loollan adag oo daqiiqad kasta xiiso lahaa.
Tartankan MAJSO CUP 2026 wuxuu muujinayaa muhiimadda ay ciyaaruhu u leeyihiin kobcinta xirfadaha ardayda, dhiirrigelinta wadajirka iyo abuurista jawi waxbarasho oo firfircoon.
Hambalyo labada kooxood ciyaarta quruxda badan ee ay soo bandhigeen.