31/08/2026
🌟 BARNAAMIJKA BANDHIGGA KOBAC 2026
Jaamacaddu waxay qeyb ka ahayd Bandhigga Kobac 2026, halkaas oo ay nagu soo booqdeen arday badan oo ka qeybgalay bandhigga.
Ardaydii nagu soo booqatay waxaan halkaas kula wadaagnay fursadaha iyo adeegyada muhiimka ah ee Jaamacaddu u diyaarisay ardayda, kuwaas oo diiradda saaraya aqoon, xirfado, khibrad shaqo iyo fursado shaqo-abuur.
Haddii aad goobjoog ahayd ama aadan ka qeybgelin bandhigga, qormadan waxaan kugula wadaagaynaa waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee aan ardayda halkaas kula wadaagnay:
Aqoonta STEM
Jaamacaddu waxay xoogga saartaa waxbarashada STEM — Science, Technology, Engineering and Mathematics — taas oo ay hoos yimaadaan kulliyado kala duwan oo ardayda siinaya aqoon, xirfad iyo khibrad la jaanqaadaysa baahida suuqa shaqada.
🌟 6 Xirfadood oo Bilaash ah
Arday kasta oo Jaamacadda ku soo biiro wuxuu heli doonaa 6 xirfadood oo lacag la’aan ah, si uu u kobciyo awooddiisa una yeesho xirfadaha suuqa shaqada looga baahan yahay.
🗣️ Hal Sano oo English Language ah
Ardaydu waxay heli doonaan barnaamij English Language ah oo soconaya hal sano, iyadoo xoogga la saarayo Speaking, isgaarsiinta iyo kalsoonida qofka marka uu English ku hadlayo.
💼 3 Bilood oo Khibrad Shaqo ah
Ardaygu wuxuu heli doonaa fursad uu ku kasbado 3 bilood oo khibrad shaqo ah, si uu waxbarashada uga gudbo aqoon kaliya una helo khibrad dhab ah oo shaqo.
💰 Qiimo-dhimis Gaar ah
Waxaan sidoo kale diyaarinay qiimo-dhimis gaar ah oo loogu talagalay ardayda iyo waalidiinta doorbidaya in ilmahoodu helo:
📚 Aqoonta
🛠️ Xirfadaha
💼 Khibradda shaqo
🚀 Iyo shaqo-abuurka.
🎯 Ujeeddadeennu
Ujeeddadeennu waa in ardaygu uusan Jaamacadda ka bixin asigoo haysta shahaado oo keliya, balse uu ka baxo isagoo leh:
AQOON
XIRFAD
KHIBRAD
KALSOONI
Is diiwaangelinta Waxay ka soo soctaa 2-da Xaruun Jaamacadda
📞 Waxii Faahfaahin ah ama Suaalo ah
nagala soo xiriir: 613788286