05/11/2025
Kulanka Kulliyadda Culuumta Bulshada iyo Hayádaha kala aha UNDP iyo UNESCO
Waxaa maalintii Talaadada, 4ta November 2025, kulan looga wada hadlaayay sidii iskaashi wada shaqayn u yeelan lahaayeen Kulliyadda Culuumta Bulshada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, UNDP iyo UNESCO.
Ms Helene Apollis, Project Manager, Ecnomic Recovery & Institutional Development, UNDP Somalia Country Office, ayaa la soo xiriirtay Kulliyadda kana codsatay inay wada kulmaan, si looga wada hadlo iskaashi hoowleed.
Balanta kulanka KCB iyo UNDP, waxaa ogaatay Ms Misako Ito, UNESCO Head of Communication and Information Programme in East Africa, Nairobi, oo booqasho ku soo gaartay Soomaaliya, ayaa iyaduna codsatay inay qayb ka noqoto kulanka sare ku xusan.
Kulanka waxaa ka qaybgalay dhinaca KCB Prof. Cabdulqaadir Maxamed Dhicisow (Hormuudka KCB) iyo Bare Sare Xasan Sh. Cumar, (Madaxa Qaybta Saxaafadda) dhinaca UNDP Ms Helene Apollis, dhunaca UNESCO, Ms Misako Ito iyo Leo Simonini, Freedom of Expression and Safety of Journalists Officer. UNESCO iyo UNDP labaduba waxay kulliyadda usoo jeediyeen inay wada yeeshaan iskaashi dhinaca horumarinta warbaahinta, iyado diiradda la saaraya dhiirigelinta suxufiyiinta gabdhaha jiilka cusub ee saxaafadda.