Somali International University - SIU

Somali International University - SIU Somali International University (SIU) is a non-profit higher education institution accredited by the Professionalism
(210)

Our Philosophy
The founders, administrators, faculty, and support staff of SIU strongly believe that the Somali people have a right to a good education. SIU believes that through a solid educational foundation and promotion of a good character, the Somali people can successfully fight poverty, and provide a platform for inspiration. Our Vision

SIU aspires to be the leading source of the countryโ€™s

brightest, most skillful, and ethical professionals and managers. Our Mission
SIU is committed to the advancement of learning through teaching, research and service to society, and to produce qualified, capable, and morally sound graduates through educational excellence. Our Core Values

Integrity and Credibility
Innovativeness
Commitment
Transparency
Excellence and
6.

Waxaa maanta soo idlaaday  Imtixaanka Dhexe (๐Œ๐ข๐๐ญ๐ž๐ซ๐ฆ ๐„๐ฑ๐š๐ฆ) semester-ka labaad ee sannad waxbarasheedka 2025 - 2026.
25/04/2026

Waxaa maanta soo idlaaday Imtixaanka Dhexe (๐Œ๐ข๐๐ญ๐ž๐ซ๐ฆ ๐„๐ฑ๐š๐ฆ) semester-ka labaad ee sannad waxbarasheedka 2025 - 2026.

21/04/2026

Ayadoo maanta ay ku beegan tahay April 21, waxaa dunida oo dhan laga xusaa ๐–๐จ๐ซ๐ฅ๐ ๐‚๐ซ๐ž๐š๐ญ๐ข๐ฏ๐ข๐ญ๐ฒ ๐š๐ง๐ ๐ˆ๐ง๐ง๐จ๐ฏ๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง ๐ƒ๐š๐ฒ.

Jaamacadda SIU ayaa si muuqata u dhiirriggelisa hal-abuurka iyo fikradaha cusub ee ardayda, ayadoo kobcinaysa xirfadaha casriga ah, islamarkaana u beddelaysa fikradaha mashaariic dhab ah oo waxtar u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Xarunta Hal-abuurka iyo Xirfadaha ee Jaamacadda SIU ayaa qabatay tababbar ku saabsan Applied Data Collection and Analysi...
15/04/2026

Xarunta Hal-abuurka iyo Xirfadaha ee Jaamacadda SIU ayaa qabatay tababbar ku saabsan Applied Data Collection and Analysis in Research: Tools and Techniques, kaasoo loo qabtay ardayda kujirta sannadka ugu dambeeya ee Kulliyadda Siyaasadda iyo Culuumta Bulshada ee Jaamacadda SIU ee diyaarineysa buugga qalinjebinta.

Tababbarkan oo uu bixiyay Eng. Cabdinuur Abuukar Axmed ayaa diiradda saaray hababka casriga ah ee uruurinta iyo falanqaynta xogta, iyo isticmaalka Softwares-ka muhiimka u ah cilmibaarista si ardaydu ay ugu diyaargaroobaan qorista buugga qalinjebinta.

14/04/2026

Xarunta Hal-abuurka iyo Xirfadaha ee Jaamacadda SIU oo kaashaneysa Baano Healthcare Technology, ayaa qabatay workshop muhiim ah kaasoo loo qabtay qeyb ka mid ah ardayda Kulliyadda Culuumta Caafimaadka, oo cinwaankiisu yahay:
โ€œHealthTech Advances: Improving Lives Through Digital Solutionsโ€.

Dhammaan xarumaha Jaamacadda SIU waxaa saaka si rasmi ah uga billowday Imtixaanka Dhexe (๐Œ๐ข๐๐ญ๐ž๐ซ๐ฆ ๐„๐ฑ๐š๐ฆ) semester-ka labaa...
13/04/2026

Dhammaan xarumaha Jaamacadda SIU waxaa saaka si rasmi ah uga billowday Imtixaanka Dhexe (๐Œ๐ข๐๐ญ๐ž๐ซ๐ฆ ๐„๐ฑ๐š๐ฆ) semester-ka labaad ee sannad waxbarasheedka 2025 - 2026.
Waxaan idiin rajeyneynaa guul dhammaantiinba.


Midowga Ardayda Jaamacadda SIU oo kaashanaya Naadiga Ardayda Kulliyadda Culuumta Caafimaadka ee Jaamacadda SIU ayaa si m...
10/04/2026

Midowga Ardayda Jaamacadda SIU oo kaashanaya Naadiga Ardayda Kulliyadda Culuumta Caafimaadka ee Jaamacadda SIU ayaa si mutaddawacnimo ah dhiig ugu shubay Isbitaalka Takhasusiga Muqdisho.

Xafiiska Shaqacarbinta Jaamacadda SIU oo masuul ka ah xiriirka isbitaallada iyo jaamacadda ayaa hawshan si gaar ah ugala shaqeeyay ardayda.

Waa arrin wanaagsan in bulshadeennu ay istaageerto, Xukuumadda Ardaydana narwalba masuuliyad gaar ah ayay iska saartaa u adeegidda bulshada.

Ayadoo laga duulayo muhiimadda sii kordheysa ee tiknolojiyada dhanka caafimaadka, gaar ahaan Digital Health, Xarunta Hal...
09/04/2026

Ayadoo laga duulayo muhiimadda sii kordheysa ee tiknolojiyada dhanka caafimaadka, gaar ahaan Digital Health, Xarunta Hal-abuurka iyo Xirfadaha ee Jaamacadda SIU oo kaashaneysa Baano Healthcare Technology, ayaa qabatay workshop muhiim ah kaasoo loo qabtay qeyb ka mid ah ardayda Kulliyadda Culuumta Caafimaadka, oo cinwaankiisu yahay:
โ€œHealthTech Advances: Improving Lives Through Digital Solutionsโ€.
Workshop-kan ayaa si qotadheer diiradda u saaray doorka Digital Health uu ku leeyahay isbeddelka iyo casriyeynta adeegyada caafimaadka. Waxaa bixiyay workshop-kan Eng. Maxamed Nuur Xuseen (IM252).

Xarunta Dhexe ee Jaamacadda SIU waxaa ka qabsoomay tababbar ciwaankiisu yahay daryeelka indhaha iyo aragga oo uu bixinay...
08/04/2026

Xarunta Dhexe ee Jaamacadda SIU waxaa ka qabsoomay tababbar ciwaankiisu yahay daryeelka indhaha iyo aragga oo uu bixinayay Dr. Cabdisalaan Axmed Gacal oo bartay culuumta indhaha iyo aragga, kana tirsan barayaasha SIU.

Qabsoomidda tababbarkan waxaa iska kaashaday Midowga Ardayda Jaamacadda SIU iyo Naadiga Ardayda Kulliyadda Daaweynta iyo Qalliimads ee Jaamacadda SIU, waxaana tababbarka loo qabtay ardayda barata culuumta daaweynta iyo qalliimada.

08/04/2026

Dood Kusaabsan ๐๐จ๐จ๐ซ๐ค๐š ๐š๐ฒ ๐ก๐š๐ฐ๐ž๐ž๐ง๐ค๐ฎ ๐ค๐ฎ ๐ฅ๐ž๐ž๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐ก๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐›๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐.

Xarunta Hal-abuurka iyo Xirfadaha ee Jaamacadda SIU oo kaashaneysa Baano Healthcare Technology  ayaa qabaneysa workshop ...
07/04/2026

Xarunta Hal-abuurka iyo Xirfadaha ee Jaamacadda SIU oo kaashaneysa Baano Healthcare Technology ayaa qabaneysa workshop muhiim ah oo cinwaankiisu yahay:

โ€œHealthTech Advances: Improving Lives Through Digital Solutionsโ€.

Workshop-kan wuxuu diiradda saari doonaa sida tiknolojiyada caafimaadku (HealthTech) u horumarin karto nolosha bulshada ayadoo la adeegsanayo xalal dijitaal ah oo casri ah.

๐Ÿ“… Taariikh: 08/April/ 2026
โฐ Waqti: 01:00 PM
๐Ÿ“ Goob: Innovation and Skills Center Hall โ€“ Muse Galaal Campus.

๐—arunta Maamulka Jaamacadda SIU waxaa maanta ka qabsoomay ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฑ๐›๐š๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š (๐€๐œ๐š๐๐ž๐ฆ๐ข๐œ ๐‚๐จ๐ฎ๐ง๐œ๐ข๐ฅ) oo uu guddoomina...
06/04/2026

๐—arunta Maamulka Jaamacadda SIU waxaa maanta ka qabsoomay ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฑ๐›๐š๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š (๐€๐œ๐š๐๐ž๐ฆ๐ข๐œ ๐‚๐จ๐ฎ๐ง๐œ๐ข๐ฅ) oo uu guddoominayay ๐ƒ๐ซ. ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐‚๐š๐ฅ๐ข ๐ˆ๐ฌ๐ฆ๐š๐š๐œ๐ข๐ข๐ฅ, ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐”, waxaana sidoo kale goobjoog ahaa guddoomiye kuxigeennada iyo Maamulka kale ee Jaamacadda.

Intii uu shirku socday, waxaa daraasad kooban kusoo bandhigay Xafiiska Hubinta Tayada Tacliinta, sidoo kalana waxaa warbixinno looga dhageystay Xafiiska Xiriirka Bulshada iyo Xafiiska Maaliyadda ee Jaamacadda SIU.

Tababbar ay iska kaashadeen ๐Š๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š iyo๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐‡๐š๐ฅ-๐š๐›๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐—๐ข๐ซ๐Ÿ๐š๐๐š๐ก๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐” a...
06/04/2026

Tababbar ay iska kaashadeen ๐Š๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š iyo๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐‡๐š๐ฅ-๐š๐›๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐—๐ข๐ซ๐Ÿ๐š๐๐š๐ก๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐” ayaa loo qabtay ardayda barata culuumta xisaabaadka iyo ganacsiga ee kujirta sannadka ugu dambeeya ee waxbarashada jaamacadda.

Ganacsiga online-ka ah iyo sida badeecooyinka looga dalbo sirkadaha waaweyn ee dunida dacalladeeda ayaa la baray ardaydan, waxaana tababbarka bixinayay ๐„๐ง๐ . ๐‚๐š๐›๐๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ก๐ข ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐‚๐š๐๐๐š๐š๐ฐ๐ž oo katirsan Jaamacadda SIU.

Munaasabadda tababbarka waxaa goobjoog ahaa qeybo ka mid ah maamulka Kulliyadda Ganacsiga iyo Dhaqaalaha oo ardayda ku boorriyay inay xirfadahooda kordhiyaan si ay ula jaanqaadaan suuqa shaqada.

Address

Taleex
Mogadishu
00252

Opening Hours

Monday 07:30 - 15:30
Tuesday 07:30 - 15:30
Wednesday 07:30 - 15:30
Thursday 07:30 - 15:30
Friday 07:30 - 15:30
Saturday 07:30 - 15:30
Sunday 07:30 - 15:30

Telephone

+252613999952

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali International University - SIU posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The University

Send a message to Somali International University - SIU:

Share