02/02/2016
Asc dhamaan ardeyda kuliyadda ganacsiga iyo dhaqaalaha
waxaan jecleestay inaan idinla wadaago topickan .
Sidee ku bilaabi kartaa ganacsigaada gaarka kuu ah.:::
Waxaa jirto asbaab fara badan si aad u gashid majaalka shaqada ganacsiga.
Waxaa dhici karta in ay kugu soo dhacdo fikarad shaqo oo cusub taas oo ay ku xirantahay shaqada aad markaas haysid ama in ay soo baxdo fursado gaar ah sida in aad heshid magac shirkadeed oo la yaqaano ama hada shaqeyso ,waxaa dhici karto in aad heshid lacag.
Maxay tahay faa’iidada ah in la bilaabo ganacsi?
In aad maamulatid ganacsi kuu gaar arinkaas wuxuu u baahanyahay run ahaanti karti iyo dadaal dheeraad ah iyo xirfado muhiim u ah ganacsigaada,xirfadahaas waxaa ka mid ah:
• In aad kasbatid nolol wanaagsan
• In aad dareentid awood weyn oo shakhsiyadeed.
• In aad hormarisid afkaarahaaga hindisiyadeed oo khaaska ah.
• In aad soo saartid waxsoosaarka ka duwan midka markaas suuqa ka jira.
• In ay kaa dhexlaan ganacsigaada caruurtaada .
• In aad u kaalmaysid dadka markaas kaa liito dhaqaalo ahaan.
• In aad hormarisid shaqooyiinkaada.
• In aad ku raaxaysatid hogaanka dadka oo dhan.
• In aad dabooshid baahida suuqa ka jirto.
• In aad shaqeysid saacado badan.
Sideen Ku Diyaar Garoobaa ?
Duruuf kasto oo jirto waa muhiim in aad bilowdid shaqada ganacsiga iyo in aad hubisid in aad u diyaargarowdid qaab wanaagsan.
In aad fududeysatid qalab waxay sabab weyn u noqonaysaa in uu fashilmo shaqadaada ganacsi. Inta aadan qaadanin go,aan is weydii su’aalahaan
1. Maxay tahay shaqada aad doonaysid in aad suuqa ku gashid?
2. Maxay tahay macluumaadka ku xareereysan farsamadaas?
Ma tahay qof awood u leh in uu dajiyo qoryashayaal shaqo iyo la tacaamulka qadiyada shaqo taasoo ah suuqa iibisiga iyo maaliyada.
Si kastoo uu ahaado qaabka ganacsiga aad doonaysid waxaa lagama maarmaan ah in aad hubisid talaabooyiinkaan soo socda:
Talaabadda 1: Ma hanan kartaa dalabka shaqada ganacsiga?
Hagaag adiga waxaad ku fakaraysaa in aad bilowdid shaqooyiin yar yar waxaa suuragal ah in ay noqoto talaabadaas mida ka mid ah kuwa ugu muhiimsan ee aad ku guuleysatid, wax walbana waxay leeyihiin faa’iidi ama khasaaro.
Sidoo kale waxaa jirto akhbaar cusub taasoo ah sida aad ku hanan kartid shaqooyiinka yar yar iyo sidii aad uga qaadan laheed go’aamo wax ku ool ah hadii aad ku guuleysatid isku daygaada waxaad kasbandoontaa amaanada shaqada sido kale waxaad fursad u heli doontaa in aad shaqaalaysiisid dad kale.
Suaalo loo baanayahay in aad is weydiisid nafsad ahaantaada su,aalahaas oo ah:
Ma hanan kartaa dalabka shaqada ganacsiga?ka jawaab su,aalaha soo socda si ay kaalmo kuugu noqdaa in aad xadidid awooda agtaada ah .
Ma hanatay oo ma tijaabisay in aad maamushid shaqooyiin yar yar oo ganacsi ah hada ka hor? hadii jawaabtaada haa tahay maku guulaysatay mise waad ku fashilantay? hadii aad ku fashilantay maxaa sababay fashilkaas? maxaad ka baratay fashilkaas? maxay tahay isku dayga kale ee aad doonaysid hadii aad samaysid in aad ku guuleysandoontid? ma sugeysaa mid wax ku ool ahna falsafadaada iyo awoodaada? Ma tahay qof diyaar u ah in aad samaysid baaritaan dheer kaas oo hadafkiisu yahay qorsheyn iyo shaqo dhib badan?
Ma tahay qof awood u leh xalinta mashaakilka?ma tahay qof u arka mashaakilka fursado?ma tahay qof awood u leh in uu dajiyo ujeedooyiin caqli gal ah kuwa gaagaaban iyo kuwa dhaadheer intaba intaas kadib isku day sidii aad ku fuliin laheed ujeedooyiinkaas.
Talaabadda2: In aad kala saartid fursadaha shaqooyiinka
Ku bilow shaqada ganacsiga guul ayadoo la jirto fikrad cusub, fikradaas oo ay noqondoonta mid wax hanan karta ama ay keeni karto fursado sida soo socota:
• La xiriir asxaabta aad wada shaqeysiin oo kala qaata wixii warbixino ah.
• Tani waa arin aad muhiimadeeda u leh isla markaana horseed u ah hormarka shqada.sidoo kale waxaa jiro fursado kale oo cusub kuwaas oo kala ah.
• In aad samaysid xayaysiismo gaar ah.
• In aad samaysid bandhig ganacsi sida radio,telfeeshin iyo internet .
Talaabada3: U Diyaar Garow Qorshe Shaqo
Ma noqondoontaa qof awooda in uu soo saaro adeeg ku qanci karaaan macaamiisha hadii ahaanlahaayeen tayada,beeca marka adiga laguu fiiriyo?
Waxaa lagama maarmaan ah in aad go,aamisid ujeedo shakhsiyadeed dhanka koritaanka shaqaalaha dhanka maaliyada intaba waxaana kaa saacidi doona in aad ugu jawaabtid su,aalahaan si garasho leh.
Qof bilaabaayo ganacsi waxaa soo waji karo caqabado fara badan laakin waxaa kaa caawin kara in aad ku guuleysatid guul wax ku ool ah ma ahan lagama maarmaan in aad dhameestirid canaasiirtaan laakin waxaan kasoo qaadanaynaa qeebo ka mid ah:
1. Fursad
Marka h**e inta aadan bilaabin ganacsiga waa in aad raadisaa fursado ganacsi in ay jiraan iyo in kal hadii aad ogaatid marka h**e fursadaha ka jira suuqa waxaa aad kuugu sahlanaanayso inuu kobac sameeyoo ganacsigaada ama inuu ku faafo dhamaan dalka markaas aad ku dhexganacsansaysid.
2. Waxsoosaar ama Adeeg
Waxsosaarka hada jira ama hindisaha markaas suuqa ka jira waxaa lagama maarmaan ah in aad adeegsatid ereyo faniyadeed wax kala sooca ugu waaweyn wax soosaarka ama adeega tartanka sida midabka,qaabka iwm.
3. Suuqa
Qeebta suuqa ee qorsheyntiisa waa mida ugu muhiimsan hadana ugu adag tilmaan yaa kaa iibasan dooona waxsoosaarkaada iyo adeegyada aad soo bandhigtay,samey diraasada suuqa oo sah ah yaa kaa iibsandoona waxsoosaarkaada,halkee,goormee, hadii ay wax kaa iibsadaan macaamiishaada sidee waaye hab adeegsigooda.
Marka aad rabtid in aad suuqa ku biirtid waxaa muhiim ah in aad samaysid falanqeyn oo ah:
• suuqa meesha uu ku yaalo.
• Istiraatiijiyada beeca.
• Tartan oo kala ah mid toos ah iyo mid aan ahayn toos.
• Istiraatiijiyada in aad qeebisid.
4. Maamul
Waxay sameeyaan dadka maalgadayaasha intooda badan waxay muhiimada saaraan maamulka shaqo,ayadoo taasi weheliso shaqaalaha kuwooda ugu waaweyn.
5. Awood maaliyadeed:
Waxaa waajib ah bayaanaat maaliyadeed oo miizaamaniyad leh in la sameeyo shanta sano ee ay soo socota in aad hormarisid adeegaada iyo waxsoosaarkaada .
Takaaliifta aasaaska ee ganacsi waxaa ka mid ah:
• In aad haysatid marka h**e qalab.
• In aad haysatid shati ganacsiyadeed.
• In aad haysatid telephone iyo fakis.
• In aad heli kartid koronto iyo biyo.
• In aad haysatid alaab.
• In aad hormarin kartid kirada dhawr bilood.
• In aad heli kartid damaanad qaad.
• In aad heli kartid makhzin ama baqaar oo alaabtaada ku keedsan kartid.
• In aad samaysid xayaysiis.
6. Shaqaalaha
• In ay helaan shaqaalaha mushaaraadkooda
• In aad bixisid abaalmarin.
• In aad siisid fasax shaqaalaha hadii ay xanuunsadaan.
• In aad u kala badashid shaqaalaha xarumaha shaqada.
• In aad siisid shaqaalaha tababar.
• In ay hagaajiyaan shaqaalaha labiskooda.
By Ustad Abdifatah Afyare