06/09/2026
Mr. Mohamed Ahmed Yusuf, Ku-xigeenka Gudoomiyaha Horumarinta ee Jaamacadda Sombridge, ayaa kalmad ka jeediyay Bandhigga Buugga Bulaal, oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Intii uu socday munaasabadda, wuxuu ka hadlay muhiimadda akhriska, qoraalka iyo kobcinta aqoonta, isaga oo dhiirrigeliyay doorka buugaagtu ku leeyihiin horumarinta bulshada iyo jiilka soo koraya.
Buuggu waa il aqooneed, aqoontuna waa furaha horumarka.