17/04/2026
Waxaa maanta Xarunta Jaamacadda lagu qabtay siminaar muhiim ah oo lagu horumarinayo aqoonta ardayda, kaas oo diiradda lagu saaray hoggaaminta iyo maareynta waqtiga. Siminaarkan waxaa soo qabanqaabiyay Midowga Ardayda Jaamacadda Xamar (UHUS), waxaana si hufan u qabtay Ustaad Xuseen Maxamed Xuseen.
Siminaarka waxaa si gaar ah loogu talagalay ardayda Jaamacadda, iyadoo lagu soo bandhigay farsamooyin casri ah oo ku saabsan hoggaaminta wax ku oolka ah iyo sida waqtiga si habsami leh loo maareeyo, si loo gaaro guul shaqsiyeed iyo mid xirfadeed. Intii uu socday tababarku, ardaydu waxay heleen aqoon iyo waayo-aragnimo ka caawinaysa inay si wanaagsan u qorsheeyaan hawlahooda maalinlaha ah, isla markaana ay u horumariyaan xirfadaha hoggaamineed.
Sidoo kale, waxaa si qoto dheer looga hadlay muhiimadda qorsheynta, kala hormarinta hawlaha, iyo qaadashada goโaanno sax ah. Ardayda waxaa lagu dhiirrigeliyay inay yeeshaan himilo sare iyo aragti fog, si ay u noqdaan hoggaamiyeyaal wax ku ool ah mustaqbalka.
Ugu dambeyn, siminaarkani wuxuu ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay, kana tagay saameyn togan oo dhiirrigelin leh. Wuxuu sare u qaaday kalsoonida ardayda, wuxuuna ku booriyay inay noqdaan dad leh himilo cad iyo qorshe nololeed oo dhisan.