05/04/2026
Jaamacadda Plasma Hogaanka Iskaashiga Tacliinta Caalamiga ah ๐
Jaamacada Plasma, gaar ahaan Xafiiska Iskaashiga iyo Xiriirka Caalamiga, wuxuu si weyn u soo dhaweyneynaa in Jaamacaddu ka mid tahay hayโadaha kaalinta wax ku oolka ah ka qaadanaya taabagalinta Shirweynaha 3-aad ee Caalamiga ah ee Aqoonyahannada Daโda Yar ee Dunida Turkiga, kaas oo ka dhici doona dalka Azerbaijan 10โ13 May 2026.
Tallaabadan waxay muhiim u tahay:
โ
Iskaashiga Caalamiga ah: Xoojinta xiriirka ka dhexeeya Jaamacadda Plasma iyo hey'adaha Tacliinta sare ee caalamka.
โ
Hoggaanka Cilmi-baarista: In si sahlan oo mudnaan gaar ah leh Ardaydeena iyo Macallimiinteenu ay u helaan madal caalami ah oo ay ku soo bandhigaan cilmi-baarisyo iyo aragtiyo bulshada Soomaaliyeed leedahay.
โ
Hadafka Fog: In Jaamacadda Plasma ay qeyb ka noqoto dhisidda mustaqbalka aqoonta ee dunida casriga ah.
Ugu dambeyn, guul ayey u tahay bahda jaamacadda in shirkan oo halkudhigiisu yahay "Dhaxalka Maanta iyo Dhisidda Berri" ka dhex muuqdo Calanka Jaamacadda Plasma oo u taagan dhaxal reeb iyo dhisidda hoggaanka Mustaqbalka Dalka.
๐ Goobta: Azerbaijan
๐ Goorta: 10โ13 May, 2026
๐ Faahfaahin dheeri ah: www.tdgak.com