Faculty of Computing Student's Association - FOCSA

Faculty of Computing Student's Association - FOCSA Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Faculty of Computing Student's Association - FOCSA, Community College, Warshadaha, Mogadishu.

The Voice of Faculty of Computing Student's Association(FOCSA) in SIMAD UNIVERSITY, The primary purpose for publishing this page is to share the progress of Faculty students & their achievements.

🌍 Beyond Code: Computing Solutions for Somalia's Climate ChallengeYesterday, students from the Faculty of Computing at S...
31/07/2026

🌍 Beyond Code: Computing Solutions for Somalia's Climate Challenge

Yesterday, students from the Faculty of Computing at SIMAD University successfully participated in an insightful session under the Climate Conversation Integration (CCI) Series, hosted by the Institute of Climate and Environment (ICE) and organized by Green Champions.

The session was delivered by Ubaid Mohamed Dahir, Head of Computer Science, who highlighted how Artificial Intelligence (AI), Data Science, Geographic Information Systems (GIS), Internet of Things (IoT), and Software Development can play a vital role in addressing Somalia's climate and environmental challenges.

The discussion inspired students to recognize that computing goes far beyond writing code—it is a powerful tool for creating innovative, practical, and sustainable solutions that can strengthen climate resilience and contribute to a better future for Somalia.

On behalf of the Faculty of Computing Student's Association - FOCSA we extend our sincere appreciation to Ubaid Mohamed Dahir for sharing his valuable knowledge and expertise. We also thank the Institute of Climate and Environment (ICE) and the entire Green Champions team for organizing this meaningful and impactful session.

We look forward to more initiatives that empower students to use technology for the benefit of society and the environment.








TACSIMaamulka, Macallimiinta iyo Ardayda Faculty of Computing - SU. waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan walaasheen Hali...
12/07/2026

TACSI

Maamulka, Macallimiinta iyo Ardayda Faculty of Computing - SU. waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan walaasheen Halima Salad Omar, oo ka mid ah ardayda Faculty of Computing, geerida naxdinta leh ee ku timid awoowgeed, oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Waxaan Alle SWT uga baryeynaa inuu marxuumka u naxariisto, dembigiisana dhaafo, qabrigiisana u waasiciyo, kana waraabiyo Jannatul Firdowsa.

Sidoo kale, waxaan Halima, qoyskeeda, ehelkeeda iyo dhammaan qaraabada uu ka baxay uga baryeynaa in Alle SWT ka siiyo samir iyo iimaan, kana dulqaado murugada iyo tiiraanyada geerida.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.
Faculty of Computing Student's Association - FOCSA
SIMAD University

Khamiis, 25 Juun 2026Midowga Ardayda Kuliyadda Kumbuyuutarka ayaa maanta si guul leh u qabtay Class Revision loogu talag...
25/06/2026

Khamiis, 25 Juun 2026

Midowga Ardayda Kuliyadda Kumbuyuutarka ayaa maanta si guul leh u qabtay Class Revision loogu talagalay ardayda Semester-ka Labaad. Kulankan ayaa ujeeddadiisu ahayd dib-u-eegista iyo xoojinta maaddooyinka muhiimka ah si kor loogu qaado fahamka ardayda looguna diyaariyo imtixaannada soo socda.

Ardaydii ka qayb-gashay ayaa si weyn uga faa’iidaysatay casharrada iyo hagista lagu bixiyay kulanka, taasoo gacan ka geysatay kordhinta aqoontooda iyo kalsoonidooda waxbarasho.
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa Ustaad Jamal Abdirahem Mohamed dadaalkii iyo waqtigii uu geliyay diyaarinta iyo bixinta casharradan qiimaha leh. Doorkiisa waxbarasho iyo taageerada uu siiyo ardayda waa mid mudan bogaadin iyo qaddarin.

Midowga Ardayda Kuliyadda Kumbuyuutarka wuxuu sii wadi doonaa abaabulka barnaamijyada waxbarasho ee kor u qaadaya tayada waxbarashada, horumarinta aqoonta ardayda, iyo dhisidda jawi tacliimeed oo wax ku ool ah.

Faculty of Computing Student's Association - FOCSA







Hambalyo Rasmi ahWaxaan si kal iyo laab ah ugu hambalyeynaynaa dhammaan ardayda Semester Eight ee si guul iyo sharaf leh...
24/06/2026

Hambalyo Rasmi ah

Waxaan si kal iyo laab ah ugu hambalyeynaynaa dhammaan ardayda Semester Eight ee si guul iyo sharaf leh u difaacday Thesis Book-kooda. Guushan waa mid ka tarjumaysa dadaal joogto ah, karti aqooneed, iyo dulqaad aad muujiseen muddadii aad waxbarashada ku jireen.

Difaaca thesis-ku waa tallaabo muhiim ah oo muujinaysa bisayl aqooneed iyo u diyaar garowga marxalad cusub oo nolosha ah. Waxaa sharaf iyo farxad noo ah inaan aragno heerka aad gaartay iyo sida aad u metesheen aqoontiinna.
Waxaan idiin rajaynaynaa mustaqbal ifaya, guulo waaweyn, iyo inaad door muuqda ka qaadataan horumarka bulshada iyo dalka.

Mar labaad, hambalyo guushan qiimaha leh.

Shalay waxaan si weyn ugu dabaal-degnay guulihii muhiimka ahaa ee aan ka gaarnay Toddobaadka Dhaqanka ee Jaamacadda SIMA...
11/06/2026

Shalay waxaan si weyn ugu dabaal-degnay guulihii muhiimka ahaa ee aan ka gaarnay Toddobaadka Dhaqanka ee Jaamacadda SIMAD.

Guulahaas waxaa ka mid ahaa inaan difaacannay Koobka Kubadda Cagta sannadkii labaad oo xiriir ah, taasoo markhaati u ah dadaalka, kartida, iyo wadajirka kooxda.
Sidoo kale, waxaan ku guuleysannay abaalmarinnada Tababaraha Ugu Wanaagsan, Ciyaaryahanka Ugu Wanaagsan, iyo Goolhayaha Ugu Wanaagsan.

Guulahani waxay ka tarjumayaan shaqada adag, hufnaanta, iyo iskaashiga ay muujiyeen dhammaan xubnaha FOC Family.

Hambalyo dhammaan FOC Family. Guushan waa mid aynu wada leenahay, waxayna nagu dhiirrigelinaysaa inaan sii wadno hanashada guulo waaweyn mustaqbalka.

Ibraahim Muuse Caddow
Head Of Media and Communication-FOCSA
SIMAD University
Faculty of Computing - SU
Faculty of Computing Student's Association - FOCSA
Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD -XAJSi.

🏆 CHAMPIONS AGAIN! 🏆Faculty of Computing ayaa markale ku guuleysatay Koobka Kubadda Cagta ee Toddobaadka Dhaqanka Jaamac...
09/06/2026

🏆 CHAMPIONS AGAIN! 🏆

Faculty of Computing ayaa markale ku guuleysatay Koobka Kubadda Cagta ee Toddobaadka Dhaqanka Jaamacadda SIMAD 2026, kadib ciyaar k**a dambays ah oo heer sare ah oo ay la yeesheen Faculty of Medicine and Health Sciences.

Kadib tartan adag oo ay labada dhinac soo bandhigeen ciyaar qurux badan, FOC ayaa koobka ku xaqiijisay gool-kullaad 3–2 ah.

Guushan waxay mar kale muujinaysaa dadaalka, wadajirka, iyo kartida ay leeyihiin ciyaartoyda iyo guud ahaan bahda Faculty of Computing.

Hambalyo dhammaan ciyaartoyda, maamulka, macallimiinta, iyo taageerayaasha FOC guushan mudan.

⚽🏆 One Team. One Vision. Champions Again.





FOC CULTURAL PRESENTATION DAY.✅️Faculty of Computing - SU Faculty of Computing Student's Association - FOCSA SIMAD Unive...
09/06/2026

FOC CULTURAL PRESENTATION DAY.✅️
Faculty of Computing - SU
Faculty of Computing Student's Association - FOCSA
SIMAD University

Beri iyo bandhiga bahweynta Computing 👀
07/06/2026

Beri iyo bandhiga bahweynta Computing 👀

🏆 FOC TO THE FINAL! 🏆Alxamdulillaah, Faculty of Computing Football Team waxay si rasmi ah u gaartay Final-ka Koobka Kuba...
04/06/2026

🏆 FOC TO THE FINAL! 🏆

Alxamdulillaah, Faculty of Computing Football Team waxay si rasmi ah u gaartay Final-ka Koobka Kubadda Cagta ee Toddobaadka Dhaqanka Jaamacadda SIMAD 2026. ⚽

Safar adag, dadaal joogto ah, iyo wadajir ayaa noo horseeday marxaladdan muhiimka ah. Hadda waxaa naga xiga hal kulan oo keliya si aan u xaqiijinno horyaalnimada.

One Match. One Dream. One Champion.

Hambalyo dhammaan ciyaartoyda, taageerayaasha, iyo xubnaha FOCSA ee garab istaagay kooxda.

Ibraahim Muuse Caddow
Head Of Media and Communication-FOCSA
Faculty of Computing - SU
SIMAD University
Faculty of Computing Student's Association - FOCSA






Address

Warshadaha
Mogadishu

Telephone

+252614658723

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Faculty of Computing Student's Association - FOCSA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The University

Send a message to Faculty of Computing Student's Association - FOCSA:

Shortcuts

Share