04/05/2026
Waxaa maanta si heer sare ah u qabsoomay kulan ay isugu yimaadeen ardayda Jaamacadda Jazeera, maamulka jaamacadda, iyo xubno ka socday ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed (SMA).
Madasha waxaa furay Guddoomiyaha Ardayda Jaamacadda Jazeera, ๐๐ฟ ๐ฆ๐ฎ๐๐ถ๐ฑ ๐๐น๐ถ ๐๐ฎ๐๐๐ฎ๐ป ๐๐น๐ถ, oo si faahfaahsan uga hadlay ujeeddada kulanka oo ahaa in ay ku wareejiyaan ardayda jaamcadda lacago ay uruuriyen dadka abaaruhu ay waxa yeeleen uruka dhaqaatiirta soomaaliyeed SMA Iyo dadaallada ay ardaydu ku bixiyeen ururinta lacagta, isaga oo xusay cadadka la ururiyey iyo muhiimadda ay leedahay iskaashiga ardayda.
Sidoo kale, waxaa madasha ka hadlay xubno ka socday SMA, oo ay ka mid ahaayeen ๐๐ฟ ๐๐ฏ๐ฑ๐ถ๐๐ฎ๐น๐ถ ๐ซ๐ฎ๐๐ฎ๐ป ๐๐ถ๐ถ๐ฟ๐ฒ๐, ๐๐ฟ ๐๐ฎ๐๐๐ฎ๐ป ๐ก๐ผ๐ฟ ๐๐ถ๐ถ๐ป๐น๐ฒ iyo ๐๐ฟ ๐๐ต๐บ๐ฒ๐ฑ ๐๐ฏ๐ฑ๐ถ๐ธ๐ฎ๐ฑ๐ถ๐ฟ ๐ ๐ฎ๐
๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฑ, kuwaas oo si qoto dheer uga hadlay doorka dhaqaatiirta Soomaaliyeed iyo sida ay muhiim u tahay taageerada iyo isku xirnaanta bulshada aqoonyahanka ah.
Gabagabadii, madasha waxaa soo xiray Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Jaamacadda Jazeera, ahna Madaxa Academic and Affairs, ๐ฃ๐ฟ๐ผ๐ณ. ๐๐ฏ๐ฑ๐๐น๐ฎ๐ต๐ถ ๐ ๐ผ๐ต๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฑ ๐๐ฎ๐บ๐๐ฑ , oo si weyn ugu mahadceliyey dhammaan ardayda Jaamacadda Jazeera iyo xubnaha SMA dadaalka iyo ka qeybqaadashada firfircoon ee ay muujiyeen.
Kulankan wuxuu ahaa mid muujinaya midnimo, wadajir, iyo sida ay ardayda iyo aqoonyahanku uga qeyb qaadan karaan horumarka bulshada.