05/05/2026
Waxaa maanta qabsoomay shir muhiim ah oo ku saabsan soo dhaweyn, isbarasho iyo kala warqaadis, kaas oo uu guddoominayay Raktar Ku-Xigeenka Arrimaha Tacliinta ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Abdurezak Abdulahi Hashi
Kulankan ayaa waxaa ka soo qayb galay dhammaan madaxda iyo howl-wadeennada Kulliyadda Takhasuska iyo Cilmi-baarista, iyagoo muujiyay ka go’naan iyo wada-shaqeyn dhab ah.
Intii uu socday shirka, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay horumarinta tayada waxbarashada, xoojinta cilmi-baarista, iyo kobcinta wada-shaqeynta gudaha kulliyadda, si loo gaaro himilooyinka jaamacadda.
Kulankan wuxuu ahaa mid dhidibada u aasaya isfaham wanaagsan, wada shaqeyn joogto ah, iyo horumar waara oo ku saleysan aqoon iyo cilmi-baaris.