12/04/2026
Waxaa si guul ah noogu soo gabagaboobay tababar Research Proposal Writing, oo ay si wadajir ah u soo agaasimeen labada kuliyadood ee Dhaqaalaha iyo cilmiga bulshada ee jaamcada Salam iyo ururka Metra Hub.
Tababarkan oo socday muddo laba maalmood ah (11β12 April 2026) ayaa diiradda lagu saaray horumarinta xirfadaha qorista Research Proposal, oo ay ka mid yihiin dejinta mushkiladda, ujeeddooyinka, literature review, iyo methodology.
Tababarka waxaa soo jeediyay Mr. Idiris Sid Ali Mohamed , Mr. Idiris oo ka qaybgalayaasha la wadaagay aqoon iyo waayo-aragnimo qiimo leh.
Waxa uu tababarku si weyn uga qayb qaatay kor u qaadista tayada cilmi-baarista.
Mahad gaar ah dhammaan ka qaybgalayaasha iyo qabanqaabiyeyaasha ee Barnaamujkan Tabo barka ah.