02/09/2026
Qudus University ayaa qabatay tababar loogu talagalay macallimiin ka kala socday iskuulo kala duwan, kaas oo diiradda lagu saaray (Psychology of Teaching).
Tababarku wuxuu macallimiinta ka caawiyay inay si qoto dheer u fahmaan hab-dhaqanka ardayda, baahiyahooda waxbarasho, dhiirrigelinta ardayga, maaraynta fasalka, iyo sida loo dhiso xiriir wanaagsan oo u dhexeeya macallinka iyo ardayga.
Sidoo kale, waxaa xoogga la saaray hababka iyo xeeladaha waxbaridda ee wax-ku-oolka ah, si macallimiintu u horumariyaan qaabka ay wax u dhigaan, una abuuraan ardayda jawi waxbarasho oo wanaagsan oo dhiirrigeliya fahamka iyo ka-qaybgalka.
Tababarkan wuxuu qayb ka yahay dadaallada Qudus University ee lagu horumarinayo aqoonta iyo xirfadaha macallimiinta, iyadoo la xoojinayo tayada waxbarashada iyo horumarinta jiilka mustaqbalka.