Capital University of Somalia

Capital University of Somalia Capital University of Somalia aspires to be a premier and excellence center for educational destination.
(1)

Midowga Ardayda Jaamacadda Capital ee Marjac, ayaa soo agaasimay dood cilmiyeed lagu falaqeeyay, 𝐜𝐚𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚 𝐡𝐞𝐥𝐢𝐝𝐝...
23/05/2026

Midowga Ardayda Jaamacadda Capital ee Marjac, ayaa soo agaasimay dood cilmiyeed lagu falaqeeyay, 𝐜𝐚𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚 𝐡𝐞𝐥𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐱𝐚𝐥𝐚𝐥𝐤𝐨𝐨𝐝𝐚.

Dooddaan, oo ay marti ku ahayeen 𝐔𝐬𝐭𝐚𝐝 𝐀𝐡𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐛𝐝𝐮𝐥𝐤𝐚𝐝𝐢𝐫, bare sare oo katirsan Kulliyadda Maamulka iyo Dhaqaalaha iyo 𝐔𝐬𝐭𝐚𝐝 𝐀𝐛𝐚𝐬 𝐎𝐦𝐚𝐫, Hormuudka Kulliyadda Maamulka iyo Dhaqaalaha, Jaamacadda Capital, ayaa diiradda lagu saaray caqabadaha ay qalinjabiyaasha Jaamaaduhu kala kulmaan suuqa-shaqada, is waafajinta xirafadaha looga baahan yahay suuqa-shaqada iyo daraasadaha lagu dhigo Jaamacada.

Dhammaan ardayda Kulliyadda maamulka iyo dhaqaalaha, Jaamacadda Capital, waxaa lagu wargelinayaa inay kasoo qaybgalaan s...
23/05/2026

Dhammaan ardayda Kulliyadda maamulka iyo dhaqaalaha, Jaamacadda Capital, waxaa lagu wargelinayaa inay kasoo qaybgalaan siminaar ciwaankiisuna yahay “𝐒𝐭𝐫𝐚𝐭𝐞𝐠𝐢𝐜 𝐃𝐢𝐩𝐥𝐨𝐦𝐚𝐜𝐲 𝐚𝐧𝐝 𝐑𝐞𝐠𝐢𝐨𝐧𝐚𝐥 𝐈𝐧𝐭𝐞𝐠𝐫𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧 𝐢𝐧 𝐭𝐡𝐞 𝐇𝐨𝐫𝐧 𝐨𝐟 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐜𝐚: 𝐏𝐨𝐥𝐢𝐭𝐢𝐜𝐚𝐥 𝐚𝐧𝐝 𝐞𝐜𝐨𝐧𝐨𝐦𝐢𝐜 𝐫𝐞𝐥𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐧 𝐨𝐟 𝐚𝐟𝐫𝐢𝐜𝐚”.

Siminaarkaan, wuxuu bixi doonaa Axadda 24 May, 2026, 1:00pm, Campus.

17/05/2026

Waxaan qayb ka nahay barnaamijka waxbarashada ee 𝐊𝐮𝐥𝐦𝐢𝐬, oo sanadki 6-aad uu qabanaayo Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir.

Waxaan soo gunaanadnay barnaamij socday muddo saddex (3) maalmood ah, oo ay iska kaashadeen Midowga Dugsiyada Gobolka Ba...
13/05/2026

Waxaan soo gunaanadnay barnaamij socday muddo saddex (3) maalmood ah, oo ay iska kaashadeen Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir iyo Jaamacadda Capital.

Barnaamijkaan, waxaa ka faaideystay 𝐚𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐟𝐚𝐬𝐚𝐥𝐤𝐚 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝, oo ka kala 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚𝐲 𝟏𝟑 𝐈𝐬𝐠𝐮𝐮𝐥. Ardaydu waxay heleen tababarro iyo talooyin kala duwan oo ku saabsanaa, diyaarinta imtixaannada, maareynta jadwallada, ka falcelinta xasaradaha maalinta imtixaanka, habdhaqanka ardaynnimo iyo ilaalinta shuruucda.

Waxaan mahad-ballaaran u celineynaa maamulka guud ee Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir, Maamulayaasha Isguullada ardaydu ka socdeen, howlwadeennada Midowga Ardayda Jaamacadda Capital ee Marjac iyo Macallimiinti, nagala qaybgalay inti barnaamijkaani socday.

𝐂𝐨𝐧𝐠𝐫𝐚𝐭𝐮𝐥𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧𝐬, 𝐀𝐡𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐤𝐚𝐝𝐢𝐫 𝐀𝐡𝐦𝐞𝐝.We are pleased to acknowledge the remarkable achievement of Ahmed Abdikadir Ahmed...
13/05/2026

𝐂𝐨𝐧𝐠𝐫𝐚𝐭𝐮𝐥𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧𝐬, 𝐀𝐡𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐤𝐚𝐝𝐢𝐫 𝐀𝐡𝐦𝐞𝐝.
We are pleased to acknowledge the remarkable achievement of Ahmed Abdikadir Ahmed, Lecturer in the Faculty of Economics and Management Science, Capital University of Somalia, together with his co-authors, on the successful publication of their article titled “𝐃𝐲𝐧𝐚𝐦𝐢𝐜 𝐋𝐢𝐧𝐤𝐚𝐠𝐞𝐬 𝐛𝐞𝐭𝐰𝐞𝐞𝐧 𝐅𝐢𝐬𝐡𝐞𝐫𝐢𝐞𝐬 𝐎𝐮𝐭𝐩𝐮𝐭, 𝐎𝐟𝐟𝐢𝐜𝐢𝐚𝐥 𝐃𝐞𝐯𝐞𝐥𝐨𝐩𝐦𝐞𝐧𝐭 𝐀𝐬𝐬𝐢𝐬𝐭𝐚𝐧𝐜𝐞, 𝐚𝐧𝐝 𝐇𝐨𝐮𝐬𝐞𝐡𝐨𝐥𝐝 𝐂𝐨𝐧𝐬𝐮𝐦𝐩𝐭𝐢𝐨𝐧 𝐢𝐧 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐚” in Discover Sustainability, a Scopus-indexed Q1 journal.

Read the full article here: https://link.springer.com/article/10.1007/s43621-026-03353-z

Maalinta Caalamiga ah ee Kalkaaliyayaasha Adduunka awgeed, Jaamacadda Capital, waxay hambalyo iyo bogaadin u direysaa dh...
12/05/2026

Maalinta Caalamiga ah ee Kalkaaliyayaasha Adduunka awgeed, Jaamacadda Capital, waxay hambalyo iyo bogaadin u direysaa dhammaan kalkaaliyeyaasha Soomaaliyeed.

Kalkaaliyeyaashu waxay door weyn ka qaataan daryeelka caafimaadka bulshada, badbaadinta nolosha, iyo horumarinta adeegyada caafimaadka. Jaamacaddu, waxay si gaar ah ugu mahadcelineysaa dhammaan ardayda, qalinjabiyaasha, macallimiinta, iyo xirfadlayaasha caafimaadka ee qaybta Kalkaaliyayaasha, Kulliyadda Culuumta Caafimaadka, JaamacaddaCapital. .

12/05/2026

𝐃𝐡𝐚𝐦𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 2-𝐚𝐚𝐝, ee barnaamijka tababarka iyo talasiinta ardayda fasalka 12-aad ee dugsiga sare.

Guddoomiyaha Jaamacadda Capital, Dr. 𝐀𝐡𝐦𝐞𝐝 𝐆𝐚'𝐚𝐥 𝐀𝐥𝐢, ayaa soo xiray maalinta 2-aad ee barnaamijka tababarka iyo talasii...
12/05/2026

Guddoomiyaha Jaamacadda Capital, Dr. 𝐀𝐡𝐦𝐞𝐝 𝐆𝐚'𝐚𝐥 𝐀𝐥𝐢, ayaa soo xiray maalinta 2-aad ee barnaamijka tababarka iyo talasiinta ardayda fasalka 12-aad ee dugsiga sare.

𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝟐-𝐚𝐚𝐝: 𝐔𝐬𝐭𝐚𝐚𝐝 𝐀𝐛𝐮𝐤𝐚𝐫 𝐀𝐛𝐝𝐮𝐥𝐥𝐚𝐡𝐢 𝐀𝐝𝐝𝐚𝐧, Hormuudka Xarunta Daraasaadka Sare, Jaamacadda Capital, ayaa ardayda u sh...
12/05/2026

𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝟐-𝐚𝐚𝐝: 𝐔𝐬𝐭𝐚𝐚𝐝 𝐀𝐛𝐮𝐤𝐚𝐫 𝐀𝐛𝐝𝐮𝐥𝐥𝐚𝐡𝐢 𝐀𝐝𝐝𝐚𝐧, Hormuudka Xarunta Daraasaadka Sare, Jaamacadda Capital, ayaa ardayda u sharxay ahdaafta Jaamacadda Capital iyo taageeradeeda bahda waxbarshada.

Maalinta 2-aad: 𝐔𝐬𝐭𝐚𝐚𝐝 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐡𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐛𝐝𝐢, Hormuudka Kulliyadda Culuumta Beeraha iyo Deegaanka, Jaamacadda Capital, ayaa...
12/05/2026

Maalinta 2-aad: 𝐔𝐬𝐭𝐚𝐚𝐝 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐡𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐛𝐝𝐢, Hormuudka Kulliyadda Culuumta Beeraha iyo Deegaanka, Jaamacadda Capital, ayaa ardayda u jeediyay Mowdiic ku saabsanaa "Diyaarinta Imtixaanka Qaranka, Maaraynta Jadwallada Maaddooyinka iyo u diyaar-garoowga maalinta Imtixaanka".

𝐔𝐬𝐭𝐚𝐝 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐍𝐮𝐫 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 (𝐃𝐡𝐚𝐥𝐞𝐲), Agaasimaha Waxbarashada, Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir, ayaa furay Maalinta 2-aad...
12/05/2026

𝐔𝐬𝐭𝐚𝐝 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐍𝐮𝐫 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 (𝐃𝐡𝐚𝐥𝐞𝐲), Agaasimaha Waxbarashada, Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir, ayaa furay Maalinta 2-aad ee Barnaamijka tababarka iyo talasiinta ardayda fasalka 12-aad ee dugsiga sare.

Address

Mogadishu
252

Telephone

+252619227222

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Capital University of Somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The University

Send a message to Capital University of Somalia:

Share