01/05/2026
Jaamacadda Kownayn waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa maamulka cusub ee Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed (ASU), kuwaas oo loo doortay inay hoggaamiyaan "ASU" muddada 2026–2029. Gaar ahaan:
Dr. Xasan Maxamed Sayid – Guddoomiyaha
Dr. Cabdiqaadir Axmed Mahad – Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad
Dr. Maxamed Wali Cabdi Aadan – Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad
Waxaan Alle uga baryeynaa in mas’uuliyadda culus ee loo igmaday uu ku garab galo, kana dhigo mid ay si hufan, daacadnimo iyo karti leh u gutaan, isla markaana horseeda horumar, iskaashi iyo mideyn dhexmarta jaamacadaha Soomaaliyeed.
Waxaan sidoo kale rajaynaynaa in hoggaankani noqdo mid dhiirrigeliya tayada waxbarashada sare, cilmi-baarista, iyo wada shaqeynta heer qaran iyo mid caalami ah.
Hambalyo iyo guul baan idiin rajaynaynaa.