10/21/2026
Maxaan ka baran karnaa dhacdadii wiilkii la isku haystay ee Magaaladda Gaalkacyo.
Dhacaddada wiika la isku haystay ee magaaladda gaalkacyo waxay u baahan tahay inaan ka barano casharo muhiim ah oo ay bulshadeenu la nool yihiin.
Marka h**e aan xuso in dhacdadan aysan ahayn mid cusub laakiin waxa cusub ay ahaayen in kiiska dad ku dhinteen kuwo kalana ku dhaawacmeen maxkamadna la keenay si loo xaliyo.
dhacadadan waa arin bulashadeena ku badn laakin ama hooyadda ayaa qarin jirtay ama si hoose ayaa loo dhamayn jiray.
waxaan ka baranayno dhacdadaan waxaa ugu mihiimsan,
1. in Hooyadu tahay qofka hubo ilmaheeda aabahood oo aan qof kale ku dhaaran karin. Hooyo Xaliimana si wanaagsan ayay u difaacatay nasabka wiilkeeda iyo sharafkeediiba.
2. In dadku hadii ay ku kalsoonaadadn shareecadda islaamka ay daawo u noqonayso dhammaan.
3. In dhaartu reer Muduga u tahay wax fudud oo la iska maro maaddama ay dhaarten dad badan oo mid walba ku dhaartay inuu run sheegayo.
4. In gaalkayo tahay magaaladda mucjisadda soomaaliya oo waxyaabo badan oo gaar ah caan ku tahay.
5. ugu dambayn dhacdadan waxay dhiiri-gelin u tahay hooyo walba oo dhibkas oo kale haysto inay banaanka soo istaagto oo shareecada timaado si nafteeda iyo ilmaheedaba nasabkoodu u illaaliso.
Osman Jama