Qoysbile

Qoysbile Ku soo dhawoow QoysBile, Xarunta dib u soo celinta Qiyamkii iyo Quruxdii Qoyska soomaaliyeed. https://www.youtube.com/channel/UCq-Ei8Cs3nq9qJBIv02Vr_w

Faai;dada Guurka.Daryeel iyo  mas’uuliyad:Guurku waa udub dhexaadka ay ka bilaabato mas’uuliyadu laga helo daryeel aan m...
09/09/2026

Faai;dada Guurka.
Daryeel iyo mas’uuliyad:

Guurku waa udub dhexaadka ay ka bilaabato mas’uuliyadu laga helo daryeel aan meel kale adan ka heli karin.
Marka ragga lagu mehrinayo xaasaskooda waxa ugu horreeya ee la xasuusiyo loona sheego waa waajibaad laga rabo inuu guto sida, makaan la d**o, masruuf ku filan iyo buuxinta baahiyaha kala duwan ee gabadhu u baahan tahay, marka si u buuxiyo baahidaas waa inuu shaqaysto oo soo saaro nolol maalmeedkiisa iyo inuu si fiican u fekaro, sidoo kale waxuu guurka ragga iyo durmarkaba baraa maamulka iyo kala dambaynta,
Gabadhu intay gurigooda joogto waa Inan markiise la guursado magaceedu waa is badalaa oo waxaa loogu yeeshaa (marwo) macnaha waxay noqotya saldhig ama geed wayn oo waxay maamulaysaa guri iyo carruur (hadii eebe siiyay) waxay kaloo maamulaysaa shaqada maalin laha ah ee guriga ka dhex socota.
Qurbaha arinka maamulka guriga gabdhaha qaar kood waxay ku darsadeen maamulka Ninka taasoo keentay bur bur badan oo qoys.
Raggu Inta quman ee fahamtay mas,uuliyadooda qoys si wanaagsan ayay u gutaan, waxayna waqtigoodda oo dhan galiyaan sidii qoyskaasi u guulaysan laha ugana gudbi lahaa caqabadaha faraha badan ee ku hareeraysan.
Waxaan maqlay, waxaa jiray labo walaalo oo midka yari guursaday, kii waynaana uusan wali xaas yeelan, waxaa u yimid kii waynaa odoyaal doonayay in ay la xaajaystaan oo go,aan reer la qaataan, markii kii waynaa la waydiiyay inuu arinka go’aamiyo ayuu yiri “labadeena anaa wayn laakiin isagaa reer leh oo arinkaan gudoominaya” halkaa waxaad ka garanaysaa in guurku uu mas,uuliyad iyo maamul wato markii la fahmo lana dhawro sharaftiisa.
Dhinaca kale guurka waa qofba kan kale uu siiyo maral support ama taageero nafsi ah, mid jinsi ah , mid dhaqaale iyo mid wehelba waaana Meesha qof kastaa ka helo nasasho hadii la is fahmo la isuna dulqaato.
Hadiise la is fami wayo gurigu wuxuu isu bedelaa foorno dab ka shidan yahay oo qof kasta dhiniciisa dabku ka gaaro.
Hadaba guurku waa Meel lagu barto ma,suuliyada lagana helo daryeel joogta ah oo wada ogol ah.

La soco Qormadda xigta.

09/04/2026

waa koorso dhamaystrian oo ka hadlaysa aqoonta bangiyadda from Re...

Faa,iidada Guurka.2. Deggenaan iyo QaneencoGuurku wuxuu abuuraa qalbigoo kuu dega iyo laabtoo kuu qabowda,  Shaqaday naf...
09/03/2026

Faa,iidada Guurka.
2. Deggenaan iyo Qaneenco

Guurku wuxuu abuuraa qalbigoo kuu dega iyo laabtoo kuu qabowda, Shaqaday naftu u jeceshahay haddaan loo helin waqti nasasho waa lagu daalayaa dabeetana la iska deynayaa.
Saacadaha uu Qoku ku hawlan yahay cibaadada Alle iyo camalka adduunyo, waxaa habboon inuu dhexgashado waqti uu xaaskiisa/saygeedda kula baashaalo si qalbigu ugu d**o, laabtu ugu qabowdo firfircoonaanna uga qaado.
Dadka cilmig nafsiga barta waxay ku cadeeyeen in dawada ugu wanaagsan ee lagu baa’biyo werwerka, wareerka, xanaaqa iyo daalka badan ay tahay in aad gurigaaga tagtid oo aad la kulantid/ la cayaarto xaaskaaga/ saygaaaga.

Waxaan wax badan arkay dad dhimirka ka jirran oo isugu jira rag iyo dumar oo loo guuriyay, mudo yar ka dibna helay caafimad iyo deggenaan, dadkaa waxaa wax badan lagu dawaynayay meelaha lagu dabiibo dadka dhimirka ka jiran, waxayse bogsadeen markay heleen wehel dhinaca jinsiga ah taasoo keentay inay qoboobaan xididadii kacsanaa, kana dhamaado gadoodkii xididada maskaxda ka buuxay.
Buuqii iyo isla hadalkii iyo wareerka waxaa booskoodii u gelay deggenaan iyo qaneeco.
Marka, guurku waa dawo u baahan in si fiican loogu daweeyo dadka dareenkoodu kacsan yahay, sidoo kale waxuu ka hor-tag u yahay cudurada keena isla hadal-ka, Stresska iyo buufiska. .

Dunidda Maanta waa wareer badan tahay, waqtiguna waa deg deg waxaana batay cudurada ku dhaca dareenk, nerfaha ama maskaxda, waxana sii kordhaya culaysyadda ka haysta dalalka galbeedka isla hadalka, stresska iyo kali noolaanshaha. Xanuunadaan inta badan kuma dhacaan dadka h**e u guursaday ama helay Lamaane wanaagsan oo nolosha la Kaaba.
Sidaa darted si aad Nolol deggen iyo Qaneeco Nafee u hesho Guurso oo si fiican uga fikir inuu guurku kuu noqdo midkaa rabtay oo doorashadaadda ku xiran.

La soco qormadda xigta.

Qoysbile  Family maxaad jeclaan lahydeen Inaad Barataan Tababaradan.  jawaabtu waa Muhiim fadlan.
09/02/2026

Qoysbile Family maxaad jeclaan lahydeen Inaad Barataan Tababaradan. jawaabtu waa Muhiim fadlan.

Faadooyinka Guurka.1. Eebe oo raalli kaa noqda & sunnadii Rasuulka oo aad raacdayGuurku waxuu ka mid yahay,  shayga ugu ...
09/02/2026

Faadooyinka Guurka.

1. Eebe oo raalli kaa noqda & sunnadii Rasuulka oo aad raacday

Guurku waxuu ka mid yahay, shayga ugu mihiimsan ee jiritaanka aadmiga ku xiran yahay, waa halka uu bini-aadamku ka tarmo.

Dunidda Maanta waa isu furan tahay oo dalal badan ayaa dadkii ku yaraaday oo sanad walba dad soo dhoofsadda ka dib markii Tarankii ku yaraaday oo guurkii iska diideen in badan.

Wadamo kale guurkii ayaa macnihiisii oo dhan meesha laga saaray waxana qoys lagu tilmaamaa laba haween ah oo wada nool ama laba Rag ah ama xayawaan iyo dad, waxanaa meesha ka baxay dhadhankii guurka oo ahaa Ilaalinta anshaxa iyo nasabkaba.

Alah (sw) wuxuu ilaaliyay nasabka si aan ummadda Muslimka ah shubaho u soo dhexgalin, wuxuuna aayaadan ku dhiiri gelinaya oo noogu bishaaraynaa in la guursado oo guurku wato risqisigiisa iyo fadli dheeraad ah.
waxaan aragnay oo markhaati nool ka nahay dad aan waxba haysan oo ka baqanayay guurka iyo culayskiisa oo markii ay alle tala saarteen oo guursadeen dhaqaale iyo shaqaba helay oo abuuray ganacsi. marka hada dhaqale rabto guurso oo eebe talo saaro.

وَأَنكِحُوا الْأَيَامَىٰ مِنكُمْ وَالصَّالِحِينَ مِنْ عِبَادِكُمْ وَإِمَائِكُمْ ۚ إِن يَكُونُوا فُقَرَاءَ يُغْنِهِمُ اللَّهُ مِن فَضْلِهِ ۗ وَاللَّهُ وَاسِعٌ عَلِيمٌ
sidoo kale ayuu Nabigeena Muhamed (scw) noo dar daarmay inaan guursano, marka waxaad ogaataa markaad iska ilaalisid xaaraanta oo xawadaada aad ku shubtid meel xalaal ah, waxaad fulisay amarka Allah (sw) iyo dar daaranka Nabigeena (scw) Marka waxaad fulisay qodob muhiim u ah Cibaadadaadda iyo nolaashaada dambe oo dhan.
Guurku waa Gaashaan kaa difaaca macaasidda sidoo kale wuxuu qofkma muslimka ah u fududeeyaa cibaadadda alle waa inta badan guurku wuxuu waataa Hanuun iyo qabow qalbiga iyo naftaba saameeya.
Sidaa darted faaiidadda guurka waxaa ka mid ah Raali ahaanshaha Eebe iyo Raaacidda sunnnad nabiga (SCW) oo aan raacday iyo Inaad xawadaadda( shahwadaada) si xalaal ah U gudato.

la soco Qormadda xigta.

Maxaa laga Faa’iidaa Guurka.Is guurisiga Dadka iyo wada noolaanshahoodu wuxuu soo jiray ilaa Nabi Adam (cs)  waxaana Fee...
09/01/2026

Maxaa laga Faa’iidaa Guurka.
Is guurisiga Dadka iyo wada noolaanshahoodu wuxuu soo jiray ilaa Nabi Adam (cs) waxaana Feerta bidix ee nabi Adam laga abuuray Xawaa si uu u helo Lammaane iyo wehel nolosha la qaybsada.
ilaa waqtigaa guurku wuxuu ahaa sharci Allaah isugu baneeyay lab iyo dhadig inay si sax ah baahidooda jinsiga ah ku gutaan iyo inay koriyaan dad ka farcama qoyskaas sida sharciga ah ku wada nool.

Guurku wuxuu qofka u yeelaa miisaan, wuxuu geliyaa caafimaad maskaxeed iyo mid jireed, wuxuu baraa nidaamka masuuliyadda, iyo fekerka, wuxuuna u gudbiyaa xaalad horumar mida ugu wayn oo ah inuu helo ubad illaahay idinkii,

Waxaad ogtihiin Dadka dunidda jooga waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay ka shaqeeyaan cibaadadda alle ka dib waa ganacsi, ganacsigana waxa laga shaqaystaa waa badeeco la soo saaro ama shaqo la qabto oo lacag laga helo (product or service
Product iyo Servic-ka waxaa ka shaqeeya waa dad, dadkana waxaa soo saara qoys, marka waxaad arkaysaa in ganacsigana habeen iyo maalin loo soo jeedo si faaiido looga sameeyo qoyskii dadka soo saarayayna la hilmaamo oo muhiimadiisii aan la fahmin.

Marka qoys waxaa laga soo saaraa waxa aduunka ugu qaalisan oo ah dadka, badeecadda iyo waxayaabaha dunida yaal waa la isa siiyaa, la is ammaahiyaa, la isu hibeeyaa, aqristow dad la isa siiyo ma aragtay? Ma maqashay dad la is daymiyay, ama dad beec ah oo qiimo lacageed lagu kala gadanayo.
waxay ila tahay inaad ila fahamtay in qoysku laga helo waxa ugu qiimaha badan dunidda oo ah dadka , sida kaliya ee aad ku heli kartaana waa inaad qoys dhistaa ilaahayna tala saarataa,

Intaa ka dib waxaan soo qaadan doonaa Qodobadda aan is leeyahay waa ugu muhiimsan yihiin ee laga helo Guurka .
La soco Qormada soo socota.

They strengthen the Three X rule.Second and third XXiriirka Waalidka iyo u baari-noqoshadooda oo aad ilaalisid.Qoysaska ...
08/25/2026

They strengthen the Three X rule.

Second and third X
Xiriirka Waalidka iyo u baari-noqoshadooda oo aad ilaalisid.

Qoysaska liibaanay waxaa ka mid ah calaamadahooda inay yihiin dad baari u ahaa waalidiintii iyaga dhashay oo xifdiya una ixsaan fala haday nool yiihin, haday dhinteena u sadaqeeya saqada jaariya ah ama u duceeya maalin kasta.
Xiriirinta waalidka waa furaha labaad ee liibaanta noloshaada iyo aakhiradaada, waan arinka labaad ee ugu mihiimsan inaad ka shaqayso intaa nooshahay waaba hadii Eebe fursadaa ku siiyay, Allaah markuu in la caabudo ka hadlayay , wuxuu raaciyay in waalidka loo axsaan falo oo baari loo noqdo, وَاعْبُدُوا اللَّهَ وَلَا تُشْرِكُوا بِهِ شَيْئًا ۖ وَبِالْوَالِدَيْنِ إِحْسَانًا halkaa waxaad ka garanaysa muhiimadda ay leedahay in waalidka xiriirkooda la hagaajiyo.
Xadiith Rasuulka scw ayaa sheegay in jibriil u yimi oo ku yiri, qofkii labadiisi waalid mid ama labduba ay agtiisa ku waynaadeen oo aan jano ku galin Axsaan falkooda naarta allaha ku fogeeyo, nabiguna scw aamin ayuu yiri. رَغِمَ أَنْفُهُ، ثُمَّ رَغِمَ أَنْفُهُ، ثُمَّ رَغِمَ أَنْفُهُ
قِيلَ: مَنْ يَا رَسُولَ اللَّهِ؟
قَالَ: مَنْ أَدْرَكَ وَالِدَيْهِ عِنْدَ الْكِبَرِ، أَحَدَهُمَا أَوْ كِلَيْهِمَا، ثُمَّ لَمْ يَدْخُلِ الْجَنَّةَ Hadiithkaan iyo aayadaha ka h**eya waxay cadaynayaa in ruuxii waalidka aan u axsaan falin oo aan baari u noqon uusan aduun iyo aakhiraba liibaanayn, qofkii waalidkii aan baari u noqon oo caasi ku noqda ma sugayo qoys deggen iyo ubbad baari ah.
Hadaba hadaad doonayso inaad hesho qoys baari ah iyo ubbad baari, xiriiri oo baari u noqo waalidkaa hadii ay noolyihiin haday dhinteena u ducee...
Waxa tijaabooyin badan lagu ogaaday in ducada iyo habaarka waalidku ay qofka ka muuqato intuu dunidda jooga, qofka ducada waalidka qaba gaadiid uu ku socdo ayay u noqotaa, gaashaan dhibaatada ka difaaaca ayay u noqataa, qoyskiisa ayay barakaysaa, ubbadkiisa ayay baari ka dhigtaa, walwalka aduunka ayay ka ilaalisaa, noloshiisan farxad iyo guul ayuu ku dhamaystaa.
Sidoo kale qofkii waalidka caasi ku noqda ama habaar waalid ku dhaco , waxba uma hagaagaan, xarig kasta oo uu qabsado waa go’aa, muraad kasta oo yeeshana culays ayuu ku noqdaa, xiriirka uu dadka la leeyahay waa adkaadaa, qoys degen iyo degenaanshana ma helo, Ubbadka uu dhalana isagay dhibaato iyo caasi waalidiin ku noqdaan. Hadaba markaad jarto xiriirka adiga iyo waalidkaa waxaad sugtaa waa xiirir xumo ka timaada qoyskaaga iyo ubbadkaaga waana waxa isku xiran oo la kala saari karin...
Markaad wanaajisid xiriirka adiga iyo waalidkaa, waxaad heshay furaha iyo guusha noloshaada, qoyskaaga, ubbadkaaga, iyo sacaadada iyo farxadda naftaada.. waxaa kaloo kuu noqonaysaa ducadda waalidka fure kuu fura albaab kasta oo aad doonaysid, waxaana fudayd kuu noqonaya dhamaan amuuraha aad ka leedahay aduunka iyo aakhiradaadaba.

Xaaraanta oo aad qoyskaaga ka ilaalisid.

Waxyaabaha guryaha naga dumiya marka laga reebo labada qodob ee aan kor ku soo sharaxnay waa xaaraanta guryaha iyo ilamaha la galiyo. Xaaraantu waa dab, dabkuna meeshii lagu qabto waa gubaa.
Dhibaatada ugu badan ee somalidda dibada bur burka qoyska sababta u ah waa ribada iyo dhaqaalaha sida khaldan kusoo gala qoyska. Soomaalida dhexdeeda waxaa caan ku ah in qofkii qaatay xoolo dad kale lahaa uu maanta dareemay dhibaatadii ka dhalatay iyo saamaynta ay ku yeelatay qoysaskoodii.
Nafaqaynta qoyskaaga waa muhiim inaad ka ilaaliso xoolo xaaraan oo la soo dhacay ama la soo xaday oo qofkii lahaa laga soo fara maroojiyay, qoyskii lagu soo bar baariyay xoolo xaaran ah ama hada haystana ma sugayo degenaan iyo farxad , waxaaana la sugayaa natiijada xaaraanta oo ah kala tag, daroogo, iyo is dil waana aragnay in badan,
hadaba hadaad akhristow qoyskaaga ku nafaqaysid xaaraan waxaad sugtaa waa qoys habeen iyo maalin is haysta oo dhibaatadii xaaraantu ka muuqato wajiyadooda iyo dhaqankooda lana socon doonta ilaa waqti dheer....
Hadaba hadaad doonayso qoys deggen oo farxad iyo furfurnaan ku nool ka fogow inaad qoyskaaga ku quudisid xaaraan degtid makaan xaaraan ah, ku lebisatid dhar xaaraan, is la markaana ku intifaacdid xaaraan.
Dhammaad.

08/25/2026

Talaabooyinka muhiimka ah inaad ogaato inta casharku socdo.

Qodobka sagaalaad.  9.  They strengthen Three X Rule.Waxay Xoojiyaan Qaacidadda Three X.Lammanaha Nolosha ku liibaanay w...
08/21/2026

Qodobka sagaalaad.
9. They strengthen Three X Rule.
Waxay Xoojiyaan Qaacidadda Three X.
Lammanaha Nolosha ku liibaanay waxay xoojiyaan Qaaciddada Three X
Qodobkaan aan ugu dambaysiiyay sagaalka qodob ee Lammaaanah Guulyastay Ee Qaacidadda Three X waxay soo koobaysaa Arin kooban laakin aad muhiim u ah taas oo oo aad ku arkaysid qoys kasta oo Nolosho ku guulaystay.
Dunidaan iyo dadka ku nool Allaah ayaa abuuray oo garanaya maslaxadoodda, wanaagooda, iyo meelaha ka jilicsan yihiin, wuxuuna soo raaciyay kitaab quraan ah oo xambaarsan dhammaan tar tiibta nolosheena, hadaan raacno waa liibaannay, hadaan ka jeesanana waan xumaaanay oo waxba nooma hagaagayaan. waxaana ka dhalanaya abaalmarin iyo ciqaab .
Computarka aan hadda ku qorayo qoraalkan markii la sameeyay waxaa la soo raaciyay waraaqo kooban oo sheegaya sida la isugu xirayo, siduu u kala horreeyo, iyo barmaamijyo lagu shubayo si uu u shaqeeyo, hadii aad khalado tar tiibtiisa iyo siduu isugu xigo waa xumaanayaa oo ma kuu shaqaynayo, hadaad raacdo nidaamkii loo sameeyayna wuu kuu shaqaynaayaa sidaad rabto ayaad uga faaidaysanaysaa.
Waxaan hadda soo qaadanaynaa qaaciddo kooban laakiin guda balaaran oo aan ku soo koobayo Sagaalka Qodob ee lammaanaha guulaysta, waa qaaciddo qofkii ku dhaqma uu e heli doono qoys barakaysan oo badhaadhe ah , waa qaacido kuu horseedaysa nolol deggen, qalbi deggen iyo qoys deggen. Qaacidadaan waxaaan u bixiay 3 X ama sedexda X waana tan.

Xiriirka Eebe oo aad Ilaalisid. ( first X)
Markaad hoos u badho Qoysaska Nolosha ku liibanay waxaad ogaanasaa inay yihiih dad dhowray xiriirka alle isla makaana Muuqaalkooda iyo dhaqankooda aad ka garanayso inay yihiin dad toosan.
Xiriirka adiga Allah waa arinka ugu muhiimsan noloshaada, waana waxa ugu h**eeya ee lagaa doonayo inaad samaysid si aduunkaaga iyo aakhiradaada u hagaagto. Diintaan samaawiga ah markii loo soo dhiibayay rasuulka scw waxaa la geeyay samadda, waxaana loo soo dhiibay salaadda oo ah cibaadada iyo xiriirka ugu muhiimsan ee u dhaxeeya adoonka iyo Allah.
Waxaa quraanka samaawiga ku qoran, aayadan macanaheedu yahay, وَمَن يَتَّقِ اللَّهَ يَجْعَل لَّهُ مَخْرَجًا ۝
وَيَرْزُقْهُ مِنْ حَيْثُ لَا يَحْتَسِبُ ۚ qofkii alle ka baqa alle howlihisa oo dhan waa u fududeeyaa, wuxuuna irsaaqadda ka siiyaa meel uusan ka filaynin. , sidoo kale waxaa aayad kale alle ku yidhi وَمَنْ أَعْرَضَ عَنْ ذِكْرِي فَإِنَّ لَهُ مَعِيشَةً ضَنْكًا وَنَحْشُرُهُ يَوْمَ الْقِيَامَةِ أَعْمَىٰ qofkii Alle ka jesta xuskayga waxaa u sugnaatay nolol ciriiri ah, maalinta Qiyaamana wuxuu la soo taagi isagoo indho la,
Xoolo kasta oo aad haysato, maqaaam iyo darajo kasta oo aad gaartid, Aqoon kasta oo aad leedahay wax macno ah oo aad leedahay ma jiraan hadaad xiriirka Alle aadan toosin oo aadan hagaajin wax kuu hagaagayana ma jiraan, waxaadna ku dambaynaysaa shalay iyo dullinimo.
Xiririka Eebe ood hagajiso waxaa ugu h**eeya Salaadda oo aad tukatid oo aad ilaalisid, Salaada 24saac walba waxaa la tukadaa shan jeer waana duco iyo baryo aad Eebe ka baryaysid inuu kugu hagaajiyo wanaaaga kaana ilaaliyo caradiisa iyo cadaabkiisa. Salaadu waa telefoonka aad Eebe u diraysid, waa xirirka ugu muhiimsan ee dhex mara Eebe iyo adoonkiisa qofkii wanaajiyana waa hagaagay , qofkii xumeeyan xiriirkaasna waa xumaaday.
Xiriirka Allaah oo aad hagaajiso wuxuu fure u yahay liibaantaada iyo ladnaantaada, wuxuu kaloo kuu hagaajinayaa xiriirka qoyskaaga, xiriirka caruurtaada iyo xiriirka guud ee gurigaaga, marka hadaad doonayso qoys isku xiran oo xirir wanaagsan ku nool hagaaji xirirka Alle intaad awoodo waxaad arki doontaa qoyskii oo xiririkiisii kuu toosay, kuuna degey.
Dhinaca kale waa iska macruuf Lamaanaha aan Ilaalin Xiriirk Eebe ee dayacay waajibaadkii Alle saaray inaan iyagana xiriir wanaagsan dhexdooda ka dhalanayn, Nolol deggen oo niyad sami lehna ma helayaan, culys iyo cabasho ayay la nool yihiin.
La soco qormadda labaad.

Address

2329 South 9th Street Apt 207
Minneapolis, MN
55406

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Qoysbile posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The University

Send a message to Qoysbile:

Shortcuts

Share